1. Degganaha cusub kusoo dhowow Danmark
Gacaliye degganaha cusub,
In dal kugu cusub aad nolol cusub ka billowdo waxay kugu dhalin kartaa isbedello waaweyn. Qofku wuxuu la kulmayaa dad cusub iyo nidaamyo cusub. Qofku wuxuu baranayaa caadooyin, hiddo iyo dhaqan laga yaabo iney ka duwan yihiin kuwii uu yaqiin. Sidaa darteed ayaa gaar ahaan muddada ugu horreysaahi la timaadaa caqabado farabadan, waxaana loo arkaa waxaan la fahmi karin.
Buuga aad gacanta ku heysid waxaan u qornay inaan xoogaa kuu fududeyno nolol maalmeedkaaga cusub. Waana warbixin guud oo la xiriirta bulshada deenishka iyo ku cusboonaanta Danmark.
Dabcan bulshada deenishka hal sawir oo kaliya lagama bixin karo. Danmark - sida dalalka intooda badan - waa bulsho noocya badan oo ka turjumeysa aragtiyo iyo mabaadi’ kala duwan oo ah xagga siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo diintaba.
Waxa sababaya in kala duwanaantu sii xoogeysato waa, in Danmark bulsha ahaan aan leenahay wadajir ku saleysan caadooyin aasaasi ah. Waana caadooyinka sida dimoqoraadiyad, daryeel, xorriyad, sinnaan iyo xurmeyn ka dhexeysa shacabka ayadoo aan loo eegin jinsi, da’, midab iyo diin (ama mabda’) toona. Qof kasta wuxuu leeyahay xuquuq iyo waajibaad, qof kastaana wuu ka qeyb geli karaa howlaha mujtamaca si xorriyad iyo sinnaan ah ayadoo la ilaalinayo sharciga.
Nidaamka dimoqoraadiyadda Danmark wuxuu ku dhisan yahay, in dalka lugu maamulo dimoqoraadiyad ka turjumeysa rabitaanka dadweynaha, halkaasoo dadweynuhu si xor ah usoo doortaan dadkii uga wakiil noqon lahaa doorashooyinka dowladaha hoose iyo kuwa qarankaba. Dimoqoraadiyadda waxaa kamida, sidoo kale, in qofku fekerkiisa uu cabbiri karo, una hadli karo ama uu wax u qori karo si xor ah, in ururro la sameysan karo, iyo in qofku uu waajibaadkiisa diiniga ah si xor ah u gudan karo.
Dimoqoraadiyadda iyo wadatashiguba guud ahaan muhiim ayey u yihiin heer kasta ee bulshada oo ay ahaataba. Waxaana laga doonayaa qof kasta inuu ka qeyb qaato geeddi socodka dimoqoraadiyadeed ee bulshada - haddii ay ahaan laheyd kumuunaha, ururka shaqaalaha, naadiga isboortiga, guddiga degganayaasha guriga aad deggan tahay, ama guddiga iskuulka carruurta ama xanaanada.
Mabaadi’da dimoqoraadiyadda ee ku saabsan sinaanta iyo xorriyadda u dhexeysa dadka oo dhan, waxay qofka kaliga ah iyo qoysaskaba fursado badan u siinayaan sidey u abuuran lahaayeen nolosha ugu habboon. Hase yeeshee mabaadi’da dimoqoraadiyaddu waxay sidoo kale xadeynayaan khiyaarka qofka. Hadafka xadeyntuna waa sugidda, in aan cidna lugu xadgudbin, ama aan siyaabo kale dhibaato loogu geysan.
Waxaa kamida, tusaale ahaan, inaan bulshadu oggolaaneyn, in cidna lugu takooro jinsigooda, dalka ay u dhasheen, midabkooda, rumeysnaan, falkooda xagga jinsiga ah ama cuuryaannimo, sidoo kalena inaan bulshadu oggolaaneyn, in cidna loo geysto dhibaato ama gudniin jirdilyo ah. Is-qadderin iyo in dadku ama kooxaha kala duwani isfamhaan waa arrimo aad muhiim ugu ah mujtamaca deenishka.
Danmark iney tahay bulsho daryeel leh waxaa shardi u ah, in qof kastaa intii karaankiisaa uu ugu deeqo qaranka, taasoo ay kamid tahay in uu wax barto, shaqeysto, bixiyo canshuurta, isla markaana uu naftiisa iyo qoyskiisaba biisho. Tan kale, haddii loo baahdo, wuxuu qaranku qofka u fidin karaa kaalmo, wuxuuna saacidaa bulshada kuweeda liita (aan isdebberi karin). Tusaale ahaan wuxuu qof kasta xaq u leeyahay kaalma dhakhtar ama isbitaal oo bilaash ah, waayeellada iyo cuuryaamiintuna waxay xaq u leeyihiin saacidaad gaar ah ee la xiriirta nolol maalmeedkooda. Waxaa kale oo kamida in dadka aan shaqeynin la siiyo kaalma dhaqaale, iyadoo la adeegsanayo nidaam ka kooban xuquuq iyo waajibaad, kuwaasoo gacan ku siinaya sidey wax u baran lahaayeen ama ay u saldhigi lahaayeen suuqa shaqada.
Waa arrin dhamaanteen karti iyo dadaal dheeraada nooga baahan - degganayaasha cusub iyo kuwii haraba - inaan ku dhegganaanno oo aan horumarinno qaran ku dhisan dimoqoraadiyad, daryeel iyo isixtiraam u dhxeeya dadweynaha.
Danmark waxaan aaminsanahay in kala duwanaanta (ama dhaqamada cusub) ee adiga iyo qaar kalaba ay dibedda nooga keenayaani uu sababi karo dibu cusboonaan iyo firfircooni. Sidaa darteed waxaan rejeyneynaa in aad si firfircoon uga qeyb geli doonto bulshada, maadaama aad hadda qeyb kamida tahay.
Gebegebadii waxaan kugusoo dhoweyneynaa Danmark - waxaanna kuu rejeyneynaa bash-bash iyo baraare in aad ka heshid noloshaada cusub ee dalkaan.