12. CAAFIMAAD IYO CUDUR
Heyadaha caafimaadka deenishka
Daaweyn iyo ka hortag
Waaxda caafimaadka deenishku waxay xogga saartaa ka hortagga iyo daweynta cudurrada labadaba. Ka hortagga waxaa kamida in qofku - ayadoo aan aheyn oo kaliya in laga warbixiyo hab nololeed caafimaad leh - isku dayo yareeyo khatarta cudurrada. Daaweyntu waxay ka koobnaan kartaa in la dhimo lana daaweeyo, marka qofku jirrado ama uu shil galo.
Cudurro la xiriira qaab nololeedka
Kuwa ugu caansan cudurrada ka jira Danmark waa kansarka, sokorta, cudurrada halbowlayaasha wadnaha iyo xanuunno kale, oo ey si toosa isugu xiran yihiin hab nololeedka dadka. Waxaana sababahooda kamida buurnaanta, cigaar cabidda, isticmaalka aadka ah ee khamriga iyo xarakaad yari.
Tayada nolosha oo hoos u dhacday iyo qarash farabadan
Waa cudurro dad badan u keena hoos u dhac tayada nolosha, kuwaasoo sanad walba waaxda caafimaadka ugu kaca intaasoo milyaardi oo krone. Waana sababta ey dowladdu xoogga u saareysaa ka hortagga iyo horumarinta caafimaadka. Taasina waxay ku imaaneysaa in laysku dayo in la baro shacabku iney badsadaan qudaarta cagaaran eyna iska yareeyaan dufanka, oo yareeyaan cabidda cigaarka iyo khamriga iyo iney sameeyaan xarakaadyo dheeraada.
U sheeg oo weydii
Dadka intooda badan caafimaadka iyo cudurradu waxay u yihiin arrimo xasaasiya oo shakhsi ah, lana xiriira dhaqamo adag. Sidaa darteed waxaa si fudud u abuurmi kara isafgaranwaa iyo iska horimaad, marka aragtida xagga caafimaadka ee dhaqamo kala duwani ay kulmaan. Gaar ahaan marka ay sidoo kale adag tahay in la isfahmo. Waa adag tahay sidii waxa aad rabtid iyo waxa aad sugeysid loogu sheegi lahaa luqad kale. Waxaana shaqaalaha caafimaadka deenishka ku adkaan karta iney kasiiyaan waafiya warbixin ee qaabka daaweynta - ama xuquuqda iyo waajibaadka aad leedahay bukaan ahaan. Sidaa darteed waa muhiim in aad sheegtid waxa aad rabtid iyo rajadaada tusaale ahaan xagga daaweynta ama raashinka. Si loo xaq dhowro bukaanka kale loona ilaaliyo nadaafadda, waxaa muhiima in aad u dhega nuglaato qaabka shaqaaluhu ay wax yeelayaan, oo aad dhowrto shuruudaha ay kuusoo jeediyaan.
Ceymiska caafimaadka iyo maamulka isbitaallada
Cid kastaa waxay leedahay dhakhtar u gaara
Dhamaan dadka degan Danmark waxaa loo yeelayaa dhakhtar gaara. Dhakhtarkaa ayaadna marka hore la xiriireysaa, haddii aad xanuunsato. Dhakhtarkaagu wuxuu kaala talin karaa ka hortagga caafimaadka kaana daaweynayaa xanuunno kala duwan. Waana sidoo kale dhakhtarkaaga cidda sida ugu haboon ee qiimeyneysa in aad u baahan tahay daaweyn kale ama inuu ku baaro dhakhtar gaar ah.
Ceymiska caafimaadka waxaa lugu bixiyaa canshuurta
Waa ceymiska guud ee caafimaadka iyo waaxda maamulka isbitaallada guud cidda u xilsaaran in aad dhakhtar u tegi karto ama luguugu daaweeyo isbitaalka, marka aad u baahato. Qarashka waxaa loo bixiyaa canshuur ahaan, daaweyntuna sidaa darteed waa u bilaash bukaanka.
Qarash ey tahay in qofku uu isagu iska bixiyo
Tan kalese waa in aad adigu bixisaa qeyb kamida qarashka tusaale ahaan daawada, muraayadaha, dhakhtarka ilkaha iyo daaweynada kale oo ka baxsan xuduudka dhakhtarkaaga ama isbitaalka. Waxaase jira fursado kala duwan oo kabid, taasoo u xiran xaaladdaada iyo dakhligaaga.
Doorasho xor ah ee dhakhtarka
Marka luguugu qoro diiwaanka guud ee kumuunahaaga, waxaa si toosa luguu weydiinayaa in aad doorato dhakhtarka aad dooneyso - iyo inuu tusaale ahaan noqdo nin ama naag.
Soo qaado kaarkaaga caafimaadka
Kadibna waxaa toos luguugu soo dirayaa kaarka ceymiska caafimaadka. Waana kaar caaga oo yar oo jaallaa oo ey ku qoran yihiin magacaaga, adareeskaaga lambarkaaga shakhsiga ah iyo magaca dhakhtarkaagu. Kaarka ceymiska caafimaadku waa caddeyntaada, in aad xaq u leedahay in aad kaalma ka hesho ceymiska caafimaadka.
Waa in aad had iyo jeer hore usoo qaadataa, marka aad aadeysid dhakhtarkaaga, dhakhtarka ilkaha iyo waaxda gurmadka deg degga ah ama lugu jiifiyo isbitaalka. Waana in aad sidoo kale sii qaadato marka aad u dhoofeyso Danmark dibeddeeda.
La xiriiridda dhakhtarka
Ballan sameyso
Haddii aad dhakhtarka aadeyso waa in wacdaa oo ballan sameysataa. Dhakhaatiirta intooda badan waxay furan yihiin inta u dhexeysa 8.00 iyo 16.00 maalmaha shaqada waxayna telefoon wax ku qaabilaan subaxdii. Waxaa caadi ahaan ballan luguu qabanayaa ugu dambeyn shan shaqa-maalmeed, marka aad wacday kadib. Laakiin haddii aad daran tahay, wuxuu dhakhtarku caadi ahaan kuu qaban karaa isla maalintaa.
Baaris, daaweyn ama u dirid meel kale
Dhakhtarku wuu ku baarayaa kadibna go’aaminayaa wuxuu luguugu sameyn lahaa. Waxay noqon kartaa inuu ku siiyo rasiidka daawada. Laakiin waa ka fogtahay in xaalad kasta lugu daaweeyo daawo. Laga yaabee in luguu diro dhakhtar gaara - tusaale ahaan dhakhtarka maqaarka ama dhakhtarka cudurrada dumarka.
Dhakhtarku wuxuu sidoo kale kuu diri karaa khabiirka jimcinta lafaha ama murqaha jirka, haddii aad dhabarka la’dahay. Halkaana adiga ayaa iska bixinaya qeyb kamida daaweynta.
Ugu dambeyntii wuxuu dhakhtarku kuu diri karaa in luguugu baaro ama lugu seexiyo isbitaalka.
Dhakhtarka heeganka iyo kaalmada deg-degga ah
Ka baxsan xilliga dhakhtarku wax qaabilo
Haddii aad u baahato saacidaad dhakhtar waqti ka baxsan waqtiga dhakhtarku furan yahay - oo ah 16.00 kadib maalmaha shaqada iyo wiikendiga iyo maalmaha ciidda ah ee habeen iyo maalinba - waa in aad wacdaa dhakhtarka heeganka. Lambarka dhakhtarka heeganka maxalliga ah, waxaa kamida meelaha aad ka heli karto buugga telefoonka ee xaafaddaada.
Booqashada dhakhtarkaaga
- Imaaw waqtiga aad ballanta leedahay.
- Wargeli in aadan imaaneyn, haddii aadan tegi karin, si qof kale waqtigaagi u qaato.
- Dhakhtarku wuxuu ku mashquuli karaa bukaan aad u xanuunsanaya, marka laga yaabee in aad gasho adigoo waqtigaagii ballanta ka dib dhacay
- Kaligaa imaaw ama soo wado ugu badnaan hal qof kaliya.
Su’aalo la xiriira xaaladda bukaanka
Marka aad wacdo dhakhtarka heeganka waxaa lugu weydiinayaa xaaladdaada (bukaanka). Haddii aad dhaawacan tahay heerkee ayuu halis yahay? Qandho maku (bukaanka) heysaa waase heerkee? Jawaabahaa ayuu dhakhtarka heeganku ku qiimeynayaa, in dhakhtar kugu soo booqdo guriga - ama in aad adinku u timaadaan dhakhtarka heeganka ama saalada gurmadka deg-degga ah. Waxaa sidoo kale lugu (bukaanka) weydiin doonaa lambarkaaga shakhsiga ah.
Isticmaal oo kaliya dhakhtarka heeganka, marka ey lagama maarmaanka tahay
Wac dhakhtarka heeganka oo kaliya, haddii ey muhiim tahay - ama haddii aad ka shakisan tahay, heerka xaaladdu halis tahay.
Gurmadka deg-degga ah (112)
Marka ey tahay in la dedejiyo
Xaaladaha deg-degga ama khatarta ah waa in aad isla markiiba wacdaa xarunta gurmadka deg-degga ah oo lambarkeedu yahay 112. Waxay noqon kartaa haddii halbowle kala go’ay, haddii bukaanku uusan neefsan karin ama xanuun xoog lihi uu ka haayo xabadka.
Xarunta gurmadka deg-degga ah waxaa lugu weydiinayaa magacaaga, adareeskaaga iyo lambarka telefoonka aad kasoo waceyso. Markaa kadib ayey xarunta gurmadka deg-degga ahi ku dadaaleysaa in luguusoo diro ambulance ama kaalma kale oo loo baahan yahay.
Turjumaad
Heyadaha qaranka waxaa ku waajiba iney sugaan in warbixintooda la fahmay. Sidaa darteed waa in dhakhtarku ku dadaalo, in aad fahmi karto waxa la leeyahay - iyo in asigu ama ayadu uu ku fahmi karo. Haddii eysan taasi dhici karin, waa dhakhtarku kuu dalbaa saacidaad turjubaan.
Dhibaatooyin xagga dhimirka ah
"Naftu xanuuneyso"
Danmark tartiib ahaan ayaa si caadiya loogu aqoonsaday, in "xanuunka ruuxdu" uu keeni karo xanuun xagga jirka ah. Haddii lagaa haayo dhabarka, caloosha ama madaxa ayadoo eysan jirin sabab la garan karo - ama haddii hurdo xumo ku heyso - markaa wuxuu dakhtarku baarayaa in sababtu tahay mid xagga maskaxda ah.
Ku su’aalayaa dhibaatooyinkaaga
Waxaana lugu weydiinayaa xaalkaagu guud ahaan siduu yahay. Inaad aad u welwesho. In dhibaatooyin kaa heystaan xagga guurka. In aad u hilowday dalkaagii iyo qoyskaagii. Ama in luguu geystay dhibaatooyin argagax leh - in aad xabsi ku jiri jirtay, lasoo kulantay dagaal ama luguu geystay jirdilyo.
Dhakhtarka waxaa saaran waajibka sirxafididda
Dhakhtarka waxaa saaran waajibka sir-xafididda, haddaba si kalsooni ah ayaad uga hadli kartaa dhibaatooyinkaaga. Wixii aad u sheegto umasii gudbaayaan heyadaha qaranka ama shakhsiyaad kale midna.
Saacidaadda khabiirka cilmi-nafsiga
Ayadoo ku xiran qaabka hadal socodka waxaa dhici karta in dhakhtarku ku qiimeeyo, in calaamadahaaga aan lugu daaweyn karin daawo kaliya. Sidaa beddelkeedana waxaa dhici karta, in dhakhtarku kuu diro khabiirka cilmi-nafsiga ama daaweyn kale oo lagama maarmaan ah.
Qaar dadka kamida waxay saacidaad u doontaan khabiirka cilmi-nafsiga si uu ugu xalliyo dhibaatooyinkooda ama ey uga reystaan tusaale ahaan furriin ama murugo weyn.
Baarista caafimaadka carruurta iyo dhallinyarada
Barnaamijka baaritaannada
Laga bilaabo marka ilmuhu shan asbuuc yahay ilaa uu ka gaaro 15 sano waxaa loo fidiyaa ugu yaraan sagaal baaris-caafimaad oo ka hortag ah ee dhakhtarku ku sameeyo ayadoo la raacayo barnaamij si wacan loo qorsheeyey. Toddobada baaris waxaa la qabanayaa inta uusan ilmuhu iskuul bilaabin.
Su’aalo ku saabsan ilmaha iyo qoyska
Baarista ugu horreysa wuxuu dhakhtarku wax idinka weydiinayaa xaaladda guud ee qoyska, nuujin iyo hurdo - iyo koritaanka ilmaha iyo farxaddiisa. Ilmaha waxaa loo baaraa si qoto dheer, dhakhtarkuna wuxuu ka talabixiyaa raashinka carruurta iyo sida ugu haboon ee ilmaha loo dhiirrigeliyo.
Wixii kadambeeyana waxay baaritaannadu ku saabsan yihiin sidoo kale kartida ilmuhu inuu dhaqdhaqaaqi karo, adeegsigiisa dareemayaasha, horumarkiisa xagga luqadda, u bislaashada iskuulka iyo nolol maalmeedka.
Baaritaannadu waa iney dhakhtarka uga digaan wixii dhibaatooyin ah ee la xiriira farxadda ilmaha iyo caafimaadkiisa, kuwaasoo ey tahay in wax laga qabto.
Adigu ballan dalbo
Waalidiintu waa iney ayagu dalbadaan ballanta baaritaanka caafimaadka, ilaa ilmuhu ka bilaabayo iskuulka. Booqashada ugu horreysa ee kalkaaliyaha caafimaadka ayaa (waalidiinta) la siinayaa buug yar, halkaasoo tusaale ahaan ey ku qoran yihiin goorta baaritaannadu ku haboon yihiin.
Tallaallada
Tallaallo bilaash ah
Carruurta oo dhan waxaa laga tallaali karaa cudurro kala duwan, kuwaasoo loo dhiman karo. Tallaalladu waa bilaash, waxaana badanaa lugu lifaaqaa baaritaannada caafimaadka ee ka hortagga ah.
Barnaamijka tallaalka carruurtu wuxuu ka kooban yahay gowracato, teetano, xiiq-dheer, dabeyl, jadeeco, qaamoqanshiir, busbus iyo minijiitis.
Dumarka uusan hore ugu dhicin busbusku isla markaana aan laga tallaalin, waxaa haboon iney istallaalaan, inta eysan uur yeelan. Haddii naagta busbus ku dhaco ayadoo uur leh, waxay run ahaantii halis weyn ugu jirtaa iney dhasho ilma cuuryaan ah.
Bixinta qarashka tallaalka marka aad dibedda u safreeysid
Waa in qofku asigu uu iska bixiyaa tallaallada khaaska ah oo la xiriira safarrada dibedda.
| 3 bilood | Gowracato-teetano-xiiqdheer-dabeyl 1, haemophilus influenzae nooca B*
|
| 5 bilood | Gowracato-teetano-xiiqdheer-dabeyl 2, haemophilus influenzae nooca B* |
| 12 bilood | Gowracato-teetano-xiiqdheer-dabeyl 3, haemophilus influenzae nooca B* |
| 15 bilood | Tallaalka dalladda ah 1 (jadeeco, qaamoqanshiir, røde hunde (waa cudur busbus oo kale ah) |
| 2 sano | Sokorta dabeysha 1** |
| 3 sano | Sokorta dabeysha 2** |
| 4 sano | Sokorta debeysha 3** |
| 5 sano | Gowracato-teetano 4 |
| 12 sano | Tallaalka dalladda ah 2 (jadeeco, qaamoqanshiir, busbus) |
| 18 sano | Busbus (dumarka) |
* kahortagga minajaytis iyo caabada (infektion) dahaarka dhuunta ee ay keento bakteeriyada haemophilus influenzae nooca B.
** laga bilaabo luulyo 2001 carruurta laba jirka ah lama siinaayo tallaalka dabeysha ee afka lugu dhibciyo, laakiin waxaa loogu beddelayaa tallaal ka kooban gowracato-teetano-xiiqdheer-dabeyl marka ay 5 jir yihiin. Carruurta waaweyn ee tallaalka dabeysha ee afka lugu dhibciyo lugu bilaabay, tallaalkaa ayaa loogu dhameystirayaa marka baarista 3 sano iyo 4 sano lugu sameynayo.

Gudniinka gabdhuhu waa mamnuuc
Gudniinka gabdhuhu waa dhaawac halis u ah jirka wuxuuna keeni karaa caabo (infektion), ilma la’aan, xanuun joogta ah, dhibaato xagga maskaxda ah iyo dhibaatooyin kale oo xagga caafimaadka ah oo fara badan. Sidaa darteed waa mamnuuc waana dembi in la gudo gabdhaha.
Gudniinka wiilasha shuruuc gaara ayaa khusyesa. Weydii dhakhtarkaaga.
Gelidda isbitaalka
Waxaa luguu dhigi karaa isbitaalka si deg-dega sababtoo ah dhaawac ama xaalad kedis usoo baxday darteed. Ama isbitaalka waxaa luguu jiifin karaa daaweyn kadib markuu dhakhtarkaagu kuusoo diro.
Doorasho isbitaal oo xor ah
Kala doorasho xora oo xagga isbitaalladaa ayaa ka jirta Danmark. Bukaannada qaarkood waxay daneeyaan iney galaan isbitaal gooniya. Waxaana dhici karta in sababtu tahay inuu ku yaallo agagaarka meesha qoyskoodu degan yihiin - ama in sababtu tahay in waqtiga sugidda daaweyntu ey gaaban tahay. Qofku waa inuu dhakhtarkiisa u sheegaa isbitaalka uu doonaayo in lugu baaro ama la jiifiyo.
Qaabka qolalku u sameysan yihiin
Isbitaallada waxaa loo qaabeeyey, si 1-4 bukaan u wadaagto hal qol. Dumarka iyo raggu qolal kala duwan ayey jiiftaan.
Kormeerka dhakhtarka ee qeybta
Waxaa maalin kasta jira kormeer dhakhtar iyo kalkaaliso. Dhakhtarku wuxuu fiiriyaa bukaanka, sameeyaa qorshe baaritaan iyo daaweyn, siiyaana bukaanka fursad uu su’aalo ku weydiiyo.
Shuruucda raashinka iyo booqashada
Nabad iyo xasillooni - sidoo kale xilliga booqashada
Isbitaalladu waxay leeyihiin waqtiyo booqasho oo go’an. Waxaana sidoo kale jira rajo la xiriirta in dadka jiran ey helaan nabad iyo xasillooni. Weydii sidaa darteed qeybta, meeqa qof ayaa markiiba soo booqan karta. Haddii qofku yimaado waqtiga booqashada waqti ka baxsan, waa inuu qofku si dheeraada u jabaq yaraadaa. Haddii bukaanku socon karana waa in bukaanka iyo qofka booqanayaa ka baxaan qolka oo fariistaan qolka wadaagga ah muddada booqashada oo dhan.
Isbitaalku wuxuu ku dadaalaa raashinka, dharka iyo nadaafadda
Isbitaalku wuxuu ku dadaalaa in bukaannadu helaan raashin, dhardhaqid, qubeystaan lagana caawiyo wixii kale oo ey u baahan yihiin. Marka laga reebo qudaar, waa in aan bukaanka loo keenin raashin, maadaama ey ku jiri karaan waxyaabo aan kamid aheyn qorshaha raashinka bukaanka.
Codsiyo gaara ee raashink
Haddii bukaan ahaan aad daneyneyso waxyaabo gaara oo raashinka la xiriira - aad qabto xasaasiyad, vijateriyan ama aadan cunin doofaarka - waa in aad u sheegtaa shaqaalaha. Markaa waxaa lugu siinayaa raashin gaara.
Raashinka isbitaalku bixiyo waxaa loogu talagalay bukaanka kaliya. Dadka soo booqdaa isbitaallada qaar waxay raashiin ka iibsan karaan maqaayad. Isbitaalla kale waxaa laga iibsan karaan tikidhada raashinka isbitaalka.
Carrurta isbitaalka ku jirta
Waalidiintu waa la seexan karaan ilmahooda jirran
Isbitaallada intooda badan waxay waalidiinta u fidiyaan iney (isbitaalka) seexdaan, marka ilmahooda la jiifiyo. Waalidiinta carruurtoodu jiran yihiin waa joogi karaan isbitaalka waqtiyada booqashada wax ka baxsan. Meelaha qaar waa in waalidiintu iska bixiyaan lacagta raashinka.
Magdhawga dakhligii shaqada kaasoo geli lahaa
Haddii aad heysato ilma aad u jiran kana yar 14 sano, waxaad adigoo kala heshiinaya shaqabixiyahaaga iyo kumuunahaaga heli kartaa in luguu gudo dakhliga shaqada ee kaa luma, haddii aad waqtiga dhinto ama aad gebigaba fasax qaadato, inta ilmuhu isbitaalka ku jiro.
Isbitaalka dhimirka
Wadahadal iyo daawo ku daaweyn
Haddii aad qabto dhibaatooyin dhimirka oo halis ah, ilaa heer aadan howl maalmeedkaaga qabsan karin, waxaa laga yaabaa in dhakhtarku kuu fidiyo in lugu jiifiyo isbitaalka dhimirka. Halkaana waxaa luguu fidinayaa wareysi - iyo wixii daawo ku daaweyn ah. Adiguna waxaad ka qeyb qaadaneysa qorsheynta qaabka daaweynta. Waxaadna la kulmeysaa dad xaaladdaada oo kale ku sugan. Qeyb weyn oo kamida isbitaallada dhimirku waxay leeyihiin qolal hal hal qof ah ee bukaannada intooda badan.
Jiifin qasaba
Haddii qofku uu halis u yahay naftiisa ama wixii ka agdhow oo uuna diido in si khiyaariya ah isbitaal loo jiifiyo, waxaa qasab lugu jiifin karaa qeybta dhimirka ee xiran. Daaweynta halkaasina waxay la mid tahay sida qeybta furan. Kaliya qofku kama tegi karo qeybta ayadoo aan lala socon.
Daaweynta ilkaha
Baarista ilkaha carruurta iyo dhallinyarada
Ilka daaweyn bilaasha laga bilaabo 0 ilaa 18 sano
Dhamaan carruurta Danmark waxaa loo fidiyaa ilka baaris lacag la’aan ah laga bilaabo 0 ilaa 18 sano. Waxaay u tagaan dhakhtarka ilkaha hal ilaa laba mar sanadkiiba. Halkaa waxay ku baranayaan sidey ilkahooda uga taxadari lahaayeen, waxaana loo daaweeyaa loona toosiyaa ilkahooda, haddii ey muhiim tahay.
Ka hortaggaa wax ku oolka ah wuxuu keenayaa in carruurta Danmark leeyihiin ilka caafimaad qaba, oo kamida kuwa ugu wanaagsan adduunka. Carruurta intooda badan waxay ilkaha ku leeyihiin godad yar ama maba leh. Ilka la’aanta iyo ilka bixintu aad ayey dhif u yihiin.
Sidoo kale iska jir ilka-caanoodka
Ilmaha waxaa sida caadiga ah dhakhtarka ilkaha looga yeeraa intaan laba sano u buuxsamin. Inkastoo ilmuhu weli uusan ilka laheyn waa fiican tahay inuu yimaado, si ilmuhu ula kulmo dhakhtarka ilkaha una arko kiliinikada - waalidiintana waxaa la siinayaa talooyin ku saabsan sida looga taxadaro ilkaha ilmaha. Inkastoo ilkaha caanuhu ey dhacdaan inta ilmuhu yar yahay, waa in haddana la ilaaliyaa inta ey ku yaallaan. Haddii kale waxaa halisa in la dhaawaco ilkaha dambe ee hadhow soo bixi doona.
Kumuunayaasha intooda badan waxay booqashada dhakhtarka ilkuhu ka dhacdaa kiliniik la xiriira iskuulka. Qaar kumuunyaal yar yar ahina waxay taas beddelkeeda heshiis la leeyihiin dhakhtar ilkaha oo gaara. Laakiin halkaana baarista ilkaha carruurtu sidoo kale waa u lacag la’aan waalidiinta.
Ilka daaweynta iskuulka
Marka ilmuhu iskuul bilaabo waxaa si toosa loogu yeeraa baaris ayadoo loo marayo iskuulka. Shaqaalaha baarista ilkaha ayaa sidoo kale u yimaada oo carruurta bara sidey ilkahooda uga taxadari lahaayeen.
Inta ey ilmuhu dhiganayaan fasallada hoose waxaa fiican in waalidiintu u raacaan dhakhtarka ilkaha. Marka carruurtu waaweynaadaanse ayagaa kaligood tegi kara. Haddii lugu sameynayo daaweyn weyn, waalidiinta had iyo jeer waa lagala tashan doonaa.
Baarista ilkaha dadka waaweyn
Dhakhtar ilkaha adigu raadso
Dadka waaweyn ee ka sarreeya 18 sano waa iney ayagu raadsadaan dhakhtar ilkaha oo gaara, tusaale ahaan buuga telefoonnada lokaalka ah. Waa in qofku iska bixiyo qarashka baarista iyo daaweynta, laakiin ceymiska caafimaadka guud ayaa ka kabaya qeyba badan oo shaqada kamida. Kabidda waxaa si toosa looga jarayaa xisaabta.
Ceymiska caafimaadka gaar ahaaneed ayaa kaa caawin kara qarashka daaweynta xoogga leh ama qalliimada waaweyn.
Joogteynta booqashada dhakhtarka ilkaha
Waxaa (qofka) lugu waaninayaa inuu baaris joogta ah ugu tago dhakhtarka ilkaha qiyaasti laba jeer sanadkii - ee maahan oo kaliya markii dhibku dhaco ama xanuun ku qabto. Sidaa ayaana waqti fiican lugu ogaanayaa, haddii tusaale ahaan iligu ay duleeshaneyso. Markaana daaweyntu ma weynaaneyso mana noqoneyso qaali.
Ballan sameyso
Sida dhakhtarkaaga oo kale waa in aad wacdaa oo aad hore ballan u sameysataa - kuna timaadaa waqtiga ballanta. Haddii aad joogto ula xiriirto dhakhtarka ilkaha, waxaa si toosa qoraal ahaan luguugu yeerayaa baaris.
Sidoo kale daaweyn waqti dheer soconeysa
Daaweyn kasta dhamaantood luguma dhameyn karo hal booqasho ee dhakhtarka ilkaha oo kaliya. Daaweyntu waxay jiitami kartaa mudda dheer, tusaale ahaan haddii ilkaha la toosinayo. Waxaana muhiima in aan daaweynta la kala goyn waqti aan ku habooneyn. Haddii kale wuxuu qofku halis u yahay in dhibaatooyinku ey kasii weynaadaan sidii markii hore ey ahaayeen.
Ilka daaweynta ee waayeellada iyo cuuryaamiinta
Kumuunayaashu waa iney u fidiyaan xanaaneyn xagga baarista ilkaha ah dadka aan ayagu u tegi kareyn dhakhtarka ilkaha. Kuwaasoo caadi ahaan laga wado waayeellada ama dadka sida aadka ah cuuryaanka u ah. Markaana waa in bukaanku asigu bixiyaa oo kaliya in yar oo kamida qarashka.
Kaalmada degdeggaa ee dhakhtarka ilkaha
Haddii uu si kedisa kuu qabto xanuun daran oo ilkaha waqtiga dhakhtarka ilkuhu furan yahay kadib, waxaa sida caadigaa jira heeganka dhakhtarka ilkaha oo afar iyo labaatan saac furan oo kuu dhow. Waxaad lambarka ka heli kartaa buugga telefoonnada lokaalka ah.
Daawooyinka
Kaliya daawo la aqoonsan yahay
Daawada waxaa halkaan dalka lugu gedi karaa oo kaliya, haddii ey leedahay ogolaasho suuqgelin oo la aqoonsan yahay, oo ama uu soo saaray guddiga yurub ama waaxda daawooyinka Danmark.
U baahan ama aan u baahneyn warqad dhakhtar
Danmark waxaa la kala saaraa daawooyin rasiid u baahan iyo daawooyin gacanta laga iibsado. Daawooyinka rasiidka u baahan waa in farmashiyuhu ku iibiyaa oo kaliya warqad dhakhtar (rasiid). Daawooyinka gacanta laga iibsado waxaa la iibsadaa waraaq la’aan. Waa suuragal in daawooyinka gacanta laga iibsado oo dhan aad ka gadato farmashiyaha. Sidoo kale waxaa meela kale oo badan sida dukaamada qalabka iyo subarmarketyada loo aqoonsaday iney gedi karaan daawooyinka gacanta laga iibsado, in laga iibsado daawooyinka qaar - tusaale ahaan kuwa xanuunnada fudud, dhuun xanuunka iyo qunfaca iyo sidoo kale iska joojinta sigaarka.
Daawooyinka lugu gado farmashiyaasha kaliya, qiima isku mida ayaa looga gadaa dalka oo dhan.
Kabidda daawada
Marka la iibsanaayo daawooyinka qaar wuxuu ceymiska caafimaadka guud kuu fidinayaa kabid. Sidaana waxaa loo yeelay in la sugo, in jiranaanta iyo u baahnaanta daawadu eysan culeys dhaqaalaha oo weyn ugu noqon qofka. Inta kabiddu la egtahay waxay ku xiran tahay inta qofku shakhsi ahaan isticmaalo daawo muddo sanadkii. Weydii dhakhtarkaaga ama farmashiyahaaga, haddii aad dooneysid warbixin dheeraada oo ku saabsan kabidda daawada.