8. ISKUULKA IYO WAXBARASHADA
Caadada waxbarashada Deenishka
Danmark waa dal oo ku yaryahay alaabta ceyriinka ee dabiiciga ah. Hadaba dadku iyo aqoontooda iyo nashaadkoodaba ayaa ah kuwa ugu muhiimsan kheyraadka dalka. Sannadahaan dambe oo cilmiga teknooligiyada dhakhsi u horumaraayo iyo carra-edegeynta (iskusoo dhowaashaha caalamka) waxay sii xoojinayaan baahida, loo qabo inaan tacliinteenna sare usii qaadno. Haddii kale tartanka caalanka waan ka hareynaa, iyo waxaana nugu adkaaneysa inaan horumarinno daryeelka bulshadeenna.
Shaqada dadka aan tacliinta laheyn oo sii yaraaneysa
Waxbarashadu sidoo kale ayey muhiim ugu tahay shaqsi shaqsi. Mujtamaca casriga dadka aan tacliinta laheyn fursada shaqo helitaankood wey sii yaraaneysa. Ninka dadka guraayo alaabta u rara waa inuu bartaa sida wax loo qaado isagoo aan dhabarku ka dhaawacmin. Kaaliyaha shaqada nadaafadeedku waa iney akhrin karaan, sida daawooyinka nadaafadda loo isticmaalo iyo waxa loo isticmaalo. Kan tabakaayada lehi waa inuu sameyn karaa xisaabaadka la xariir canshuuraha.
Sidaa darteed Danmark dadka oo dhan waxay fursado aad u ballaaran baaxadeedo ugu heystaan in sidii ay wax u baran lahaayeen, aqoonna u kororsan lahaayeen, iyo isla markaana ay shakhsiyaddooda u horumarin lahaayeen.
Dimoqoraadiyaddu waxay u baahan tahay dad wax yaqaan
Danmark waxay dhaqan u leedahay wacyigelinta dadka*, taasoo la faca ah dimoqoraadiyadda deenishka. Taasina waxay la xiriirtaa fikirka ah, in dad la wacyi gelshay ey yahiin asaaska muhiimka ah dimoqoraadiyad si wacan u shaqeyneysa.
Taana macnaheeda dhaqan ahaan, waxay tahay in dhamaan dadkoo idil waxbaran karaan noloshooda oo dhan. Tusaale ahaan iskuullada dadka waaweynka* ama iskuullada habeenkii*, iyo adigoo adeegsaneeysid barnaamijyada waxbarashada ee Raadiyaha iyo TVga, ama adigoo qaadanaysid kooris ee koorsooyinka goobaha shaqada laga bixiyo.
Waxbarashada khasabka ah
Danmark waxaa ka jirta 9 sano oo waxbarasho khasaba ah. Ilmaha waa in wax la baraa laga bilaabo marka toddoba sano u buuxsanto. Intood badan ilmaha waxay bilaabaan laakinse la qabsig iskuulka* eyna ka bilaabaan fasalka xannaanada, markiiba ay lix sanno gaaraan.
Inta badan way si wataan sagal sanno kadib
Ka dib markuu sagaalka sano ee iskuulku dhamaado waa u xurr, in oo qofku tacliinta sii wato. Inta dadka ugu badani waxay qaataan waxbarasho xirfadeed amase usii gudbaan dugsiga sare* (gymnasiet) ama dugsiga sare* ee kale (hf). Iyo qaar badana waxay qaataan waxbarasho waqti gaaban, mid meel dhexe ama waxabarsho waqti dheer ee heer jaamici ah.
Ka qeybgal iyo wadashaqeyn
Xorriyad iyo wadatashi
Nidaamka waxbarashada deenishku wuxuu ku dhisan yahay xorriyad heer sare ah iyo ra’iye ka dhiibashad go’aamada. Laga billaabo fasallada ugu yar ilaa jaamacadda waxay ardaydu iskuulada iyo ardaydu jaamacadaha ka qeybqaadan karaan go’aannada ku saabsan iskuulka iyo waxbarashada. Waxaana laga filayaa, iney sidaa yeelaan.
Wadashaqeyn iyo wadajir
Waxbaridda sideedaba waxaa sifa u ah barashada aqoonta asaasiga ah, wadahadal iyo wadashaqeyn. Caruurta waxay baranaayaan laga billaabo fasalka koowaad iney koox koox isula shaqeeyaan, oo ay wadajir ahaan u xalliyaan shaqadii loo diray.
Carruurta waaweyni waxay fursada u leeyihiin iney isi saacidaan iyo si wadajir ah tusaal ahaan imtixaan koox ahaan uga qeybaglaan. Xarumaha tacliinta sarena ardaydu waxay ku diyaarisa cashirkooda badanaaba kooxo wax wada akhris, kuwaasoo ku kulma meelo biribaati ah sida meelaha ey deganyahiin iyo xarunta waxbarashadaba si ay isula xalliyaan cashiradaha la soo faray.
Iskuulka aasaasiga ah
Dhamaan carruurtoo dhan waxaa loo oggol yahay waxbarid lacag la’aan ah oo ay u siman yihiin ee dugsiyada hoose/ dhexe ee deenishka. Waxayna ka kooban tahay fursada ee hal sano oo fasalka xannaanada oo daba socoto sagaal sano oo dugsiga aasaasiga ee hoose/dhexe ah - iyo amaba hal sanno fasalka 10aad ah.
Fasalka xanaanada carruurta (Børnehaveklasse)
Waxaa jirta waxbarashada khasabka ah oo laga bilaabo fasallada 1aad ilaa 9aad. Hase yeeshee carruurta intooda ugu badani waxay ka billaabaan fasalka xannaanada, markiiba ey 5-6 sanno jir yahiin.
Carruurtu waxay baranayaan iney iskuul dhigtaan
Fasalka xannaanadu waxaa laysku daraa ciyaar iyo waxbarasho. Carruurtu waxay baranayaan xarfaha alifbeetiga, way heesayaan, way ciyaarayaan, waxayna bartaan weerta eriyadda iyo sida eriyadda layisku xiro.
Ujeeddada fasalka xannaanadu waa in carruurta la siiyo dareen fiican ee nolosha iskuulka ka jirta. Carruurta, uu ilmuhu kula kulmaayo fasalka xannaanada, ayaa dhici karato isla caruurtii, eyna noqdaan ilmahu saaxibadaha ee fasalka 1aad.
Dugsiga hoose/dhexe (Folkeskolen)
Carruurta isku fasal ayey isula soconayaan
Dugsiga hoose/dhexe ee deenishku waa iskuul unugeed (dugsiga kala ma sooco ardayda, tusaala ahaan, kuwa darajadaha fiican hela la ma geeyo dugsiga u khaas ah). Taasuna macnaheeduna waa, inaan carruurta lakala soocin.Carruutaasna wey isla soconayaan aygoo isku fasal ah ilaa iyo waxbarashadooda oo dhan ee dugsiga hoose/dhexe.
Wuxuu carruurta siinayaa aqoon aasaasi ah
Dugsiga hoose/dhexe wuxuu siinaaya carruurta aqoon aasaasi ah oo daba joog ah, tusaale ahaan sida xisaabta, luqadda, barashada aqoonta arrimaha bulshada iyo maaddooyinka dhabiiciga. Waxuu kale uu dugsiga hoose/dhexe aradaydaasi siinaya kalsooni ku filan ee barashada dhaqanka deenishka, wuxuuna barayaa fahmidda dhaqamada kale.
Dugsigu wuxuu isla sidoo kale xoojinayaa horumarka xagga shakhsiyadda ee ardada, iyo wuxuuna baraarunjinaya dareenka hawadeed ama fantisiyaha ardayda iyo rabitaankooda in ey wax bartaan.
Waxay helayaan wadatashi iyo masuuliyad wadaag
Iskuulku wuxuu carruurta u diyaarinayaa nolosha mujtamac ee xoriyadda, sinnaanta iyo dimoqoraadiyadaba.Waxay taasuna ku imaaneysaa ayado carruurta laga qayb geliyo go’aamida, iyo ka qayb qaadashada masuuliyad, iyo la baro xuquuqaha iyo waajibaadada.
Guddiga aradada waa la dhegeystaa
Carruurtu waxay baranayaan sida fikradhooda u soo bandhigi lahaayeen. Waxayna u heystaan fursad ey ku sameystaan guddi arday, kaasoo fikradahiisa la dhegeysanayo, marka iskuulku gaarayo go’aamo muhiima ah ka gaarayo iskuulka.
Darajo ma jirto fasalka 8aad ka hor
Sanadaha ugu horeey ee dugsiga hoose/ dhexe waxaa carruurta dadaalkooda lugu qiimeyaa wada hadal ee kulinka wadatashiga u dhexeeya macallimiinta iyo waalidiinta. Wax darajo, tijaabooyin iyo imtixaanno midna ardadu la kulmi maayaan ilaa ay gaaraan fasalka 8aad.
Hadafka dugsiga hoose/dhexe
Dugsiga hoose/dhexe ee deenishka waxaa saldhig u ah sharciga dugsiga hoose/dhexe. Wuxuuna hordhac ahaan hadafka dugsiga hoose/dhexe ka leeyahay:
" § 1. Howsha dugsiga hoose/dhexe, asigoo waalidiinta la kaashanaya, waa inuu sare u qaado sidii ay ardadu u yeelan lahaayeen aqoon, xirfaddo, qaabab howl fulineed iyo qaabab wax u sheegid, kuwaasoo gacan ka geysanaya horukaca dhinac walba ah ee ardayga shakhsi ahaan.
Qeybta 2. Dugsiga hoose/dhexe waa inuu ku dadaalo abuuridda qaabab u kordhinaaya waaya’aragnimo, rabitaan howl qabad iyo ka gungaarid, in ardadu yeeshaan garasho, khayaal iyo rabitaan barasho, si ay u gaaraan ku kalsoonida kartidoodda iyo aasaaskooda xagga go’aan qaadashada iyo fulinta.
Qeybta 3. Dugsiga hoose/dhexe wuxuu ardada fahamsiiyaa dhaqanka deenishka, gacanna ka geystaa sidii ay u fahmi lahaayeen dhaqamada kale iyo xiriirka ka dhexeeya banii’aadanka iyo dabeecadda. Iskuulku wuxuu ardada u carbiyaa barashada wadatashiga, masuuliyadda, xuquuqda iyo waajibaadka mujtamac ku dhisan xoriyad iyo dimoqoraadiyad. Sidaa darteed waana in waxbarashada iskuulka iyo nolol maalmeedkiisa oo dhami ku dhisan yahay xoriyadda nafsadda, sinnaan iyo dimoqoraadiyad".
Iskuullada aasaasiga oo hoose/ dhexe ee ka madaxa bannaan kuwa dowladda (Fri grundskoler)
Waalidiintu waxay u doori karaan carruurtooda waxbarid kale oo ka duwan tan dugsiga hoose/dhexe, sida tusaale ahaan iney carruurtooda geystaan dugsi aasaasiya oo madax bannaan. Halkaana ayaga ayaa iska bixinaya qayb qarashka qaarkiisa ee waxbarida.
Ku dhisan aasaas kale
Dugsiga aasaasiga ee madaxa bannaa waxa dhici karto mabda’iisa aasaasiga ah inu yahay mid kale oo ka duwan kan dugsiga hoose/dhexe. Waxay noqon kartaa aragti mucayin ah ee qaababka ardayda wax loo baro ama mid ku dhisan hadaf diineed. Iskuulladaas waxaa siiyaan ardayda marar qaarkood maadooyin, kuwaasoo aan laga bixinin dugsiga hoose/ dhexe.
La heera dugsiga hoose/dhexe
Laakinse sharcigu wuxuu qoraa, in ey waxbarida dugsiyada aasaasiga ee xurta ah khasab ku tahay in uu bixyo daruus oo la mid ha tan dugsiga hoose/dhexe oo baxsho.Waa in haddaba ardayda la baro luqadda deenishka, aqoonta maaddiga ah iyo tan fahamka bulshada oo lala heer ah tan dugsiga hoose/dhexe oo kale.
Iskuulka lugu xaroodo oo laseexdo kadib fasalka 8aad (Efterskole)
Ardadu waxay degan yihiin iskuulka
Qofku wuxuu dooran karaa inuu ilmihiisa u diro iskuul lugu xaroodo sannad ama labbo sanno oo laga dhigto fasalada 8aad, 9aad ama 10aad. Iskuulada lugu xaroodo waxay yahiin nooc kuleejo ah ama iskuulada jiifka ah, halkaaso ardayda deggan yahiin. Ardadu waxay si isbeddela uga qeybqaataan howl maalmeedka sida sameynta raashinka iyo nadaafaddaba.
Sababha keynta doorashada iskuul lugu xaroodo waxay tahay badanaaba, in ilmahu doonaayo inuu tijaabiyo wax ka duwan kuwii dugsiga hoose/dhexe - ama uu u baahan yahay inuu guriga ka tago in mudda ah.
Xoogga saaraya horumarinta qof ahaaneed
Waxbashadu waxay xoogga saareysaa khaas ahaan ardayga barbaarintiisa guud, horumarinta xagga dadnimada iyo koritaanka xil kasnimo. Sidaa darteed waxay iskuullada lugu xaroodo oo badan ayaa culays weeyn xoogga u saaraan maaddooyinka hal abuurka iyo gacan wax ka qabashada khuseeya sida jilitaanka, muusigga, jimicsiga, sawir qaadidda, beeraha iyo noocya kala duwan ee farsamada gacanta ah.
Sidaan ayaa iskuulka layskugu soo qoraa
Waalidiintu waa soo booqan karaan iskuulka
Ilmuhu wuxuu si toosa uga tirsan yahay dugsiga hoose/dhexe ee iskuulka degmada, ey xaafada uu ka diwaan geshinyahay. Waalidiinta waxaa loo fidiyaa iney iskuulka soo booqdaan, iyo lana hadlaan macallimiinta waqti fiican, ka hor inta ilmuhu uusan fasalka xanaanada bilaabin.
Xusuusnow marka iskuulku bilaabanayo
Waalidiinta waxay helaan caadi ahaan waraaqad oo ku saabsan arrimaha guud ee la xiriira bilaabidda iskuulka. Waraaqdaasii waxaa ku xusana kara, in ilmuhu uu soo qaataa boorsa iskuuleed, boorso qalmaan iyo raashinkiisa maalinta ugu horreysa iskuulka. Ardaydu waxay soo qaataan caadi ahaan raashinkooda maalin kasta. Iskuullda qaar kood ayaa sameeysatay nidaam ey ardayda raashin iskullka laga siiyo, dugsiyada kalena waxay leeyahiin makhaayad ama kantiin carruurtu raashin ka iibsan karaan oo jaban.
Waa in qofku isagu la xiriiro iskuulka gaarka ah
Waalidiinta doonaya iney ilmahooda ku qoraan iskuullada madaxa bannaan, waa iney iyagu iskuulka la xiriiraan, oo ilmahooda kusoo qoraan liiska sugitaanka. Meela badan wuxuu qofku ku qasban yahay inuu ilmaha dhowr sano ka hor iskuulka kusii qoro inta uusan bilaaban. Iskuulka ayaana inta uusan billaaban kahor soo sheegaya in ilmuhu billaabayaan iyo in kale.
Waxbarida
Sharcigu wuxuu qeexayaa qaarka ugu yar shuruuda ah, ey tahay waxa ardayda khasab ku ah iney ka bartaan iskuulka. Shuruudahaas kasokow iskuulkiiba asigaa, ayaa go’aansanaya sida uu u soo diyaarsanaayo waxbarkiisa.
Lab iyo dhedig labduba waa isku maadooyin
Dugsiga hoose/dhexe waxaa wiilasha iyo gabdhahaba la baraa isku maadooyin. Waana maadooyinka buugaagta laga dhigo sida afka deeniska, afka ingiriisiga, maadada bulshada iyo xisaab. Iyo maadooyinka wax ku oolka ah. Labaddaba jinsiba ama wiilasha iyo gabdhahba waxay baranayaan sida dharka loo tolo, raashin kariska iyo sida loo isticmaalo qalab farsameedka. Fasallada ugu yar yar waxay aadaan dabaal iyo jimicsi, laakiin gabdhahu iyo wiilashu kala gooni ayey u qubeysanayaan ama u mayranaayaan ka dib iyo ka hor inta ayey gelin dabaasha.
Wacyi-gelinta xagga masiixiyadda iyo diimaha kale
Baridda diinta masiixiyaddu waxay ku saabsan tahay caadi ahaan su’aalo arrimaha la xiriira nolosha bani’aadanka, taaso ley is weydiiyo iyo laga wada hadlo diinta masiixiyadda gudaheed, diimaha kale iyo fahmada nolosh.
Waxbarida ma laha ujeedo kale oo khaas ah, laakiinse waxay tahay warbixin guud ey wax kale wehlinin. Waxbarida waxay tahay markaas wax yaalaha kale ee kamid ah iney siiso carruurta fahmidda xagga taariikhda iyo aasaas oo dhaqameed ah ee bulshada casriga tirada badan, ee aan maanta garaneeyno.
Waxaa jirta fursadda, in waalidiintu ka reebi karaan cunuggooda waxbarida diinta masiixiyadda, haddii ay ballan qaadaan, iney ayagu ilmaha diintiisa barayaan.
Haddii cunugga ay ku adkaato inuu la socdo
Haddii cunuggiina ay dhibaatooyin waaweyni ka heysato inuu waxbarida la socdo, wuxuu heli karaa waxbarid dheeraad- ama waxbarid khaas ah. Waxaana taasuna dhici kartaa tusaala ahaan, haddii cunugga oo yahay dadka xarfaha iskaga darsoomaayaan marko wax aqrinaayo.
Duruusta xagga jinsiga ee la xiriirta dareenka iyo jirka
Carruurta waxaa iskuulka lugu baraa arrimaha jinsiga. Halkaana waxay ku baranayaan, sida jirku u shaqeeyo. Waxayna ka sheekeysanaayaan xagga isjacellka iyo cishqiga. Iyo waxaana loo sharaxaa sida uurka loo qaado - iyo sida looga hortaggo.
Waxbarida jinsigu ma ah mid maaddo ah oo jadwalka ku jirto. Macallinka ayaana soo qaado barida jinsiga marka ey keynto arrin daruusta la xariirta ama iyo tahay arrin oo macallinka ka arko carruurta dhexdooda.
Waxbarashada afka deenishka ee loogu dhigo carruurta leh lugad kale iyo baridda afka hooyo
Qeexidda cunugga laba luqadoodlaha ah
Carruurta labada luqadood leh waxaa laga wadaa carruur, oo leh luqada afka hooyo uusan aheyn afka deenish, iyo kuwaasoo ugu horaantiba la samaynayaan xariir bulshada ku hareereysan, amaba ayago umaraayaan waxbarashada iskuulka, ey baranaayaan af deenishka.
Carbinta luqadda loogu talagalay carruurta aan iskuul gaarin
Kumuunayaasha waxaa waajib ku ah iney u fidiyaan carruurta labba luqoodka, ey aan weli iskuul bilaabin, iyo baahina u qabaan, saacidaad kordhineeyso horumarka luqad af deenishka, markaas eyey si wacan u barnayaan afka deenish. Fursaddu waxay ka kooban tahay xarakaadyo kala duwan, ee saameyn kara horumarka luqadda carruurta.
Baridda af deenishka luqad labaad ahaan
Marka carruurta labada luqadood leh iskuulka hoose/dhexe lugu qoraayo, maamulka iskuulka ayaa qiimeenayaan baahida ardayga kadibna qaadanaya go’aan, hadii oo ardayga u baahanyahay waxbarid khaas ah ee af deenisha luqad labaad ahaan. Waxaana laga saacidayaa deenishka luqad labaad ahaan fasalka xanaanada iyo fasallada 1-10aad.
Baridda afka hooyo
Kumuunayaashu waxay ku khasbanyhiin in ey fidiyaan fursad barashada afka hooyo ee ardayda u dhalatay dalalka xubnaha ka ah ururka midowga Yurub, dalalka kamida ah heshiiska iskaashiga dhaqaalaha yurub (Det Europæiske Økonomiske Samarbejdsområde) (Norge, Island iyo Liechtenstein), iyo Færøerne iyo Grønland. Waxbaridu hase yeeshee iskuul ama kumuuna kasta waxay kaliya ey bari karaan ardaydaasi afkood hooyo, haddi ey jirto tiro badan oo ardaya la helo.
Kumuunayaashu intaas wax u sii dheer in kumuunayaashu kari karaan ayagoo la amrin ey siiyaan ardada dalalka kale waxbarida afkooda hooyo. Kumuunayaashu waxay kari karaan in ey lacag ka qaadaan ka qeybgalayaasha waxbarida luqada afka hooyo.
Rugta ey tagaan ardayda dadooda weyntahay kadib saacadaha dugsiga iyo nidaamka ku heynta carruurta dugsiga kadib saacadaha dugsiga
Heynta ilaa fasalka afaraad
Carruurta waxaa lugu heyn karaa rugta ey tagaan ardayda dadooda weyntahay kadib saacadaha dugsiga ama nidaamka ku heynta carruurta dugsiga kadib saacadaha dugsiga (SFO), ilaa ay ka bilaabaan fasalka 4aad. Halkaana waxay carruurtu awoodaan in ey la cayaaraan saaxiibadooda, cashirkoodana ku diyaariyaan, eyna kuna nastaan. Rugta ey tagaan ardayda dadooda weyntahay kadib saacadaha dugsiga waxaa la xiraa saacadah u dhexeeya shanta iyo lixda galabnimo.
Waa in aad adinku bixisaan qeyb kamida qarashka heynta, hadeeydan helina heyn lacag la’aan ah. Inta aad bixineysaan, waxay ku xiran tahay dakhligiinna.
Naadiyada carruurta rooroon
Kumuunayaasha qaarkood waxay kaloo leeyihiin naadiyada waqtiga fasaxa. Halkaana ayeyna carruurtu imaan kara, marka ay ka weynaadaan isticmaalka rugta ey tagaan ardayda dadooda weyntahay kadib saacadaha dugsiga.
Iskuulka rixladda loo tago oona lugusoo dhexo
Muhiim u ah nolol bulshadeedka fasalka
Iskuulka rixladda loo tago oona lugusoo dhexo waa qeyb kamida waxbarashada iskuulka. wuxuun ka dheelayaa isla markaana doowr muhiima ee nololsha mujtamaca ka jirta fasalka iyo isku dhawaanta ardayda dhexdooda. Dad badan ayaa iskuulka rixladda loo tago oona lugusoo dhexo u arka arrin fiican iyo inuu yahay mid kamida barr tilmaamyadda ee nolosha iskuulka.
Inta aan carruurtu bixin, waxay diyaariyaan oo xaliyaan shaqada ey macalimiinta fartay ama ka qora curisyo waxay qaban doonaan.
Iskuulka rixladda loo tago oona lugusoo dhexo goobtiisa, carruurtu raashin ayey wada sameeyaan, aadaanna kalluumeysi- ama baaskiil wadid ah, sameeyaan dabshid, ciyaaraan iyo kuna qubeystaan badda. Gabdhaha iyo wiilashu islama seexdaan oo waxay kala seexdaan qolall kala go’an.
Iskuulka rixlada loo tago iyo lugusoo dhexo, (Lejrskole) oona lugu kalsoon yahay
Iskuulka lugusoo dhexo waa qeyb duruusta kamida, oo ardada fursad u siinaya iney helaan waaya’aragnimo iyo khibrad la taaban karo. Duruusta waxaa lugu qaata hab lugu kalsoon yahay - ayadoo la kaashanayo talooyinka iyo ilku heynta macallimiinta.
Arrimaha caadiga ah ee la xiriira raashinka, joogitaanka iyo soo dhixidda hore ayaa waalidiinta loogala hadlaa, si dhamaan loogu kalsoonaado in carruurta safarka loo diro oo ay ka qeyb galaan.
Carruurtu waxay ku caawiyaan iney lacag u keydiyaan safarka
Inta jeer iyo intey tahay muddada markiiba, carruurtu tagayaan iskuulka rixladda loo tago oona lugusoo dhexo, iskuulladu waa ku kala duwan yihiin. Safarku wuxuu ka kooban yahay had iyo jeer ugu yaraan dhowr habeen soo seexasho meel kamida Danmark amaba dal kale mararka qaarkooda.
Fasallada carruurta waaweyn waxay carruurtu badanaa is caawintaa sideey lacag ugu keydiyaan la hayeen iskuulka rixladda loo tago oona lugusoo dhexo safarkiisa ee wadanka dibeddiisa ayagoo shaqeynaya waqtigooda fasaxa.
Saameynta waalidiinta
Dugsiga hoose/dhexe Sharcigiisa wuxuu waalidiinta siinayaa fursad helaan saameyn. Waxayna dhacdaa taasuna aydooloosoo maraayo guddiga iskuullada oo dhamaan iskullada qabaan. Halkaasoo ay fadhiyaan labadda mid ee wakiillo iskuulka ka socda iyo wakiillo waalidiintu ay iska doorteen.
Waalidiintu waxay ka qeyb qaadanayaan nolosha iskuulka
Iskuulku wuxuu waalidiinta siinayaa fursado badan si ay uga qeyb qaadan lahaayeen, saameyna ugu yeelan laheen waxbarashada caruurta. Waalidiinta badankood waxay ka qeyb qaataan shirarka waalidiinta, xafladaha iyo abaabullada kale ee iskuulka. Sidaa ayeyna ula soconayaan nolol maalmeedka iskuulka, duruusta iyo farxadda carruurta - isla markaana waxay la kulmayaan waalidiinta kale ee fasalka.
Iskuulka aasaasiga ah kadib
Danmark waxaa ka jira waxbarashooyin tira badan iyo koorsooyin oo loogu talagalay, ardaydii dhameysa fasalka 9aad ama kan 10aad ee dugsiga aasaasiga ah. Intooda badanna waxaa loogu talagalay dhalinyarada oo kaliya, kuwa kalena kooxda dadka waaweyn iyo dhalinyaradaba.
Waxbarashada dugsiga sare Gymnasiale uddannelser
Waxbarashadaha dugsiga sare waxay qaadataa labo-seddax sanno, waxaana ku siineysa gelitaanka tacliin sare. Waxbarashada dugsiga sare caadiga ah waxay ka kooban tahay:
- Dugsiga sare oo seddax sano ah ama koorsooyinka ardayda oo laba ama seddax sano ah. Labadabba waxaa lugusoo gebagebeeyaa imtixaan ardayda.
- Dugsiga sare, hf, oo laba sano ah.
- Dugsiga sare ee xirfadaha, oo qaata labo ama seddax sano. Waana dugsiga sare ee farsamada, (htx), iyo dugsiga sare ee ganacsiga, (hhx). Waxa ku siinayaan ictiraaf xirfad suuqa shaqada iyo in aad tacliin sare usii gudubto intaba.
Waxbarashooyinka xirfadaha iyo dhallinyarada
Koorsooyinka iyo waxbarashooyinka dhalinyarada badan waxaa codsan kara dhallinyarada, ku guuleysatay imtixaanka fasalka 9aad ama 10aad iyo dadka waaweyn intaba.
Waxbarashooyinka xirfadaha ee seddax-afar sano ah
Waxay kala dooran karaan ku dhowaad boqol waxbarashooyin xirfadeed oo kala duwan, kuwaasoo qaadanaya seddex-afar sanno. Waxayna ka kooban yihiin duruusta iskuulka iyo tababar loo tago shirkado. Waxaynu ku siineeysa gelitaanka shaqooyin badan ee dhinacyada ganacsiga iyo xafiisyada, lacagaha, dhismaha- iyo dismaha yar yar, birta iyo biraha kale, maadada naqshadeynta, gaadiidka iyo wax-soo-saarka beeraha.
Waxbarashooyinka bulshada iyo caafimaadka ee labada sano ah
Waxaa sidoo kale la dooran karaa waxbarashada caafimaadka iyo bulshada oo laba sano ah. Waxay fursad kuu siineysaa shaqooyinka sida kalkaaliyaha caafimaadka iyo bulshada ama adeegaha caafimaadka iyo bulshada
Iskuullada wax-soo-saarka
Dhallinyarada ka yar 25 sanno waxay geli karaan iskuullada tira ka badan boqol wax-soo-saarka ah, ee dalko dhan ku yaaliin. Halkaasoo duruusta ay ku lamaansan tahay soo saaridda alaabooyin kala duwan.
Tababar (leylin) (Praktik)
Qofku waa inuu isagu soo helaa goob tababar
Waxbarashooyin dhallinyarada oo badan waxay isugu jiraan duruus afka ah iyo tababar lugu goob shaqo lugu sameynayo.
Qofku waa in uu isagu soo helaa goob tababar oo la aqoonsan yahay, iyo inkastoo ay taasssssi adagtahay. Dhallinyaro badan la kulma hungoobid isdaba jooga, markay isku dayaan iney helaan goob tababar shaqo.
Tababarka iskuulka
Haddii qofku soo waayo goob tababar shaqo muddada hore ee iskuulka kadib, iskuulka ayuu tababar ku qaadan karaa. Waxayna isugu jirtaa barashada qalabka ee iskuulka iyo tababar caadiya ee goob tababar shaqo.
Haddaba weli qofku waa inuu goob tababar shaqo helaa, lakinse waqtigiisa kala bar ayuu ka qaadanaya.
Mushaarka tababarka
Inta qofku uu tababarka ku jiro, wuxuu qaadanayaa mushaarka tababarka. Mushaarkaase wuu ka sarreyaa kan kaalmada qaranka ee waxbarashada (SU), kana hooseysa mushaar rasmiya.
Weydii lataliyaha waxbarashada
Iskuullada iyo goobaha waxbarashada oo dhan waxaa jooga lataliyaal waxbarashada, oo talo kaa siin kara tacliinta ugu haboon ee baahidaada dabooleysa.
Tacliinta sare
Markuu qofku dugsiyadda sare soo xusnay dhameeyo, waxbarasha sare ayuu sii wadan karaa. Seddax nooc ayeyna u qeybsan tahay:
- waxbarashooyinka sare ee gaaban oo laba sano ah. Wuxuuna qofku tusaale ahaan noqon karaa sheybaariiste, dhaqaale yahan ganacsiga, koronto yaqaan ama farsama yaqaan makiinadaha.
- Waxbarashooyinka dhexe ee qaadanaya seddax ilaa afar sano. Kuwaasoo qofku uu noqon karo tusaale ahaan macallin, macallinka xanaanada, kalkaaliye isbitaal ama lataliya bulshada.
- Kuwa mudda dheer qaata, ee loogu qaata jaamacadaha ama kuwa la siman. Halkaana wuxuu qofku uu noqon karaa tusaale ahaan dhakhtar, dhakhtarka ilkaha, injineer ama macallin dugsi sare. Waxbarashooyinka jaamacadaha waxaa lugu sii darsan karaa tacliinta Ph.d, taasoo qofka mushaar la siinayo, iyo kunna shaqeynayo cilmi baaris iyo inu waxbaro u dhawaan muddo seddax sanno ah.
Isku qorida waxbarashada
Cadadka iyo shuruudaha gelidda
Wasaarada waxbarashada aya sannad waliba go’aamisa, intay arday aya isku qori karto waxbarashooyink kala duwan. Intaasi waxa sii dheer in ey goob waxbarasho kasto leedahay sharuudooyin lagu xiraayo ardayga soo gelitaankiisa.
Shuruuduhu waxay ku saleysnaan karaan darajooyinka imtixaanaadk dugsiga sare, iyo wixii aad hore usoo qaban jirtay. Halkaanna waxaa dowr ka ciyaaraya tusaale ahaan waaya-aragnimo shaqo, safarro iyo waxbarasho hore.
Imtixaanka gelitaanka
Waxbarashooyinka qaar kood ayaa imtixaan loo galaa. Waxayna caadi ahaan khuseysaa wax-barashooyinka maadooyinka wax ku oolka ah ama farsamada sida jilidda, sameynta filimada, joornaaliiste iyo naq-shadeeye.
La kulan waxbarashada iyo ardada kale
Jaamacadaha iyo machadyada sare waxbarashada badankood waxay duruusta ku bilaabaan abaabul soo dhoweyn ah (rus-arrangement). Halkaana ardada cusub ayaa waxbarashada loogusoo bandhigaa iskuna bartaan, ayadoo la adeegsanaayo muxaadaro jeedin, doodo iyo xaflad isugu-imaatin.Waxaana inta badan abaabulka kamida, in dhowr maalmood duurka lugu maqnaado (hyttetur).
Guddi iyo xiriirro
Cid kastaa waa saameyn kartaa nuxurka waxbarashada
Dhamaan goobaha waxbarashada waxay ardadu isku abaabule karaan guddiyo, guddiga nooca xirfadda la xiriira, guddiga waxbarashada ama guddiga ardada. Gudiyadaasi waxay qabanayaan si balaaran danaha ardayda, waxayna cod ka dhiibanayaan waxbarashada waxay xambaarsan tahay iyo tayadeedaba. Qof kastaa wuxuu leeyahay fursadda inuu saameyn ku yeesho qaabka waxbarashada haddii isu sharaxo guddiga ardada.
Urur bulshadeedyo
Machadyada sare intooda badan waxay ka jira gudiyo isbeersaday, oo qabanaayo danaha kooxaha kala duwan.
Nidaamka waxbarashada deenishka


Fursadaha dhaqdhaqaaqa
Guddiyada iyo ururrada faraha badan ee ka jira machadyada sare waxbarashada waxay aradada siiyaan saaxad ballaaran oo fursadaha dhaqdhaqaaq ah - iyo fursado wanaagsan oo ay ardada kale isku bartaan.
Goob kasta oo waxbarasho waxay leedahay caadooyin u gaara oo ciyaaro iyo xaflado ah - iyo bii’ad waxbarasho oo u gooniya. Ardadu ayaga ayey aad ugu xiran tahay sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen nolosha goobta waxbarashada.
Kaalmada Waxbarashada Qaranka (SU)
Saacidaad dhaqaale ee lugu noolaado
Waxbarida ee waxbarassshooyinka intooda badan waa lacag la’aan. Hase yeeshee ardadu waxay u baahan yihiin lacag ay ku noolaadaan - tusaale ahaan waxay buugta ku iibsadaan. Sidaa darteed wuxuu qaranku u fidiyaa kaalma dhaqaale ardayda, dhigata tacliin la aqoonsan yahay iyo xaqna usiineysa in la saacido.
Saacidaad, amaah iyo shaqo
Qofka waxuu helli karaa Saacidaadda Qaranka ee Waxbarashada (SU), oo ah cadad lacaga oo bil walba ah, oo caadi ahaan dib loosoo gudeynin. Waxaa jirta oo kale fursaddo amaaheed, lasoo gudaayo ayadoo dul saar leh, marka tacliintu dhamaato. Wax jira dulsaar yar oo khaas ah loogu talagaley deenta ardaynimadda.
Qaar badan waxay doortaan in ey iska dhaafa amaahda. Meesha ey deenka ka qaadan lahayeen waxay shaqeyaan waqtigooda fasaxa ah, inta ay waxbaranayaan, si aysan waxbarashada amaah ugala tegin.
Waxbarashada dadka waaweyn
Waxbarashada caadiga ah ee dadka waaweyn
Fursadda in aad waxbarashada iskuulka mid kale ku darsato
Waxbarashada guud ee dadka waaweyn waa fursad loo fidiyey dadka 18 sano ka weyn. Waxbarashadu kuma jiheysna xirfad mucayin ah ama farsamo gooniya, lakinse waxay dadka waaweyn siineysaa fursad kororsasho ama cusbooneysiin waxbarashadoodii iskuulka ee maaddooyinka guud.
Taasuna macnaheeda tahay sida maadooyinka xisaabta, ingiriiska, seeyniska, filasafada, cilmi-nafsiga, afk deenishka oo luqad labaad ahaana, kombiyuutar iyo barashada cilmiga bulshada.
Lugusoo gunaanadayaa imtixaan
Waxbarashada waxaa lugusoo gunaanadaa imtixaan u dhigma fasalka 9aad iyo 10aad ama kan la mid ah heerka hf. Waxbarashada waxaa lugu qaataa xarunta waxbarashada dadka waaweyn (VUC).
Duruusta waxaa la qaataa maalintii iyo habeenkii intaba, iyo koorsooyinkuna waxay billowdaan marar badan sanadkiiba. Markii lasoo koobo, waxay bilaabaneysaa waqtiga adiga kuugu haboon.
Aqoonsiga waxbarashooyinka dibedda
Tacliintaada ma ku isticmaali kartaa Danmark?
Haddii aad leedahay tacliin kala timid meel ka baxsan xuduudka Danmark, waxaa dhici karta in la ogaado waxay tacliintaasi ey tahay, iyo xirfadaada cilmiyeedka lugu issssticmaali karo Danmark - ama in aad u baahan tahay tacliin aqoon kororsi ah si aad u isticmaasho tacliintaada.
Haddii aad ku xiran tahay barnaamijka soo dhoweynta ee kumuunaha ama barnaamijka kale ee tababarka shaqada, waxaad weeydii kartaa tallo qofka kiiskaaga qaabilsan ee kumuunaha.
Kaalmada qiimeynta waxbarashooyinka dibedda
Xarunta Qiimeynta waxbarashooyinka Dibedda (CVUU) waa xarunta dhexe ee Danmark, halkaasoo aad la xiriiri karto, haddii aad qiimeyn u dooneyso waxbarashadaada, marka loo eego nidaamka tacliinta deenishka iyo suuqa shaqada.
Luqadda deenishka ee ajaanibta waaweyn
Baridda deenishka ee dhamaan dadka waaweyn ee dhalasho ajnabi heysta
Dhamaan dadka ajaanibta ah, kana weyn18 sano, sharcina ku leh Danmark, waxaa loo fidiyaa barashada deenishka iyo arrimaha bulshada deenishka oo lacag la’aan ah.
Waxbarashada waxaa lugusoo gunaanadaa imtixaan, kaasoo loo isticmaali karo tusaale ahaan, haddii qofku waxbarasho bilaabayo. Sidoo kale hadaynan aysan jirin sababo khaas ah - loo baahanyahay in aad imtixaanka ku gudubto, haddii aad dooneyso in aad hesho sharciga abadiyada ama dhalashada deenishka.
Haddii oo qofka ka qeyb qaadanaayo barnaamijka soo dhoweynta ajaanibta cusub, waa khasab in uu kumuunuhu kooraska kuu fidiyaa ugu dambeyntii bil kadib marka uu usoo guuro kumuunaha. Duruusta runtii waxaa loo qaadan karaa qaabab badan oo kala duwan - kali kali, kooxo waaweyn ama yar yar, xarunta luqadda ee kumuunaha, iskuul xirfadeed ama xarun shirkadeed - oo laga yaabo in lugu siyaadiyo duruus aqoon dirsad ah.
Waajibka ka qeybqaadashada barashada deenishka
Saacidaadda dhaqaale waa lasoo dhimi karaa
Haddii uusan qofku marka uu Danmark yimaado kadib dhakhsa shaqo helin, wuxuu u baahnaan doonaa inuu kaalma dhaqaale ka helo bulshada deenishka - lacagta soo dhoweynta. Shardiga qaadashada lacagta soo dhoweyntu waa, in qofku uu si firfircoon uga qeyb galaa barashada deenishka iyo fursadaha tababarka shaqo, iyo waana inuu diyaar u yahay suuqa shaqada, si uu shaqadii uu la kulmo deg deg ugu qaato, markii oo hello fursad. Iskuulku sababtiise darteed soo xaadiridda dadka wuu diiwaan geliyaa, iyo waxaana waajib ka saaran yahay in uu kumuunaha ku wargeliyo qofkii iskuulka imaanin. Maqnaasho aan cudurdaar laheyn waxay keeni kartaa, in kumuunuhu qofka ka dhimo amaba ka joojiyo caawinaanta dhaqaale.

Deenishku waa albaabka bulshada
Deenishku waa albaabka waxbarashada, shaqada iyo wadajir bulsho. Waana muhiim sidoo kale in aad deenishka barato, si aad u fahamto xuquuqdaada iyo waajibaadka bulshada deenishka. Aqoon la’aanta sharcigu kaa saamixi maayo in aad raacdo ama ilaaliso. Sharciyada amaanka ee aad la kulanto maalin walba, sidoo kale waxay sida badan ku qoran yihiin af deenish.
Markii dhexgalkaaga deenishku sii kordhaba, waxaa kuusii fududaanaaya fahamka luqadda. Haddaba dhexgal deenishka - tusaale ahaan iskuulka habeenkii, xarakaadyada jimicsiga ama munaasabad waqtiyada fasaxa ah oo kale. Ama waxaad ku biiri kartaa ururro maxalliya ama guddiyada waalidiinta.
Meela badan oo maxalliya waxaad ka heli kartaa ka caawinta duruusta iyo saacidaadda barashada deenishka oo kooxo tabaruca ay ku bixinayaan tusaale ahaan Heyadda Qaxootiga deenishka.