Bogga hore

13. CAADO IYO NOLOL MAALMEED



Maalmaha ciidaha, maalmaha xusuusta iyo munaasabadaha diiniga ahAudio

Sanadka gudihiisa waxaa ku jira maalmo ciida ah iyo maalmo xasuus ah oo dhowr ah, kuwaasoo lugu muujiyo, in carruurta iskuulka laga fasaxo, in dadka waaweyn badankood ey shaqada fasax ka yihiin, iyo in dukaamadu wada xiran yihiin ama qeyb waqtiga kamida xiran yihiin. Maalmaha ciidaha adeegyo cibaadeysi ah ayaa lugu qabtaa kaniisadda dadweynaha.



Maalmaha ciidaha ee ugu muhiimsan waxaa loo dabbaaldegaa tan la xiriirta seddaxda munaasabad diineed ee waaweyn sida Yuulka, halkaasoo loo dabbaaldego dhalashada Ciise, Booskaha halkaasoo alwaax ku taagidda Ciise, dhimashadiisa iyo soo bixiddiisu ey udub dhexaad u yihiin, iyo Biinsaha oo ah feestada ruuxda muqaddaska ah.

Waxaa jira caadooyin badan oo ku xiran munaasabadaha diiniga ah, haba ugu weynaado yuulku, dadka intooda badanna waxay munaasabadaha diiniga ahi u yihiin sabab ey kula joogaan qoyska, qaraabada iyo asxaabta.

Ciidaha kalena waa:

  • Maalinta sanadka cusub, 1da janaayo.
  • Maalinta cibaadada weyn, oo ey saldhig u yihiin maalmo cibaado waaweyn oo dhowra, oo mudda dheer ka hor laysku daray.
  • Maalinta sare u qaadidda Ciise, oo masiixiyiintu u dabbaaldegaan, in Ciise cirka sare loo qaaday.

Kuwa ugu muhiimsan maalmaha xusuusta waa:

  • 1da maajo, maalinta halganka caalamigaa ee dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha.
  • 5ta juun, maalinta dastuurka, halkaasoo loo dabbaaldego dastuurka boqortooyada Danmark. Danmark waxay dastuurkii ugu horreeyey heshay sanadkii 1849.

Yuulka

Habeenka yuulku waa 24 december, halkaasoo qoysasku isu yimaadaan, isla casheeyaan, hadiyadana isi siiyaan. Intooda badan geedka yuulka ayey ku wareegaan, oo ah geed humbulan oo sharaxaad iyo xiddigo dusha looga dhedhejiyey, waxayna ku heesan digriga yuulka - iyo heesaha. Dad badan ayaa sidoo kale kaniisadda u aada cibaadada alle ee yuulka.

Jidadka iyo dukaamada wuxuu yuulku hore uga billowdaa bisha november. Waxaa lasii sharxaa laamaha geedka, wadnayaal, malagyo iyo geelle-gaabowyaal (sawirro guryaha la surto si ay u ilaaliyaan) ayaana lugu dhejiyaa. Bisha december waxaa quraacda yuulka lugu qabtaa goobaha shaqada, carruurtuna waxay ku sameeyaan hadiyadaha yuulka iyo sharaxaadda yuulka xarumaha xanaanada, guriga waqtiga fasaxa iyo iskuullada. Carruur badan ayaa leh kalandarka yuulka, sida ay kanaallada tv-guna usoo daayaan barnaamijyada kalandarka yuulka, kuwaasoo tiriya maalmaha laga bilaabo 1da ilaa 24ka december.

25ka iyo 26ka december, oo loogu yeero maalmada koowaad iyo labaad ee yuulka, waxay qoysas badani isugu yimaadaan quraacda yuulka.

Xafladaha iyo isu imaatinnada

Danmark waxaa xaflado loo qabtaa munaasabado badan oo kala duwan: aroos, waqlasha ilmaha, sugitaanka, maalmaha dhalashada iyo munaasabadaha diiniga ah. Marka qofku helo guri cusub, uu dhameeyey waxbarashada, uu safar aadayo - ama uu iska jecleysto oo kaliya.

Markaa waxaa lugu marti qaadaa saaxiibbada, qoyska ama asxaabta shaqada cunto iyo cabitaan - mararka qaarna waa la ciyaara habeenkii oo dhan.

Haddii luguugu marti qaado xaflad ama qado, waxaa wanaagsan in aad wax yar hore usii qaadid martigeliyaha. Hal dhalo oo wayna, xirma ubaxa, shokolaato ama wax kale. Haddii luguugu marti qaado dhalasho, waxaa lagaa sugayaa in hadiyad geyso.

Booskaha ioy Binsaha

Booskuhu wuxuu sanad kasta soo galaa bilaha maarso ama abril, binsuhuna bilaha maajo ama juun. Marka laga reebo caadooyinka diiniga ah, halkaasoo masiixiyiintu u dabbaaldegayaan kasoo bixidda Ciise ee dhimashada,booskaha waxaa caadaa, in la isguddoonsiiyo ukunta booskaha. Taasoo sida caadigaa ah ukun laga sameeyey shokolaato. Ukuntu waa astaan bacrinnimo oo qadiim ah. Xilliga binsaha dad ayaa leh caadada ah iney waqti hore kacaan oo fiiriyaan qorraxdoo "ciyaareysa" ee sameysta quraacda binsaha - tusaale ahaan sida iney dambiil raashina duurka u qaataan.

Dhalashada carruurta

Waalidiin badan ee carruurta ku jira da’da xanaanada iyo iskuulka ayaa ku marti qaada saaxiibada ilmaha ama saaxiibada fasalka dhalashada carruurta. Qaar ayaa marti qaada gabdhaha kaliya ama wiilasha kaliya. Keegga isdulsaarkaa, rootiga wareegsan iyo kakaaw ama sharaab iyo sidoo kale in lugu heeso heesta dhalashada ama la dheelo ciyaaro waxay kamid yihiin caadada dhalashada carruurta ee deenishka. Waxaa laga sugayaa carruurta la marti qaaday iney hadiyad u keenaan ilmaha dhalashada leh. Haddii aad ka shakido nooca iyo heerka hadiyadda ilmahaagu qaadayo ey la ekaaneyso, waa in aad weydiisaa waaalidiinta kale.

Kajan iyo kaftan

Danmark kaftanku waa qaab muhiima oo laysku dhexgalo. Dad badanina waxay sidoo kale adeegsadaan kajan aad u badan. Taasi waa, in qaabka sheekadu gaar ahaan goobo shaqo oo badan uu caadi ahaan muuqan karo mid aad u "qallafsan". Dadku waxaa dhici karta iney isku yiraahdaan waxyaabo xun xun, kuwaasoo marka qofku meesha ku cusub yahay si fudud uga nixiya. Hase yeeshee waxay taasi ka turjuntaa oo kaliya iney yihiin dad isku wanaagsan oo ey isixtiraamaan, inkastoo sidoo kale xoogaa lays dhibaayo.

Waqtiga

Deenishku waxay si aad ah ugu noolyihiin "saacadda". Waxay kaa sugayaan in aad ku timaado ballanta waqtigeeda, maahan kahor iyo kadib midna. Waxayna khuseysaa ballamaha shaqada iyo kuwa gaarka ah intaba - waxayna khuseysaa oo kale ballamaha dhakhtarka, dhakhtarka ilkaha iyo heyadaha qaranka. In aad soo daahdo - ama aad iska maqnaato - adigoo aan sabab muhiima heysan waa qaab la hubo in luguugu nacaayo.

Khamriga iyo baabuur wedidda

Waa sharci darro - bulsho ahaanna lama aqbalo - in aad baabuur waddo, haddii aad aad u cabsan tahay khamri. Lama ogola iney dhiiggaaga ku jirto in kabadan 0,5 promille oo khamriya, marka aad wedeyso tusaale ahaan baabuur ama mooto.

Deenishka iyo Dannebrog (calanka)

Sida la weriyey calanka deenishku, dannebrog, cirka ayuu kasoo dhacay ayadoo dagaal lugu jiro dalka Estland 15kii juun 1219.

Heyadaha qaranka iyo dadka caadiga ahba waxay calan saartaan maalma gaara ee calanka. Waana maalmaha ciidaha, maalmaha dhalashada dad katirsan qoyska boqortooyada iyo maalmaha qaranka astaanta u ah sida tusaale ahaan maalinta dastuurka oo ah 5ta juun.

Sidoo kale waxay deenishku Dannebrog u adeegsadaan siyaaba kale oo badan oo aan caam aheyn. Tusaale ahaan calanka ayaa miiska la saaraa maalmaha dhalashada ama dabbaaldegyada. Cadad calamo ah ayaana lugu dhedhejiyaa geedo badan ee yuulka iyo marka yuulka sharaxaayo jidadka iyo dukaamada.

Isticmaalka caanka ah ee calanku waa caado qadiim ah, ee tusaale uma ahan in deenishku si gooniya muwaadiniin u yihiin.

Jirka iyo galmada

Ayadoo aan loo eegin in aad kahesho iyo in kale, wuxuu qofku kula kulmayaa qaawanaan iyo galmo meela badan oo bulshada dhexdeeda ah. Wargeysyada iyo joornaallada ayaa daabaca maqaallo ku saabsan galmada iyo xiriirka labada qof, iyo xayeesiimo muujinaaya jirka banii’aadanka.

Taasi waxay ka turjumeysaa horumarka caadiga ah ee bulshada, kaasoo keentay aragtida xortaa ee nolosha xagga jinsiga. Tobannaankii sano ee ugu dambeeyey waxaa soo shaac baxay qaab xiriirro cusub, xoriyad dheerada ee qofku ugu taliyo jirkiisa iyo nidaam haboon ee tusaale ahaan qaniisnimada. Taasina waa xoriyad masuliyadi ku lifaaqan tahay. Taasoo loola jeedo, iney jiraan xuduudo u dhigan waxa la ogol yahay iyo waxa aan la ogoleyn. Ciqaab ayaa lugu muteysanayaa in loo galmoodo qof 15 sano ka yar, waana inaan qofna lugu qasbin wax uusan raalli ka aheyn. Aasaaskuna waa in qadariyo xuduudda xagga shakhsiga iyo jinsiga ah ee qof kasta.

Maahan tusaale ahaan dhiirrigelin galmo, marka dadku isku qorrexeynayaan beerta iyo xeebta ama qubeysanayaan ayagoo xiran wax yar oo dhar ah ama dhar la’aan. Sida calaamadaha jirku uu bixinayo aan loo turjuman ku dhiirrigelin galmo.

Kufsiga xagga jinsiga ah waa in lala socodsiiyaa booliska, si dembilaha ama dembilayaasha sharciga loola tiigsado.

Waxaa ku jiri kara farqi weyn, goorta dadka dhallinyarada ah ee bulshada deenishku billaabaan nolol firfircoon oo xagga jinsiga ah. Laakiin aad ayey caadi u tahay in qofka yar uu yeesho saaxiib, xiriirka saaxiibtinimada inta ugu badanina waxay ku saleysan tahay ka helitaan iyo isqadarin.





Casriyeenta ugu dambeeyey: 6/30/2549
Waxaa daabacay: The Ministry of Refugee, Immigration and Integration Affairs
Lamaanayaasha halka laga galo Wasaaradda Qaxootida, Laanta Socdaalka iyo Arrimaha Is-dhexgalka - Laanta Socdaalka Daanishka