Bogga hore

16. Ururro iyo xarumo muhimad oo wax khaas ku ool u leh degganayaasha cusub

 

Heyadda Qaxootiga Deenishka Dansk Flygtningehjælp

Borgergade 10, 3. sal Postboks 53 1002 København K Telefoon: 33 73 50 00 Bogga: http://www.flygtning.dk/ Email: drc@drc.dk

Waa heyad samafal ah, oo kaalma u fidisa qaxootiga, iyo isla markaan warbixin iyo talabixin la xiriirta qalabixinta iyo dibu laabashada wadankooda.

Iskaashiga dadyowga dhexdooda ah Mellemfolkeligt Samvirke (MS)

Borgergade 14 1300 København K Telefon: 77 31 00 00 Hjemmeside: http://www.ms.dk/ E-post: ms@ms.dk  

Waa urur, ku howlan is-afgaradka dadka, qalabixin, howlo wacyi-gelineed, barnaamijyo tabarruca oo lacag la’aan ah iwm.

Wasaaradda Qaxootiga, Ajaanibta iyo Qalabixinta Ministeriet for Flygtninge, Indvandrere og Integration

Holbergsgade 6 1057 København K Telefon: 33 92 33 80 Hjemmeside: www.nyidanmark.dk E-post: inm@inm.dk

Waxay qabataa howlo khuseeya dhamaan ajaanibta- iyo siyaadda guud ee qalabixinta iyo dhalashada deenishka. Waana heyad looga dacwoodo go,aamada waaxda socdaalka ee la xiriira isu-keenidda qoyska, fiisaha, iqaamadda shaqa darteed ama sababo khaas lugu bixiyo.

Guddiga guud ee Ajaanibta Rådet for Etniske Minoriteter

Ministeriet for Flygtninge, Indvandrere og Integration Holbergsgade 6 1057 København K Telefon: 33 92 33 80 Hjemmeside: www.rem.dk E-post: rem@inm.dk

Wuxuu wasiirka qalabixinta kalataliyaa arrimaha khuseeya ajaanibta iyo qaxootiga. Waxaa laga soo doortaa wakiillada wakiillada guddiyada qalabixinta ee degmooyinka.

Waaxda Socdaalka Udlændingeservice

Ryesgade 53 2100 København Ø Telefon: 35 36 66 00 Hjemmeside: www.nyidanmark.dk E-post: us@us.dk

Wuxuu ka shaqeeyaa kiisaska la xiriira soo gelidda iyo joogidda ajaanibta ee Danmark, oo kamid yihiin codsiga qaxootinimada, isu-keenidda qoyska, iqaamadda joogista iyo shaqada iyo fiisooyinka. Waana heyad looga dacwoodo go,aamada kiisaska ku saabsan iqaamadda joogista iyo shaqada ayadoo la tixraacayo shuruucda gaarka ah ee EF/EØS.





Casriyeenta ugu dambeeyey: 6/30/2549
Waxaa daabacay: The Ministry of Refugee, Immigration and Integration Affairs
Lamaanayaasha halka laga galo Wasaaradda Qaxootida, Laanta Socdaalka iyo Arrimaha Is-dhexgalka - Laanta Socdaalka Daanishka