20. Faahfaahinta erayada
Adeegga guud (Public Service)
Adeegga guud waxaa calaamad ahaan loogu isticmaalaa idaacadaha madaxa bannaan, ee aan ganacsiga aheyn, oo hadafkoodu yahay iney barnaamijyo usii daayaan dadweynaha oo dhan. Danmarks Radio (DR) waa goob shaqo ee adeeg guud ah, oo sida sharciga warbaahintu (radioloven) dhigayo ay tahay inuu sii daayo barnaamijyo dhan walba leh, kana hadlaaya dhaqanka iyo war faafin.
Bogagga jaallaha ama huroodka ah (De gule sider)
Bogagga jaallaha ah waa bogagga buugga telefoonnada ee laga helo warbixnta ku saabsan shirkadaha gaarka ah.
Baarista dhegeysiga gudaha jirka dadka (Scanning med ultralyd)
Scanner waa qalab loo isticmaalo si nidaamsan in loogu baaro qaybo jirk dadka. Baarista dhegeysiga gudaha wadata waxaa laga wadaa, in ayadoo la adeegsanayo codka hirarka gudaha la arkaayo sawirrada tusaale ahaanxubnaha jirka ama ilmaha uurka ku jira. Ayadoo la adeegsanayo baarista codadka hirarka gudaha waxaa la arki karaa inta ilmuhu la egyahay, jinsiga uu yahay, iyo inuu cuuryaannimo halisa leeyahay.
Baarlamaanka yurub (Europa-Parlamentet)
Baarlamaanka yurub wuxuu ka kooban yahay 626 xubnood, oo ay soo doorteen dadweynaha 15-ka dal ee xubnaha ka ah midowga yurub (EU). Xubnaha waxaa la doortaa shantii sanaba mar. Tirada xubnuhu waxay ku xiran tahay baaxada dalalka. Danmark waxay leedahay 16 xubnood.
Ceyrta shaqa-la’aanta (Arbejdsløshedsdagpenge)
Ceyrta shaqa-la’aantu waa kaalma dhaqaale oo qofku leeyahay, haddii uu shaqa la’aan noqdo, isla markaana uu xubin ka yahay kaasa shaqa-la’aan (A-kasse).
Dankort
wax looga gato, kaasoo ay bangiyadu sameysteen , kuna saleysan nidaam heer dalka oo dhan ah oo lacagta waayar ahaan u dira.
Dibu tababarid shaqo (Aktivering)
Dadka wadanka degan oo qaata soo-dhoweynta ceyrta*, kaalmada ceyrta*, ama ceyrta shaqa-la’aanta*, waxay xaq iyo waajibba u leeyihiin iney guddoomaan haddii tababar loo soo bandhigo. Kumuunayaasha ayaa soo diyaariya una bandhiga dadka qaata soo-dhoweynta ceyrta iyo kaalmada ceyrta. Xafiiska shaqada ayaase qaabilsan tababaridda dadka shaqa la’aanta ah ee ceyrta shaqa la’aanta.
Tababarku wuxuu ka koobnaan karaa kala talinta fursadaha waxbarasho iyo shaqo, tababar shaqo ee shirkad dowliya ama shirkad biribaatiya ama xarakaadyo waxbarasho oo khaasa.
Diinta masiixiga qaybta Boorotestanka loo yaqaano Evangelisk-Lutherka (Evangelisk-luthersk)
Kaniisadda dadweynaha deenishku waa kaniisad Evangelish-Lutherka ah. Taasoo macnaheedu yahay in ka tirsan tahay kaniisadaha kirishtaanka ee dibu-habeyntii xilligii 1500 ka go’day kaniisadda Roman-katoligga. Aragtida kaniisadda Evangelish-Lutherku waxay ku saleysan tahay baybalka iyo seddax buug-summadeed oo ka yimid kaniisadahii kirishtaanka ee ugu horreeyey iyo sidoo kale qiraalkii augsburg, oo la qoray waqtigii dibu-habeynta, iyo sidoo kale "Katekismuska yar ee Luther", oo ah buug laga barto masiixiyadda, uuna qoray wadaadkii jarmalka ahaa Martin Luther.
Doorasho guud (Folkeafstemning)
Hadeeyba dacdo doorashada guud waxay dadweynuhu si toosa ugu codeeyaan go’aan mucayin ah, kaa soo baarlamaanku gaaray ama uu gaari rabo. Doorashooyinka guud waxay noqon kartaa in oo baarlamaanku ku qasban yahay ama waa ku tusaale qaataan. Sidoow dastuurka deenishku digaayo, waa in wax yaalaha ka mid ah sida wax ka bedalka ama wax lagu daraayo dastuurka, iyo su’aal la xiriirta ku-wareejinta madaxbannaanida qaranka ee heyad dowlada kasii sarreysa ay timaado waa in doorasho guud lugu go’aamiyo. Danmark doorashooyin guud loo isticmaalay waayihii ugu dambeyay arrin khuseysay xaalada EU.
Dugsiga dadweynaha Danmark khaas u ah (Højskole)
Eeg Dugsiga sare ee dadweynaha*
Dugsiga sare ee dadweynaha (Folkehøjskole)
Dugsiga sare ee dadweynaha - oo caadi ahaan loogu yeero dugsiga sare - waa nidaam khaas ah oo iskuul jiif iyo raashin ah ee dhallinyarada iyo dadka waweynba, wuxuuna Danmark ka billowday bartamihii 1800. Hadafka dugsiga sare ee dadweynaha waa inuu dhallinyarada iyo waayeellada siiyo aqoon la xiriirta dhaqanka iyo qaabka guud ee nolosha bulshadu sida weyn iskugu xiran tahay. Dugsiga sare waxaa lugu bartaa tusaale ahaan muusig, farshaxanka sawireed oo gacanta ah, siboortiga ama jimicsiga, filosofi iyo arrimaha xaladeeda bulshada. Waxbarashadu qofka ma siineyso awood xirfadeed oo la aqoonsan yahay, iyo ardaydana uma fariisanayaan imtixaan.
Gadashada daawada ee rasiid la’aan (Håndkøb)
Dawooyin badan oo kale nooc ah ayaa rasiid la’aan la iibsan karaa, taasoo aadan u baahneyn in aad dhakhtarka rasiid kala timaado.
Garsooraha dadweynaha (Lægdommer)
Garsoorayaasha dadweynuhu waa dad, ayagoo aan qaaddi sharci yaqaana aheyn ka qeyb qaata kiisaska ciqaabta ama ha ahadeen xeer-beegayaal ama garsoorayaal.
Golaha shacabka (Folketinget)
Golaha shacabku waa baarlamaanka qaranka ee Danmark. Golaha shacabku wuxuu ka kooban yahay 179 xubnood, oo labbo kamid ah ay ka yimaadeen Greenland iyo labbo kalana Faero Aaylands.
Xubnaha waxaa la doortaa ugu badnaan afartii sanaba mar. Ra’iisul wasaaraha ayaana doorasho ku dhawaaqi kara mudo afarta sanno gudaheeda ama intey dhamaanin afarta sanno. Doorashadu waxay u dhacdaa qaab isu dheelli tiran. Taasoo waxaa la dhihi karaa, in xisbiyada isa soo sharaxay ay baarlamaanka ku yeelanoonaan tiro xubno ah oo u dhigma tirada codadka ay doorashada ka heleen.
Goobta qashanka oo dib loo istimaalikaro (Genbrugsplads)
Waa waajibka kumuunaha iney ku dadaalaan in qashanka intiisa badaan dib loo isticmaalo. Sidaas darteed ayaa kumuunayaashu leeyihiin xarumo qashanka lugu uruuriyo, meshaas oo qofku qashankiisa ku kala soocdo, kunna shubo konteennarrada loogu tala galay tusaale ahaan kartoonnada warqadaha ah, waxii dhalo ama galaas ka samaysan, biraha iyo qashanka beerta. Waxa intaas sii dheer in ey khasab tahay, in qashanka bii’ada u daran meel gooniya loo geeyaa.
Guddiga dacwooyinka booliska (Politiklagenævn)
Guddiyo dacwooyinka booliska ayaa ka jira København, Sjælland, Fyn, Aalborg, Viborg iyo Sønderborg. Waxay xeer ilaaliyaasha guud* kala shaqeeyaan dacwooyinka laga dacwoonaayo booliska, iyo waxayna soo gudbiyaan dacwooyinka arrimaha ciqaab mudan kara, ee shaqaalaha boolisku ku kacaan inta ay xilkooda shaqo gudanayaan. Guddiga dacwooyinka boolisku wuxuu ka kooban yahay qareen, oo ah guddoomiyaha, iyo laba garsoore dadweyne*.
Guddiga kirada guryaha (Huslejenævn)
Kumuunayaasho oo dhan waa ineey leeyihiin guddiga kirada guryaha. Kumuunayaal badan ayaa sameysan kara guddi kirada guryaha oo ka wada dhexeeyo. Guddiga kirada guryaha wuxuu ka kooban yahay seddax xubnood. Labba waxaa soo doorta kumuunaha isagoo kala tashada kireystayaasha maxalliga ah iyo ururada milkilayaasha dhulka. Kan seddaxaad, guddoomiyaha, waa sharci yaqaan, waxaana soo doorta wakiilka gobolka. Guddiga kirada guryaha wuxuu qaadaa dacwooyinka la xiriira inta kirada gurigu la egtahay iyo heerka guriga, iyo xaalada kale oo kirada la xiriira.
Guddiga maamulka gobolka (Amtsråd)
Laga billaabo 1.1.2003 Danmark waxay loo qeybiyay 13 gobol, kuwaasoo fuliya howla maxalliya oo waaweyn sida waaxda caafimaadka, ceymiska caafimaadka, dugsiyada sare, ilaalinta dabeecadda iyo bii’ada iyo dayactirka waddooyinka yar yar. Gobollada waxaa maamula guddi maamulka gobolka, kuwaasoo ay dadweynuhu doortaan, kana kooban ugu yaraan 9 ugu badnaanna 31 xubnood. Guddiga maamulka gobolka waxaa la doortaa xiligaba afartii sannaba mar.
Gudiga maamulka degmada (Kommunalbestyrelse)
Danmark waxay 1.1.2003 u qeybsan tahay 271 degmo, loona yaqaan "kumuunayaal". Kumuunuhu waa heyad dowli ah kaasoo u qabta bulshada maxalliga ah howla kala duwan. Ayadoo la tixraacayo ismaamul hoosaadka kumuunaha ayuu sharcigu gacan bannaani u siinayaa in kumuunuhu nawaaxiyo kala duwan uu go’aan ka gaaro. Sidoo kale waxay kumuunayaashu fuliyaan howlo - gaar ahaan xagga arrimaha bulshada - iyagoo tixraacaya xeerar tafatiran ee sharciga waa faqsan.
Kumuunayaasha waxaa maamula guddi maamulka degmada oo ay dadweynaha degmadu soo doorteen 4 sano oo kasta.
Heyadda amaahda hantida maguurtada ah (Realkreditinstitut)
Amaahda hantida maguurtada ah waa amaah la qaadanayo ayadoo hanti maguurta ah dabaaji ahaan loo dhigaayo. Marka qofku amaahdaa qadanayo gurigiisa ayuu curaar ahaan u dhigayaa. Waa heyad amaahda hantida maguurtada ah, oo bixiso noocaano kale oo amaahad ah. Waxay u shaqeysaa sidii bangi khaasa oo kale.
Heyadda socdaalka ee ajaanibta (Udlændingeservice)
Xafiiska socdaalka waxay hoose timaada wasaaradda qalabixinta. Hase yeeshee go’aamada ay gaareysaa waa ka madax bannaan yihiin wasaaradda. Xafiiska socdaalku wuxuu qabtaa howla farabadan oo la xiriira aasaaska soo gelidda iyo joogidda ajaanibta ee Danmark - tusaale ahaan qaxootinnimo, qoys isukeenidda, fiisaha iyo iqaamadda shaqada. Xafiiska socdaalku wuxuu go’aan ka gaaraa codsiyo mucayin ah, wuxuuna ka war bixiyaa shuruudaha soo gelidda iyo joogitaanka.
Heyadda wacyi-gelinta (Oplysningsforbund)
Heyadda wacyi-gelintu waa urur oo xariiriya, iyo maamulah howlo wacyi-gelineed - gaar ahaan kuwa la xiriira waxbaridda xilliga fasaxa. Eeg sidoo kale iskuullada habeenkii*.
Heyadda xafiiseed ee maamulka gobolka (Overpræsidiet)
Xafiiska maamulka gobolka Kobanheegan waa heyad dowliya, oo daboolaya nawaaxiga kumuunaha kobanheegan. Xafiiska maamulka gobolka waxaa maamula Sareey, wuxuuna qabtaa howlo lamida kuwa uu qabto xafiisyada maamulah gobollada ee heydda dowliga ah*.
Hoggaaminta shacabka (Folkestyre)
Hoggaaminta shacabku waxay la mid tahay dimoqoraadiyadda.
Iskuulka habeenkii (Aftenskole)
Waa waxbarid khayaariya ah oo waqtiga fasaxa la dhigto. Waxay isugu jirtaa noocya badan oo kala duwan sida luqadaha, taariikh, waxfaafinta casriga ah, filoosofi iyo maadooyinka hal-abuurka. Waxbarashadu kuma siineyso qiimeyn gaara, wax imtixaanana maleh. Sida caadiga ahna heyadaha waxbarashada dadka waaweyn* ayaa kadambeeya waxbariddaa.
Iskaashiga wada shaqeynata ee Schengen (Schengensamarbejdet)
Iskaashiga Schengen waa wadashaqeyn u dhexeysa dalalka EU Beljinka, Danmark, Finland, Faransiiska, Gariiga, Holland, Talyaaniga, Luxemburg, Bortigal, Isbanya, Iswidan, Jarmalkad iyo Aawstiriya iyo sidoo kale Noorwey. Waxay ximbaarsan tahay in dadka u dhashay dalalka ku jira si xor ah ay xuduudaha dalalka u dhexeeya uga gudbi karaan, taaso macnaheed waxay tahay in oo jirin kontorool xadeed. Danmark waxay Iskaashiga Schengen kamid noqotay 1997.
Joornaalka degmada (Distriktsblade)
Joornaalka degmada waa jaraa’idyo asbuucle ah maxalliya, oo lugu fangareeyo dakhliga xayeesiinta, oo lacag la’aan ah.
Kali-talis (Enevælde)
Waa nidaam siyaasadeed, kaasoo awoodda oo idil ay gacanta ugu jirto boqorka ama amiirka. Danmark waxay lahaan jirtay nidaamyo kali-talisa oo kala duwan xilligii 1661-1848.
Kanaysadda dadweynaha (Folkekirke)
Kaniisadda evangelish-lutherka sida dastuurku qabo waa kaniisadda dadweynaha ee deenishka. Erayga "kaniisadda shacbiga" waxay tilmaameysaa, in dadweynaha badankood ay ayada ka tirsan yihiin, iyo in ay xiriir sokeeye la leedahay qaranka, marka loo fiiriyo diimaha kale. Qaranku sida dastuurku dhigayo waa inuu kaniisadda shacbiga kabaa, iyo golaha shacabka ayaana sharci ku ansixiya shuruucda maamulka kaniisadda dadweynaha, hase yeeshee qaranku caadi ahaan ma-fara-geliyo nolosha kaniisadda gudaheeda ah. Tukashadda axadaha ama acmaasha kaniisadda shacbiga waa furan yihiin, iyo dad weynaha xubnaha ka ah kaniisadda shacbiguna shuruud la’aan ayey xaq u leeyihiin howlaha kaniisadda sida magacbixinta, xaflada qaangaarka ah, nikaaxa iyo duugta. Wadaaddada iyo kalkaaliyaashoodu kasiinasadda shacbigu waxay waqtigii hore laga bilaawo qaban jireen howsha ah diiwaan gelinta aasaasiga ah ee dhamaan dadka ku dhasha Danmark. Hase yeeshee taas waxaan ku jirin Sønderjylland, halkaasoo uu diiwaan geliye gooniyahi uu howshaa fuliyo. Wadaaddada kaniisadda shacbigu sidoo kale wax u shaqayaan sida heyadda duugista, kuwaasoo bixinaya ogolaashada duugista inta aan meydka la duugin ama aan la gubinba.
Kitaabka Masiixiyadda (Bibelen)
Kitaabka masiixiyaddu waa qoraalka muqadaska ah ee kirishtaanka oo dhan. Kitaabka masiixiyaddu wuxuu u qeybsan yahay laba qeybood, Dardaarankii Hore iyo Dardaaranka Cusub. Dardaarankii Hore wuxuu markii hore ku qornaa afka hebrooga, wuxuuna ku saabsan yahay xiriirka Ilaahey iyo dadka yuhuudda ah. Dardaaranka Cusub wuxuu markii hore ku qornaa afka giriigga, wuxuuna ka hadlayaa willka Ilaahey, Ciise Masiixi, taageerayaashiisii ugu horreeyey iyo kaniisaddii kirishtaanka ee ugu horreysay. Ciise Masiixi wuxuu u qofka baybalka ugu muhiimsan. Turjumada ee deenishka ee baybalka ugu dambeysay waxaa la qoray 1992, waxaana la yiraahdaa baybalka deenishka ee Margrethe II.
Kaalmada ceyrta (Kontanthjælp)
Dadka wadanka wada degan aan dakhli ama hanti laheen, iyo oo sidaa darteed aan isbixin karin ama aan qoyskooda biilan karin, waxaa loo oggol yahay kaalmada ceyrta. Taana waxaa laga wadaa in kumuunuhu qofka siiyo lacag uu ku noolaado. Sharuuda in kaalmada ceyrtu waxay tahay, in qofku ka faa’iideysto fursadaha, uu shaqa ku heli karo ama uu oggolaado tababar shaqo* ee kumuunuhu u fidiyo. Dadka cusub wadanka ku soo biiray kaalmada ceyrtu ma khuseyso seddaxda sano ee hore ee ay ka tirsan yihiin sharciga qalabixinta*.
Kaasada shaqa-la’aanta (Arbejdsløshedskasse)
Kaasada shaqa-la’aanta ama a-kasse waa urur biribaati ah oo shaqaale mushaar u soo xaadiro ama ganacsato madax bannaan ay leeyihiin, kaasoo hadafkiisu yahay inuu xubnaha u ballan qaado kaalma dhaqaale, haddii ay shaqa la’aan noqdaan. A-kassayaashu aad ayey ugu xiran yihiin ururrada shaqaalaha, laakiin qofku a-kaase xubin waa ka noqon karaa asigoo aan urur shaqaale xubin ka aheyn.
La qabsiga iskuulka (Indskoling)
Xiliga laga billaabo ilmuhu fasalka xanaanada caruurta bilaabaan ilaa iyo fasalka labaad waxaa loogu yeeraa muddada la qabsiga. Muddadaas iskuulka iyo macallimiintuba howl dheeraada aya qabtaan oo la xiriirta sidii ardadu ula qabsan lahaayeen bii’adda iskuulka. Hadafkuna waa in arday kasta la xoojiyo horukaciisa xagga aqoonta, maadada oo ku fiicanyahay, kor dhaqdhaqaaqiisa jismiyeedka, iyo bulsho hormareedka.
Lacagta soo-dhoweynta (Introduktionsydelse)
Lacagta soo-dhoweynta waa lacag kumuunayaashu ay siiyaan dadka cusub oo ku soo biiray mujtamaca deeenishka oo lagu xusay sharciga qalabixintu*, iyo kuwaasoo aan isdebberi karin ama cid kalena aysan biilin.
Liistada wadanigeedka ama dadweynaha (Borgerliste)
Liistada dadweynuhu waa liisto ka kooban murashaxiin aan xisbi ka socon ee doorashada dowladaha hoose. Liistooyinka dadweynaha waxaa loo aasaasaa si loo hirgeliyo dana maxalliya oo khaasa, kuwaasoo aan xisbiyada siyaasaddu aysan ku howlaneyn.
Masuuliyadda waalidnimada (Forældremyndighed)
Masuuliyadda waalidnimadu waa waajibka waalidiinta iney carruurtooda xanaaneystaan ama ka warqabaan, iyo ay qaadaan go’aamo la xiriira arrimaha xaaladeed ee ilmaha ayagoo fiirinaayo wixii ilmaha u roon. Waalidiinta isqaba, masuuliyadda waalidnimadu si toosa ayey uga wada dhexeeysaa. Haddii waalidiintu aysan isqabin, hooyada ayaa masuuliyadda waalidnimada iska leh, haddii aysan waalidiintu wax kale ku heshiin. Haddii waalidiintu kala tageen ama isfureen, waa laga wada hadlaa cidda masuuliyadda waalidnimada qaadaneysa. Waalidiintu waxay isla go’aansan karaan in masuuliyadda waalidnimadu ka wada wadaagaan.
Maxkamadda degmada (Byret)
Maxkamadda degmada waa maxkadda koowaad ee nidaamka maxkamadaha deenishka. Waxaana halkaa lugu qaadaa kiisaska madaniga ah iyo dacwooyinka ciqaabta intooda badan.
Maxkamadda dhaxalka (Skifteretten)
Maxkamadda dhaxalku waa waax kamida ah maxkamadda degmada*. Waxay qabataa howlaha la xiriira hantida laga dhinto, hantida shirkadaha khasaara iyo arrimaha ku saabsan kala qeybinta hantida qoysku marka ay isfuraan.
Maxkamadda gobolka (Landsret)
Danmark waxay leedahay laba maxkamad goboleed: Østre landsret oo ku taalla Kobanheegan iyo Vestre landsret oo ku taalla Viborg. Maxkamaduhu gobalada waxay qaadaan dacwooyinka maxkamadeed eee go’aamiyay heyadaha dowliga ah, kiisaska ciqaabta, halkaas oo jiro shaki in fal dembiyeed culus la geystay, iyo go’aan maxkamadda degmadu ay gaartay, lakinse maxkamadda gobalka abbiil laga qaatay.
Midnimada Qaranka (Rigsfællesskab)
Dhaqaalaha, sharciga iyo luqadda wada wadaagooda, waa waxa isku wada xirayaayo Danmark, Feeyro aaylaandi, iyo Greenland ee ka dhigaya hal dal oo wada hoos yimaada dastuurka deenishka. Feeyro aaylaandi, iyo Greenland waxay sameystiin ismaamul hoosaad madax bannaan oo hoos yimaadaan midnimada qaranka.
Midowga Yurub (EU)
Midowga yurub ilaa 1993 waxaa lugu magacaabi jiray EF, isu-tagga yurub. Iskaashigu si tartiiba ayuu usii kobcay laga billaabo markii lixda dal ay saxiixeen heshiiskii Rom 1957. Danmark waxay doorasho guud* kadib EF xubin ka noqotay 1972. EU waxay hadda ka kooban tahay 15 dal oo yurub ah. Waxayna kala yihiin marka laga reebo Danmark: Beljinka, Ingiriiska og Waqooyiga Aayrishka, Finland, Faransiiska, Gariiga, Holandeyska, Aayrishka, Talyaaniga, Luxemburg, Bortigal, Isbaanya, Iswiidan, Jarmalka iyo Aawstiriya.
Maamulka xafiis madaxeedka ee guryaha mulki loo leeyahay (Ejendommens administration)
Shaqaalha xafiiska maamulka ayagoo ka socoda ama danaynaayo dadka guryaha mulki u leh dantooda bey maamulaan guryaha. Waxay shaqaalahaaso diyarinaayaan shahaadaha heshiiska guriga, qabashada lacagta kirada, shaqaleenta shaqaalaha guryaha xaafadaha iyo xiriinta dadka kirada ugu jira guryah dhinaca maamul su’aaleed.
Nidaamka waxbixinta Schengen (Schengeninformationssystemet)
Arrinta iskaashiga Schengen* udub dhexaadka u ahi waa sameynta shabakad elektaroonik ah, oo dhamaan xafiisyada booliska iyo qunsuliyadaha dalalka Schengen xubnaha ka ahi uga qaataan waxbixinnada ku saabsan dadka, alaabada iyo gawaarida la raadinayo.
Qeybta nasashada dumarka dhalay ee isbitaalka (Barselsgang)
Qeybta nasashada dumarka dhalay waa qeyb ka tirsan isbitaalka, halkaasoo dumarka iyo ilmahooda la seexiyo dhalidda kadib.
Shati ama Leysin (Licens)
Leysin waa canshuurta laga qaado isticmaalaha, leysinka raadiyaha iyo televishinka, marka uu qofka TV ama raadiyo heysto. Waxaana loo bixiyaa si aad xaq u hesho barnaamijyada. Dakhliga ka soo galo leysinak waxaa lugu qarash gareeyaa idaacadaha Danmarks Radio - tv iyo raadiyo intaba - iyo TV2, oo dhamaantood qabta waxa loogu yeero waajib adeeg guud*. Dakhliga leysinka waxaa si isu dheelli tiran loogu qeybiyaa DR iyo TV2, taasoo wasaaradda dhaqanku soo qorsheyso.
Shirkadda guryaha dadweynaha (Alment Boligselskab)
Shirkadda guryaha dadweynaha waa urur aan faa’iido doon aheyn, wuxuuna qabtaa arrima badan oo arrima bulsheed ee guryaha la xiriira. Hadafka ugu muhiimsa ee shirkadda guryaha dadweynuhu waa dhisidda, kireynta, maamulka, dayactirka iyo casriyeenta guryo dowladdu saaciddo. Daboolidda baahida guryaha sooshalka waxaa kamida in kumuunayaashu ilaa heer dadka liita u fidiyaan guryaha dadweynaha.
Qof kasta oo 15 sano u buuxsantay waxay isku qori karaan liiska guri sugidda ee shirkadda guryaha ayagoo bixinaya qarash yar sanadkii, waxaana la siinayaa guri marka safku ku yimaado.
Shuruucda ajaanibta (Udlændingeloven)
Shuruucda ajaanibta waxaa kamida sharciya ku saabsan soo gelidda iyo joogidda ajaanibta ee Danmark, oo ay kamid yihiin sharciyada la xiriira fiisaha, iqaamadda shaqada iyo joogitaanka iyo masaafurinta.
Shuruucda qalabixinta (Integrationslov)
Baarlamaanku wuxuu 1999 ansixiyey "shuruucda xaga qalabixinta ee ajaanibta Danmark", waxaana loo yaqaan sharciga qalabxinta. Ujeeddada ugu weyn ee sharciga qalabxintu waa inuu qeyb ka qaato sidii qaxootiga iyo ajaanibta cusub loo siin lahaa fursad la mida tan umadda kale ee noolosha bulshadeed ee xagga siyaasadda, dhaqaalaha, shaqa ahaan, arrimaha bulshada, diinta iyo dhaqanka. Waxaa intaas hadafku u sii dheer in dadka cusubi dhakhsi ugu guuleystaan iney isdebberaan, iyo qof kastaana u gaari lahaa fahmidda dhaqamada iyo caadooyinka aasaasiga ah ee bulshada deenishka. Sharcigu wuxuu kumuunayaasha qasab uga dhigayaa iney qaxootiga meel dejiyaan, kuna dadaalaan iney dhamaan qaxootiga iyo ajaanibta cusub u fidiyaan barnaamij soo dhoweyneed. Dhamaan dadka sharciga qalabixintu khuseeyo waxaa loo fidinayaa kooras la xiriira fahmidda bulshada iyo barashada afka deenishka. Haddii aan qofka si kale loo biilin, barnaamijka soo dhoweynta waxaa sidoo kale kamida in loo fidiyo tababar* ku wajahan shaqo iyo waxbarasho, iyo in la siiyo ceyrta soo dhoweynta*.
Ururka degganayaasha (Beboerforening)
Waa urur degganayaasha guryaha shirkaddu ay sameysteen. Ururku danaha degganayaasha ayuu uga masuul yahay xagga kireeyaha.
Ururka milkilayaasha dhulka (Grundejerforening)
Waa urur biribaati ah ay asaaseen dadka dhulka leh kunna yaalla gurya xafadeed, wuxuuna ka shaqeeyaa su’aalha danaha guud - tusaale ahaan dayactirka marshabiyeediga ama jidka dadka maraan ee wadada iyo haddii ay jiraan tashiilaad kawada dhexeeya ey wada isticmalaan.
Wacyi gelinta dadweynaha (Folkeoplysning)
Wacyi gelinta dadweynaha waa waxbarid iyo wacyi gelin dadka waaweyn loogu talgalay oo ku saabsan mowduucyo caadiya oo aan loogu talagelin in shaqo lugu helo Gaar ahaanna urur wacyi gelineed, dugsi sare ee dadweynaha, maktabadaha iyo dhaqanimo, kaniisadeed ama urur siyaasadeed ayaa wacyi gelinta dadweynaha soo qabanqaabiya. Eeg sidoo kale iskuulka habeenkii*.
Wakiilashada Dimoqoraadiyeed loo dhan yahay (Repræsentativt demokrati)
Dimoqoraadiyad loo dhan yahay waa qaab maamul, halkaasoo dadku dooranayaan xubnaha ey heyad wakiillo. Wakiilayaasha dimoqoraadiyeed loo dhan yahay waxay ka kooban yahiin baarlamaanka*, gobollada * (maamul goboleedyada) iyo degmooyinka (degmooyinka waaweyn).*
Wakiilka amaanka (Sikkerhedsrepræsentant)
Wakiilka amaanka waxaa iska dhex doorta shaqaalaha goobta shaqada ka wada shaqaya ee goobtooda shaqada si uu shaqaalaha ugaga wakiil noqdo shaqabixiyaha arrimaha la xiriira amaanka iyo caafimaadka goobta shaqada. Wakiilka amaanka waxaa la doortaa muddo labbo sanno ah sida wakiilka shaqaalaha* oo kale., waana inuu soo maraa waxbarasho gaara.
Wakiilka shaqaalaha (Tillidsrepræsentant)
Wakiilka shaqaalaha waxaa iska dhex doorta shaqaalaha goobta shaqada muddo laba sano ah. Wakiilka shaqaaluhu wuxuu danaha shaqaalaha uga masuul yahay xagga shaqabixiyaha. Sidoo kale wakiilka shaqaaluhu waa wakiilka ururkiisa uga masuulka ah goobta shaqada.
Waaxda dhaawacyada shaqada (Arbejdsskadestyrelsen)
Waaxda dhaawacyada shaqada waa heyad dowliya oo hoos tagta wasaaradda arrimaha bulshada. Shaqadeeduna waa maamulidda sharciyada dhaawacyada shaqada, kuwaasoo dhigaya go’aama la xiriira jaanisyada magdhawga marka qofku shaqada ku dhaawacmo.
Waaxda Kormeerka shaqada (Arbejdstilsynet)
Waaxda Kormeerka shaqada waa heyad dowliya, oo Shaqadeeduna tahay ka qeyb qaadashada abuuridda shaqo amaan iyo caafimaad leh, iyo in hormariyaan goob shaqo oo bii’adeedu sii wanaagsanaaneyso. Taaso waxey u suuro galeysa aygoo ilaha ku haayo shirkadaha shaqada loo tago, iyo diyaarinta shuruucda iyo daabacaadda waxbixin ku saabsan bii’ada shaqada. Waaxda Kormeerka shaqadu waxay xafiisya ku leedahay gobollada oo dhan iyo degmooyinka Kobenheegan iyo Frederiksberg.
Xabska aan xad laheyn (Varetægtsfængsling)
Xabsiga aan xadka laheyn waa khiyaar ka qaadidda qofka lugu shakisanyahay inuu dembi ciqaab keenaya galay.
Xafiiska dowladeed ee maamulka gobolka (Statsamt)
Xafiisyada dowladeed ee maamulka gobaladu gobolladu waa heyada dowladda u metelaya gobollada, iyo waxayna baaxadeeda daboosha isla nawaaxiga gobolka laga xukumo. Waxaa jira 14 xafiisyo maamulo goboleedyo iyo xafiiska maamul goboleedka Kobanheegan*, kaasoo ilaa heer qabta howsha xafiiska maamul goboleedyada. Xafiisyada dowladeed ee maamulka gobolka waxa maamula wakiil goboleed, waxaana shaqadooda kamida ah kala-tagga, furrinka, masuuliyadda waalidnimada iyo xaqa la joogidda carruurta. Sidoo kale wuxuu xafiiska maamul goboleedu howlo xogheyneed u qabtaa guddiyada kormeerka, kuwaasoo kormeer ku sameeya sida kumuunayaashu sharciga u dhowraan.
Xaqa ogaanshaha warbixinta lagaa hayo (Aktindsigt)
Sida uu dhigayo sharciga sir-qaris la’aanta, qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu arko qoraallada ka yaalla xafiisyada qaranka ama kuwa degmada.
Xaqa ogaanshaha warbixinta lagaa hayo xaaladaha qaarkood waa luguu diidi karaa, tusaale ahaan haddii ay la xiriirto dad kale noloshood, amaanka qaranka ama danaha dhaqaale ee qaranka.
Haddii qofku uu kiis qeyb ka yahay, wuxuu si dheeraara xaq ugu leeyahay daalacashada qoraallada kiiska.
Xeer-ilaaliyaha guud (Statsadvokat)
Xeer-ilaaliyaha guud waa dacwad kusoo oogaha qaranka ee kiisaska ciqaabta ah ee maxkamadaha gobollada*.