10. DHAQAALAHA IYO ISTICMAALKA
Hagidda dhaqaalaha gaarahaaneed
Wax badan oo hagid u baahan
Waxaa jira waxyaabo badan oo lagaa rabo in aad hagto xagga dhaqaalahaaga gaarka ah. Dhinac waxaa kusoo gala mushaar ama dakhli kale. Dhanka kalena waa in aad dhiibto kiro guri, kuleyl, koronto, raashin, dhar iyo waxyaabo kale oo badan. Sidoo kalena waa cashuur ka bixiso dakhliga aad leedahay.
Koonto ku leh bangiga
Xawilaadaha elektoroonikada ah
Weli lacaga badan oo kala duwan ayaa elektaroonik ahaan loogu xawilaa koontooyinka dadka ee bangiga. Waxay khuseysaa tusaale ahaan bixinta mushaarka, kaalmada ceyrta, lacagta carruurta iyo howlgabka. Sidaa darteed dadka intooda badan koonto bangi ayey leeyihiin.
Bixinta biilalka si otomaatig ah
Waxaad geli kartaa bangi alla kii aad doonto oo aad ka furan kartaa koonto. Haddii aad koonto bangiga ku leedahay, waxaad kula ballami kartaa in biilashaada otomaatig ahaan loo bixiyo oo toos looga goosto koontada.
Sidaa darteed waxaad sameysan kartaa koonto-miisaaniyadeed loogu talagalay oo kaliya bixinta biilasha. Iyo koonto keydsi, halkaasoo luguu saaraayo dulsaar si aada u sarreeya.
Waa in eysan dhalashada deenishka kugu xirin
Heyadaha lacagtu waa in eysan shuruud kaaga dhigin in aad leedahay dhalashada deenishka, si ey lacag kuu amaahiyaan. Dukaamadu waa in eysan shuruud kaaga dhigin in aad leedahay dhalashada deenishka, si aad wax uga kireysato ama aad amaah uga iibsato. Laakiin waxay kugu xiri karaan in aad leedahay dakhli joogto ah iyo in aad adarees ku leedahay Danmark.
Kaar lacag bixin
Dankort (kaar dukaamada wax looga iibsado)
Haddii bangigu u arko in dhaqaalahaagu gaaro, waxaad heli kartaa Dankort*. Waxaadna u adeegsan kartaa in aad wax uga gadatid ganacsiyada intooda ugu badan. Sidoo kalena waa bangiga cidda qiimeyneysa in lugu siiyo kaarka amaahda.
Kaarka amaahda iyo koontada
Ganacsiyo badan ayaa leh nidaam koontooyin. Ganacsiga oo kaliya ayaana qiimeynaya, in luguu sameeyn karo kaar koonto oo aad koonto ku ag yeelato.
Amaahda iyo deynta bangiga
Shardi ku saabsan dhaqaale macquul ah
Bangiyada intooda badan way daneynayaan iney amaah iyo deymo u fidiyaan macaamishooda. Waxayse u baahan tahay, in aad leedahay dakhli ilaa heer joogto ah iyo dhaqaale macquula.
Amaah furan
Haddii aad madax bannaan tahay oo aad leedahay dakhli aan isdaba joog aheyn, deynta furan ayaa kugu haboon in aad leedahay. Deynta furani waa heshiis xaq kuu siinaya in aad lacag kala baxdo koonto aasaasiya. Waa in aad ka feejignaato oo kaliya in dulsaarka amaahda furani uu sarreeyo, iyo in amaahda furan ay shardi u tahay, in bangigu qiimeynayo in dhaqaalahaagu ka bixi karo.
Baar fursadaha
Qiimaha sameynta amaahda bangiyadu waa ku kala duwan yihiin. Badnaanta dulsaarkuna waxay ku xiran tahay nooca amaahda aad qaadaneyso. Sidaa darteed waxaa haboon in aad iska baarto halka ugu jaban ee aad amaahda ka heli karto.
Talabixin dhaqaale
Si fiican isaga hubso
Bangiyada intooda badan waxaad ka heli kartaa iney kuu fidiyaan talabixin la xiriirta dhaqaalahaaga. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa in la qorsheeyo miisaaniyad - ama laysu fiiriryo fursado amaaheed oo kala duwan. Inta aadan gelin tusaale ahaan amaah farabadan, waa in aad sidoo kale si qota dheer arrinta uga baaraan degtaa.
Maahan talabixin madax bannaan
Inkastoo bangigu sida caadiga ah ku siinayo talo wanaagsan oo dhab ah, haddana waa in aad xusuusnaataa inuusan aheyn talabixiye madax bannaan - waana shirkad ganacsiya oo gaar ahaaneed.
Xisaabiye loogu talagalay howsha adag
Haddii aad leedahay dhaqaale culus, sida tusaale ahaan in ganacsi kuu furan yahay, waa in aad xisaabiye la xiriirto.
Kireysashada iyo amaah ku iibsashada
Ganacsiyo badan ayaa macaamisha u fidiya iney kireystaan gaar ahaan alaabta qaaliga ah. Waxay noqon kartaa tusaale ahaan firinjiteerrada, qaboojiyaasha, televishinka iyo video.
Amaah ku iibsasho
Qaar kale waxay kuu fidinayaan in aad alaabta deyn ku iibsato. Caadi ahaanna waxaad lacagta ku amaahaneysaa dulsaar go’an. Mararkaana waa in aad ku baraarugsanaato, in inta badan uu dulsaarku aad u sarreeyo. Isla markaana waa in aad bixisaa qarashka adeegga, marka aad amaahda furaneyso.
Kontaraadda si qota dheer u akhri
Marka aad kireysaneyso ama aad deyn ku gadaneyso ilaa xad lacaga, waa in aad saxiixdaa heshiis qeexaya shuruuudaha. Waana muhiim in aad iska akhriso - ama luguu sharxo - heshiiska si qota dheer. Haddii kale waxaad halis u tahay in aad la kulanto waxyaabo kaa nixiya.
Haddii kontaraadda la jebiyo
Haddii qofku uusan bixin dulsaarka iyo raatada amaahdiisa, waxaa dhici karta in loo diiwaan geliyo inuu yahay qof aan deynta iska bixin. Markaana wax lagaa kireyn maayo amaahna wax kuma iibsan kareysid mar kale - ha ahaato dukaanka aad deynta ka qabtay ama meela kale. Qofku haddii uu dalka ka tago isagoo aan amaahda weli iska bixin, waxaa lacagtaa looga heli karaa ayadoo loo adeegsanaayo shirkado maxalliya oo lacagta kasoo uruuriya halka uu qofku degay, kuwaasoo shirkadaha deenishka ay isla shaqeeyaan.
Ceymisyada
Ceymisyo gaar ahaaneed
Naftaada iyo qoyskaaga waad difaaci kartaa adigoo kaashana ceymis gaar ahaaneed.
Haddii tusaale ahaan lugu xado, haddii hantidaada dhaawac gaaro, ama aad shil gasho, oo markaa aad shaqeysan kareyn - markaa waxaad heli kareysaa magdhaw u dhigma khasaaraha, haddii aad ceymis ku jirto.
Kan ugu muhiimsani waa ceymiska masuuliyadda. Wuxuuna daboolaya dhaawacyada aad u geysato dad kale ama hanti.
Doorasho adag
Waxaa jira shirkado ceymis oo badan iyo noocya badan oo ceymis ah. Waana kuwa sida ceymisyada nafta iyo shilalka iyo masuuliyadda, ceymisyada qoyska, jirrada iyo baabuurta.
Shirkaduhu waxay leeyihiin qiimo iyo shuruudo kala duwan, taasoo noqon karta wax aan la fahmi karin. Mana ahan mar walba, in tusaale ahaan ceymiska ugu qaalisani uu yahay kan ugu fiican.
Waa in aad ka fekerto tusaale ahaan noocyada adeega ceymiska ee aad u baahan tahay, xadiga uu daboolayaa inta uu la ekaanaayo iyo qarashka khasaaraha ee aad adigu iska bixineyso inta uu la ekaanaayo.
Ceymisyo sharcigu waajib kaaga dhigayo
Ceymisyada qaar waxaa kugu waajiba in aad leedahay. Waa in aad leedahay ceymiska dabka, haddii aad dhismo guri leedahay. Waana in aad ku jirto ceymiska masuuliyadda, haddii aad leedahay ey, baabuur, mooto ama mootasheellaro. Ceymisyada masuuliyaddu waxay daboolayaan dhaawacyada dad kale ee aan adiga aheyn.
Xuquuqda isticmaalayaasha
Ka dacwoosho 24 bilood gudahooda
Isticmaale ahaan waxaad leedahay xuquuq kaa diffaaceysa in lugu khiyaano. Waxaad tusaale ahaan xaq u leedahay in lagaa beddelo ama luguu dayactiro alaabta dhaawacantay (ama jabtay) - ama aan u qalmin sidii uu gaduhu ku ballan qaaday. Waana in aad kaliya la xiriirtaa gadaha ugu dambeyn 24 bilood kadib marka aad iibsatay. Waana in aad keentaa rasiidkii. Sidoo kalena waa in aad soo caddeysaa, in aadan adigu khaladka laheyn.
Haddii aad ka noqoto
Xaq uma lihid in lagaa beddelo alaab aad ka shallayneyso, in aad iibsatay. Hase yeeshee taasi dukaamo badan ayey suuragal ka tahay. Meelaha qaar lacagtaada ayaa luguu celin karaa. Qaar kalena waxay ku siinayaan caddeyn iney lacagtaa kaa hayaan ama fursadda in aad alaabta wax kale dukaanka uga beddelato.
Caddeyn iyo calaameyn
Waxaad xaq u leedahay in luguu sheego waxyaabaha uu ka kooban yihiin cuntooyinka aad iibsaneyso, goormaa lasoo saaray, iyo goormeyse dhacayaan. Waxaa jira nidaamyo badan oo kala duwan kuna saabsan calaameynta iyo kontaroolidda cuntooyinka. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa damaanadda, in sheyga loosoo saaray qaab dabiici ah, ama in laga baaray waxyaabaha xasaasiyada keena.
Fursadaha dacwadda
Haddii ay kula tahay in dukaanku, gaduhu ama farsamayaqaanku uusan si xaqa kuula dhaqmin, marka aad ka dacwootay alaabtooda, waxaad u dacwoon kartaa guddiga dacwooyinka isticmaalayaasha ama guddi dacwadaha iyo abiillada gaarka ah. Waa in aad sida caadiga ah bixisaa curaar, marka aad dacwada soo gudbineysid. Haddii aad dacwadda ku guuleysato lacagtaada waa luguu soo celinayaa.
Nidaamka canshuuraha deenishka
Canshuuraha toosan iyo kuwa dadban iyo dugaanno
Nidaamka canshuuraha deenishku wuxuu u shaqeeyaa qaabka ah, in dhamaan dadka shakhsiga ah ey dakhligooda ka bixiyaan canshuurta qaranka, gobolka iyo kumuunaha. Dadka xubnaha ka ah kaniisadda dadweynaha waxay bixinayaan canshuurta kaniisadda, shirkaduhuna waxay bixinayaan canshuurta shirkadaha.
Canshuurta dakhliga kasokow waxaan bixinaa canshuuraha dadban oo ah qaabka moms, mar kasta oo shey ama adeeg aan iibsano. Sidoo kale waxaan canshuurta dadban ka bixinaa alaabo badan sida shidaalka, khamriga iyo tubaakada.
Inta boqolkii canshuur ahaan lagaaga jarayo iyo iska warbixinta
Haddii aad mushaar qaadato, canshuurta dakhliga si toosa ayaa dakhligaaga looga jarayaa, inta aan lugu siin.
Waa in aad sanad kasta buuxisaa foomka iska warbixinta, oo la doonayo iney ku qoran yihiin warbixin la xiriirta dakhligaaga iyo canshuur dhaafka aad leedahay intaba. Waxaa luguu soo dirayaa foomka iska warbixinta bisha janaayo/ feberaayo, waana in lasoo celiyaa ugu dambeyn 1da maajo.
Gaar ahaan dadka mushaarka qaata waxay heydaha canshuurtu hore uga haayaan warbixinno badan, waayo si toosa ayaa loo wargeliyaa.
Fursadaha canshuur dhaafka
Qarashaadka canshuur dhaafka leh waa qarashaad gooniya, oo laga jari karo aasaaska dakhliga, ee heyadaha canshuuruhu ey canshuurta ku saleeyaan.
Waana tusaale ahaan qarashka dulsaarka deynta, qarashka xubinnimadaururka shaqaalaha, ceymiska shaqa la’aanta iyo lacagta carruurta iyo mararka qaarkood qarashyada safarka ee la xiriira shaqo. Sidoo kale waxaa jira canshuur dhaaf qofku gaar u leeyahay, oo aan ku xirneyn wax qarasha oo gooniya.
Sidoo kalena marka laga hadlaayo qarashaadka canshuur dhaafka leh, waaxda canshuuruhu inta badan hore ayey warbixinta u heystaan. Waxaase dad badan laga rabaa, iney ayagu ka taxaderaan, iney soo sheegaan qarashaadkooda canshuur dhaafka muteystay.
Badnaanshaha canshuurta
Meeqa ayuu qofku canshuur u bixinayaa waxay ku xiran tahay inta dakhliga iyo hantidu la egtahay iyo fursadaha canshuur dhaafka. Waxaana intaa sii dheer, in inta boqolkiiba canshuur ahaan loo bixinayo waa kala tahay kumuune ilaa kumuune iyo gobol ilaa gobol.
Inta boqolkiiba canshuur lagaaga jarayo waxay la kordheysaa dhakhliga
Nidaamka cashuurtu waa sii kordhaa. Taasoo macnaheedu yahay, in markii dakhligaagu sii kordhaba, waxaa sii kordhaya inta aad boqolkiiba canshuur u dhiibeysid. Hadafkuna waa in garbaha ugu ballaarani ey qaadaan culeyska qeybta ugu culus.
Maalgelinta bulshada daryeelka leh
Udub dhexaadka nidaamka daryeelka deenishku waa, in qof kasta oo awoodaa uu debberaa naftiisa iyo qoyskiisa - oo sidoo kalena midnimada gacan u fidiyaa isagoo adeegsanaya nidaamka canshuurta.
Ujeeddada canshuuraha waxaa kamida lahaanshaha heer adeeg, oo muwaadiniinta oo dhan u ballan qaadi kara xayaata macquula - ayadoo aan loo eegin iney heystaan in yar ama lacag badan.
Canshuuraha waxaa tusaale ahaan loo adeegsadaa waaxda caafimaadka, waxbarashada iyo cilmi baarista, dhismaha jidad iyo khadadka tareennada, ciidamada, dadaalka bii’ad wanaagsan, iyo sidoo kale lacagaha sooshalka sida lacagta howl gabnimada, lacagta ceyrta iyo kaalmada gaarka ah ee dadka siyaaba kala duwan aan isu debberi karin.