Bogga hore

14. Dhowr warfaafuno oo muhiim ah

Alarm

Wax dhhaawac ah oo isla markiiba kugu dhaco iyo xaalada naftaada halse ama qatar u ah ku soo food saaraan sida shilalka, dabka, weerar iyo xanuun daran oo markiiba kugu dhaco: Wac 112.



Bangiyada

Bangiyadu waxay caadi ahaan furan yihiin 10ka subaxsnimo ilaa 16 galabnimo maalmaha isniinta, talaadada, arbacada iyo jimcaha. Intooda badan khamiista waqti dheeraada ayey furan yihiin, taaso ah laga billaabo 10ka subaxnimo ilaa 17.30 ama 18 galabnimo. Bangiyo badan waxay leeyihiin mashiinada lacagta lagala baxo, oo suuragal tahay in aad Dankortiga* ama kaarka deynta lacagta ugala bixi karto.

Boostada

Kiyosadda qaarkood ayaa gada tikidhada boostada, lakin amaba tikidhada boostada waxaa lugu gadaa xafiis boosto ee kasta. Howsha xafiisyada boostadu waa geynta iyo keenidda waraaqaha, baakadaha iyo bixinta lacagaha ee wadanka gudahiisa iyo dibeddiisaba. Sidoo kale waxaad ku dhiibi kartaa wargelinta la xiriirta beddelidda adareeska, wuxuuna xafiiska boostada maxaalliga ah ka heli kartaa galka guuritaanka. Sidoo kale waxaad xafiiska boostada ka dalban kartaa tikidhada masraxiyadaha, riwaayadaha iyo abaabullada isboortiga.

Xafiisyada boostada Maxalliga ah waxay furan yihiin waqtiya kala duwan, laakiin intooda badan waxay furan yihiin maalmaha shaqada inta u dhexeysa 9.30 iyo 17 galabnimo. Khamiistana ilaa 17.30. Sabtidana ilaa 13 duhurnimo. Bogga www.postdanmark.dk ayaad ka akhrisa kartaa dhamaan waqtiyada xafiisyada boostadu eey furan yihiin.

Waraaqaha ku socda dalka iyo dibeddaba waa in lugu ridaa sanduuqyada guduudan ee boostada, ee ku yaalla guryo xaafadeedka oo dhan. Sanduuqyada boostada waxaa ka arki kartaa ,goorta waraaqaha laga bixinayo.

Dukaamada

Dukaamada oo dhan afar iyo labaatan saac wey furnaan karaan laga bilaabo isniinta 6da subaxnimo ilaa sabtida 17 galabnimo. Sidoo kale waxay furnaan karaan 4 axadood sanadkiiba. Dukaamada yar yar ee gaar ahaan iibiya raashinka, cabitaanka iyo alaab maalmeedyada kale axad kasta waa furnaan karaan.

Guud ahaan dukaamada yar yar sida kuwa dharka waxay furan yihiin isniinta ilaa khamiista inta u dhexeysa 10ka subaxnimo iyo 18ka galabnimo. Jimcaha waqti dheeraada ayey furan yihiind iyo sabtidana waqti hore ayaa la xiraa. Subermaarkiyada weeweyn oo badan iyo dukaamada weeweyn ee alaabada waxay furan yihiin inta u dhexeysa 8da ama 9ka subaxnimo ilaa iyo 20ka ama 21ka habeenimo.

Farmashiyaasha

Farmashiyaasha waxaad xilliga maalinimadii daawooyinka ku iibsan kartaa waraaq dhakhtar iyo waraaq la’aan intaba, taasoo caadi ahaan ah inta u dhexeysa 9ka subaxnimo iyo 17.30 galabnimo maalin waliba, oo aysan sabtidu ku jirin, ayago badankooda la xiro 13ka ama 14ka duhurnimo. Intaas wax sii dheer waxaa jira dukaamo daawada waraaq la’aanta ah lugu gado saacadaha dukaamadu furan yihiin, iyo kuwaasoo inta waraaqaha daawada kaa qaada farmashiyaha kaaga dalbaya. Supermarkadyo badan qaarkood iyo maxadooyinka shidaalkuba waxay gadaan noocya kala duwan oo kamida daawooyinka aan waraaq dhakhtar loo baahneyn sida tusaale ahaan daawooyinka xanuunka joojiya iyo dawooyinka qunfaca.

Farmashiyaashu waxay kaltan u galaan furitaanka farmashiyha ee maalintii iyo habeenkiiba furan. Kuwa farmashiyaasha heeganka leh eemaalintii iyo habeenhiiba furan, waxaad ka ogaan kartaa haddii aad wacdo kan kuugu dhow ama bogga internetka ee ah www.sundhed.dk.

Waxaad bixineysa lacag dheeraad markii aad daawo iibsaneyso waqti ka baxsan xilliyada furitaanka caadiga ah.

Gaadiidka dadweynaha

Danmark waxay sameeysatay qaab isku dibaridan ee jiheenta gaadiidks dadweynaha, oo loogu talagaya labbada dinac ee dalka dhamaantiisa iyo maxaaligaba ah. Waxaa suuragala in aad iibsatid kaarka bisha iyo kaar lacag lagaa dhimayo oo lugu raaco basaska iyo tareennada. Weydii isteeshinnada tareenka, isteeshinnada basaska ama kumuunaha, haddii aad warbixin dheeraada dooneysid, ama eeg bogga www.rejseplanen.dk.

Maktabadaha

Kumuunayaasha oo dhami waxay leeyihiin maktabado, oo lacag la’aan looga amaahdo buugaagta, CD-yada, Videofilimada, iyo waxa suurgal ah in ay internet leey yihiin. Intooda badan maktabadaha guud waxay furan yihiin inta u dhexeysa 10 subaxnimo iyo 19 habeenimo maalin walbo, inkastoo ay sabtida furan yihiin oo kaliya inta u dhexeysa 10 subaxnimo iyo 13 ama 14 duhurnimo. Maktabaduhu waxay leeyihiin faracyo, oo caadi ahaan waqtiga ay furan yihiin uu gaaban yahay. Kumuunahaaga weydii.

Matxafyada

Waxaa jira ilaa 300 matxaf oo kala duwan ayaa dalka ku kala yaalla. Kala barkood qaranka ayaa leh ama dowlada ayaa kabid dhaqaale u fidisa. gelitaankooda lacag aya la baxsha intooda badan, qaar badan ayaase carruurta lacag la’aan u ah, iyo matxafyada qaranka qaarkood, sida muusiyamka qaranka iyo muusiyamka qaranka ee farshaaxanka, waxaa lacag la’aan lugu galaa arbacada.

Telefoon

Bokosyadda telefoonada waxay ku yaallaan meela fara badan. Halkaa ayaadna ka isticmaali kartaa adigoo lacag ku ridaya ama gelinaya kaarka khaaska ah ee lacagta, oo lugu gado kiyosadda iyo supermaarkayada.

Maxaali nawaxiid kasto dhan waxay leedahay buug telefoonada oo maaxili ah, oo loo qaybiyo guryaha oo dhan ee boostadooda loogu ridayo. Waxaana ku qoran ka sokow lambarrada telefoonada warbixinno wax ku ool ah oo tiro badan lana xiriira kumuunaha, dhakhtarka heeganka, booliska, ururrada, matxafyada, maabka nawaaxiga iyo "bogagga jaallaha ah" (de gule sider) oo la xiriira warbixinno ganacsiyeed ee nawaaxiga.

Waxaa lambarrada telefoonada waxaad ka heli kartaa "Oplysningen" oo lambarkiisu yahay 118 ama bogga www.tele.dk. Halkaan warbixin dheeraada ayaad ka heli kartaa.

Xafiisyada heyadaha qaranka

Intooda badan xafiisyada dowladda waxay qabaan waqtiyo telefoon lugula xiriiro iyo waqtiyo loo tago. Qaar badan ayaa khamiista waqti dheeraada furan jimcahana waqti hore ayaa la xiraa. Heyadaha dowliga badankooda, sida kumuunayaasha, gobollada iyo wasaaradaha, waxay leeyihiin bogag internet oo leh warbixin iyo waxaa jira fursado aad kaligaa ku adeego karto adigo qofna ku wahelinin. Haddii aad warbixin dheeraada dooneysid, weydiiso kumuunahaaga ama eeg www.danmark.dk.





Casriyeenta ugu dambeeyey: 6/30/2549
Waxaa daabacay: The Ministry of Refugee, Immigration and Integration Affairs
Lamaanayaasha halka laga galo Wasaaradda Qaxootida, Laanta Socdaalka iyo Arrimaha Is-dhexgalka - Laanta Socdaalka Daanishka