Bogga hore

11. DHAQANKA IYO WAQTIGA FIRAAQADA



Fursado qani ahAudio

Danmark waxay leedahay dhaqan iyo nolol fasaxeed gani ah, taasoo ka dhalata tusaale ahaan caadooyinka dalka ee taariikhiga ah ee xagga wacyigelinta dadweynaha* iyo nolol urureedka iyo xorriyadda xagga fekerka iyo hadalka si xor ah.

Dhaqanku wax kasta ayuu noqdaa

Nolol dhaqameedku wuxuu ka kooban yahay tusaale ahaan noocyada farshaxanka abuuritaanka ah, saxaafadda iyo meediyada aasaasigaa, ka qeybgalka degganayaasha ee xagga afkaarta iyo diinta iyo caadooyinka nolol maalmeedka.

Fursado farabadan iyo ka qeybgal sarreeya

Dad badan waxay xubin ka yihiin ururro (guud) ama ururro dano gaara, aadaan cayaaro ama qaataan duruus xilliga fasaxa, aadaan safarro lasoo qabqaabiyey ama dhigtaan dugsiga sare*.

Fursado kalena waa tiyaatar, shineemo, booqashada matxafka iyo bandhig farshaxan, khudbado iyo maktabado. Qaar kamida xarakaadyadu lacag badan ayey joogaan, laakiin dadka shaqa la’aanta ah, waayeellada iyo ardadu waxay mararka qaarkood heli karaan qiima dhaaf.

Magaalooyinka waaweyn intooda badan waxay leeyihiin xafiisyo dalxiis, halkaasoo uu qofku ka heli karo warbixin la xiriirta bandhigga farshaxanka iyo dhaqanka ee nawaaxigaa. Wuxuu qofku sidoo kale warbixinnada sidaa oo kale ah ka heli karaa maktabadda ama joornaallada, magasiinada iyo internetka.

Qeyb kamida nolosha dhaqanku sidoo kale waa caadooyinka iyo dabeecadaha isku xiraya saaxiibtinimada, isu imaatinnada, xafladaha iyo maalmaha dhalashada.

Xorriyadda fekerka iyo hadalkaAudio

Saxaafadda iyo doodda dadweynaha

Qeyb muhiima oo kamida dimoqoraadiyadda

Xornimada fekerka iyo u hadlidda si xor ah waa qeyb muhiima oo kamida dimoqoraadiyadda. Waxaana kamida sida ey kusoo banbaxdo saxaafadda xorta ah iyo doodda dadweynaha.

Sidoo kale warbaahinno ku jeeda umadaha ajaanibta ah

Danmark waxaa howl maalmeedka saameeya idaacado tv iyo raadiyo kala duwan oo fara badan, wargeysyo iyo joornaallo iyo isgaarsiinta sii kordheysa ee internetka. Marba marka kasii dambeeya waxaa sidoo kale jira qeyb kamida saxaafaddaa oo si gaara ugu wajahan dadka ajaanibta ah.

Sawirka warbaahineed ee ballaaran

Qeyb weyn oo kamida dunida saxaafaddu waa maaweelo aan la barxin. Hase yeeshee doodaha xagga dhaqanka, siyaasadda iyo bulshada inteeda kale ayaa dowr muuqda ka qaata sawirka saxaafadda. Doodaha xorta ahina waxay ka qeyb qaataan in diiradda lasaaro dhibaatooyinka qiimaha u leh bulshada iyo xalkooda intaba.

Danmark iyo ururrada

Danmark waxay kamid tahay dalalka adduunka ee dadweynahoodu leeyihiin cadadka xubinnimo urur ee ugu sarreeya. 73% ayaa xubin ka ah ugu yaraan laba urur. Haddii deggane cusub ahaan aad dooneysid in aad dad cusub barato, ka qeyb qaadashada xarakaadyada ururrada ayaa noqon kara jid wanaagsan. 

Xaduudaha u yaalla warbaahinta xorta ah

Waxaan leenahay saxaafad xor ah, oo aan soo marin wax jensuuro ah. Hase yeeshee wada jira waxyaabo aan la ogoleyn in la shaaciyo.

Tusaale ahaan saxaafaddu waa in eysan kashifin asraarta qaranka, geysan wax aflagaddo ah ama eysan faafin aragtiyo meel kadhac, midab kala sooc ama takoorid ah.

Macnuhuse dabcan maahan, in aragtiyada noocaasa eysan la tacaalin saxaafaddu. Waase kaliya iney ula tacaasho qaab waaqici ah ama iney abuurto dood.

Bixinta canshuurta idaacadaha (licens)

Danmarks Radio iyo TV2 waa idaacado adeeg guuda*. Waxaana waajib ku ah iney soo daayaan kala doorasho ballaaran ee barnaamijyo raadiyo iyo TV ah oo dadweynaha qeybihiisa kala duwani ay daneeyaan.

Aasaaska idaacadaha adeegga guud ah waxaa kamida in canshuurta raadiyaha iyo TV-ga, oo sidoo kale loo yaqaan licens*, oo qof kasta oo raadiyo ama tv heysta laga doonayo in uu bixiyo sanadkii laba jeer. Baarlamaanka ayaana xadida cadadka canshuurtaa.

Diiwaan gelinta bixinta canshuurtaa waxaa sameeya dukaanka, marka qofku iibsado TV ama raadiyo cusub. Wuxuu qofku sidoo kale si toosa ula xiriiri karaa xafiiska canshuurta ee Danmarks Radio.

Gudashada arrimaha diinta ee DanmarkAudio

Cid kastaa si xoriyad ah diinteeda waa ugu dhaqmi kartaa

"Muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin iney isku uruursadaan bulshada dhexdeeda si ey Ilaahey ugu caabudaan qaabka mabaadi’dooda waafaqsan", ayuu leeyahay dastuurka deenishku.

Danmark dhamaan dadku haddaba waxay si xora ugu cibaadeysan karaan diinta ey doonayaan. Waxaa jira oo sidoo kale lugu cibaadeystaa aragtiyo diineed oo badan kalana duwan - sida dad badanina ay u yihiin cawaan oo eysan u aaminsaneyn wax ilaah la yiraahdo.

Kaniisadda dadweynaha deenishka

Sida uu dhigayo dastuurku kaniisadda evangelish lutherka* ayaa ah Kaniisadda Dadweynaha Deenishka*, qarankuna sidaa ahaan ayuu ku gacan siiyaa. Kaniisadda dadweynuhu waxay qabataa howlo kala duwan oo faa’iido u leh bulshada guud ahaan. Waxayna khuseysaa tusaale ahaan diiwaan gelinta dhalashooyinka, magac bixinta iyo dhimashada.

Xubinnimada kaniisadda dadweynaha

Cadadka ugu badan ee shacabka Danmark - qiyaastii 85% - waxay xubin ka yihiin kaniisadda dadweynaha. Intooda badan waxay xubin noqdeen marka carruurnimadooda loogu waqlalaayo kaniisadda.

Haddii adigoo dibedda kasoo guuray aad dooneysid in aad xubin ka noqotid kaniisadda dadweynaha, waxaa jira fursadaha soo socda:

Dadka soo guuray ee sheega iney xubin ka yihiin kaniisad kale oo evangelish luther ah, oo aan aheyn kaniisadda dadweynaha, waxaa marka diiwanka dadweynaha laga diiwaan gelinayo lugu war gelinayaa, in hadda wixii ka dambeeya ey diiwaanka ugu jiri doonto iney xubin ka yihiin kaniisadda dadweynaha.

Haddii luguu waqlalay, laakiin aan luguugu waqlalin kaniisadda evangelish lutherka, waxaad fursad u leedahay in aad xubin ka noqoto kaniisadda dadweynaha adigoo la xiriirraya wadaadka kaniisadda ee halka aad guri hesho.

Haddii aan luguu waqlalin, waxaad xubin uga noqon kartaa kaniisadda dadweynaha in luguu waqlalo.

Xubnaha kaniisadda dadweynaha, ee halkaan dalka uu saaran yahay waajibka canshuur bixinta aan xadeysneyn, waa iney bixiyaan canshuurta kaniisadda. Canshuurta kaniisadda waxaa loo adeegsadaa maamulka kaniisadaha iyo qubuuraha. Kaniisadaha waxaa loo isticmaalaa alla caabididda iyo howlaha kaniisadda sida tusaale ahaan waqlasha, arooska iyo duugta.

Haddii uusan qofku dooneyn inuu xubin kasii ahaado kaniisadda dadweynaha, wuu ka bixi karaa asigoo la xiriiraya wadaadka xaafadda uu degan yahay. Haddii kabixiddu ka yar tahay lix bilood gudahood kadib taariikhdii uu diiwaanka dadweynaha galay, kabixiddu waxay ka bilaabaneysaa taariikhdaa.

Bulsho-diimeedyo kale

150 bulsho-diimeedyo oo kala duwan

Bulsho-diimeedyo kale oo badan ayaa Danmark ka jira oo aan aheyn kaniisadda dadweynaha evangelish lutherka*. Waxaa lugu qiyaasaa in 150 bulsho-diimeed oo kala duwan oo waaweyn ama yar yari ey ka jiraan Danmark.

Bulsho-diimeedyadu waxay xaq u leeyihiin iney shaqaaleystaan wadaaddo - imaamyo, rabiinyo (sheekhyada yuhuudda) ama maamulayaasha macbadyada. Bulsho-diimeedyadu waxay sidoo kale, ayadoo waafaqsan shuruucda caadigaa ee qorsheynta, xaq u leeyihiin iney dhistaan dhismayaal loo adeegsan karo gudashada cibaadada diiniga ah, waxayna ogolaasho u heli karaan iney sameystaan goob dadka lugu aaso. Bulsho-diimeedyadu waxay sidoo kale furan karaan iskuullo, waxayna daabacan karaan joornaallo.

Bulsho-diimeedyada la yaqaan lana aqoonsan yahay

Qiyaastii 90 bulsho-diimeedyo, oo ey kamid yihiin islaamka, budiisimka, hiduuska, ayaa la aqoonsan yahay ilaa heer ey wadaaddadoodu ey xaq u leeyihiin iney wax mehriyaan.

11 bulsho-diimeedyo ayaa helay aqoonsi gaara, taasoo xaq u siineysa iney sameeyaan magacbixin ama waqlal iyo sidoo kale nikaax iyo soo saaridda caddeymo la meel jooga kuwa kaniisadda dadweynaha.

Wacyigelinta dadweynaha ee DanmarkAudio

Maktabadaha dadweynaha

Maktabadda ka billaaw

Maktabaduhu waa meel wanaagsan oo laga bilaabo, marka aad dooneysid in aad ogaato waxa kasocda kumuunaha aad degan tahay.

Waa lacag la’aan in aad maktabadda adeegsato, maktabadaha intooda badanna waxay leeyihiin fursado ballaaran oo wax walba ah.

Kasokow amaahashada buugaagta, muusig iyo video waxay maktabado badani leeyihiin bandhigyo farshaxaneed, bandhigyo filimo, masrixiyadaha carruurta iyo muxaadarooyin.

Waxaad sidoo kale ka geli kartaa internetka, akhrisan kartaa wargeysyada maalintaa ama heleysaa in lagaa saacido helidda warbixin gaara ama qalab.

Qalabka afafka qalaad ku qoran

Maktabadaha waaweyn intooda badan waxay leeyihiin qof shaqaalaa loo qabtay iney dadka afka qalaad ku hadla ka saaciddo helitaanka buugaagta iyo joornaallada. Haddii eysan maktabaddu heyn qalabkaa, waxaa laga dalban karaa maktabadda ajaanibta oo qeyb ka ah maktabadaha dadweynaha, kuwaasoo leh in kabadan 140.000 oo cinwaan oo ku kala qoran qiyaastii 100 luqadood.

Maktabadda ajaanibtu waxay amaah siisaa maktabadaha kale, laakiin uma furna dadweynaha.

Duruusra xilliga fasaxa

Wax cusub baro xilliga fasaxa

Danmark waxaa caana in waqtigaaga fasaxa aad u adeegsato in aad aqoon kororsato oo ku saabsan maaddo ama eeryo gaara.

Wuxuu qofku tusaale ahaan baran karaa dhar-tolid, jilid, qoob-ka-ciyaar, muusig, heesokooxeed, edb (kumbiyuutar), raashin sameyn, luqad, filosoofiyad ama taariikh.

Dugsiyada sare

Iskuullada sare ee dadweynaha

Bartamihii 1800meeyadii ayey caadada wacyi gelinta dadweynuhu abuurantay, taasoo weli maanta saameysa bulshada deenishka, ayadoo looga jeeday, in qof kastaa helaa fursad uu wax ku barto kuna helo aqoon ku saabsan bulshada. Waxayna aheyd qeyb kamida xarakaadkaa xagga dhaqanka, in dugsiga sare dadweynaha* ee deenishka la aasaasay.

Maanta waxaa dalka oo dhan ka jira 87 dugsiyada sare ee dadweynaha oo kabid xaq u leh - oo caadi ahaan loogu yeero "dugsiya sare". Waxay soo fidiyaan koorsooyin laga bilaabo maadooyinka hal abuurka iyo isboortiga ilaa maadooyina buugaagta leh iyo warbixin bulshadeed guud.

Xarakaad-dhaqameedyada

Qofku wuxuu degan yahay kana cunteynayaa iskuulka muddada kooraska dugsiga sare qaadanayo. Waxayna noqon kartaa laga bilaabo hal asbuuc ilaa hal sano. Kasokow duruusta joogitaanku wuxuu ka kooban yahay xarakaad dhaqameedyo kala duwan - dibirteynyo, xaflado iyo habeennada muxaadarooyinka. Haddii uusan qofku dooneyn ama uusan fursad u helin inuu dugsiga sare deganaado, wuxuu qofku deganaan karaa gurigiisa asigoo noqonaya arday maalmeed.

Kasokow dugsiyada sare ee dadweynaha waxaa jira dugsiya sare oo maalinle ah. Halkaana ardada oo dhan guryahooda ayey aadaan marka duruustu dhamaato.

Iskuulka sare waa bar kulan oo wanaagsan

Iskuullada sare waa albaab wanaagsan oo laga galo bulshada deenishka. Waxay si qayaxan u biyaan dhaxaltooyada dhaqanka deenishka iyo mowduucya kale oo kala duwan. Waxayna qofka u fidiyaan qaab wanaagsan oo uu kula kulmo deenishka caadiga ah.

Iskuullada habeenkii

Gacan u fidinta dadka cusub

Ugu dambeyntiina waxaa jira dad badan oo ka qaata duruusta xilliga firaaqada mid kamida iskuullada habeenkii* ee dalka ee tirada badan. Qaar badan oo kamida iskuullada habeenkii waxay leeyihiin fidin si gaara ugu wajahan deganayaasha dhowaan yimid.

Koorsooyinku waa lacag, laakiin maadaama iskuulladu kabid ka helaan qaranka, ardadu kaligood ma bixinayaan qarashka oo dhan.

Xarakaadka ururradaAudio

Dad dano isku mida ah

Mid kamida waxyaabaha aadka calaamadda ugu ah nolosha xilliyada firaaqada ee deenishku waa dhaqanka ururrada.

Urur waa isutagga dad isku dano ah - xirfad ahaan, siyaasad ahaan, dhaqan ahaan ama si kale.

Fursado ballaaran ee dano ah

Waxaa jira ururro, organasashinno iyo naadiyo aan tiro laheyn. Ururrada ciyaaraha, ururo xisbiyeed, ururrada guryaha, ururrada farshaxanka, ururrada ajaanibta, ururro diimeed iyo ururro ey leeyihiin dad xiisado gaara leh.

Waxaa sidoo kale jira ururro u adeega danaha dadka cuuryaamiinta ah, kooxo bukaanno ah oo kala duwan, waayeellada ama qaniisiinta. Iyo ururro u shaqeeya arrimo siyaasadeed oo gaara, tusaale ahaan bii’ada ama daryeelka xayawaanaadka.

Ugu dambeyntii waxaa sidoo kale jira goobo kulan, naadiyo iyo guryo dhaqameedyo, kuwaasoo inta badan la xiriira nawaaxiga guryaha, halkaasoo dadku ey turub ku ciyaaraan, ku doodaan, ku qabsadaan danaha waqtiga firaaqada ama ey ku dhegeystaan muxaadaro.

Cid kasta ayaa urur furan karta

Cid kastaa xaq ayey u leedahay iney urur furato. Waxay u baahan tahay oo kaliya in shir la qabto - shirweynaha guud oo lugu aasaasayo - halkaasoo lugu jaangoynayo hadafka iyo xeerarka ururka.

Ururrada sida gaarka ah u daneeya qaxootiga iyo ajaanibta

Waxaa jira in kabadan 200 oo urur oo si gaara u daneeya anaanibta iyo qaxootiga - urur dhaqameedyo, ururro siyaasadeed iyo ururro saaxiibtinimo. Hadafkoodu waa xoojinta xiriirka qaxootiga iyo ajaanibta dhexdooda iyo kan deenishka intaba - iyo sidoo kale baabi’inta xanta iyo warxumo tashiilka labada dhinacba.

Ciyaaraha iyo isboortigaAudio

Gudaha iyo ka dibedda naadi isboorti

Dad badan - gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada - ayaa ciyaara nooca kala duwan oo isboortiya waqtigooda firaaqada.

Qaar ayaa sidaa sameeya ayagoo xubin ka ah naadiyada isboortiga, waxayna ciyaaraan tusaale ahaan kubadda cagta, kubadda gacanta, tenis, jimicsi ama dabaal. Qaar kale waxay ka jecel yihiin ku ordidda kobaha barafka, orodka iyo faracyo kale oo isboorti oo bilaash ah, oo uu qofku ciyaari karo goortuu doono.

Lacag bixin xadeysan

In yar maahee kumuunayaasha oo dhan waxaa laga helaa garoomada ciyaaraha oo qofku uu adeegsan karo - mararka qaarkood asigoo lacag dhiibaya.

In yar maahee dhamaan noocyada jimicsiga iyo ciyaaraha habeysan waxaa maamula ururro ama organasashinno uu qofku xubin ka noqon karo.

Xubinnimadu sidoo kale waa lacag, laakiin kumuunaha ayaa kaba, si lacag bixinta isticmaaluhu u noqoto mid uu awoodo - xataa haddii dhaqaaluhu xadidan yahay.

Waalidiintu waa gacan siinayaan

Waa caadi in waalidiintu carruurtooda ku saacidaan ka qeyb galka ciyaaraha khiyaariga ah - tusaale ahaan sida iney bixiyaan lacagta xubinnimada iyo iney keenaan soona doonaan carruurta.





Casriyeenta ugu dambeeyey: 6/30/2549
Waxaa daabacay: The Ministry of Refugee, Immigration and Integration Affairs
Lamaanayaasha halka laga galo Wasaaradda Qaxootida, Laanta Socdaalka iyo Arrimaha Is-dhexgalka - Laanta Socdaalka Daanishka