Bogga hore

4. SOO GELITAANKA IYO JOOGISTA



Audio

Danmark waa loosoo guuraayey muddo boqollaal sano ah. Markii laga reebo dalalka deriska sida Jarmalka, Poland iyo Sweden oo si isdaba jooga muddo dheer loogasoo guuri jirey, waxaa kaloo sheegid mudan Hollandeeska oo soo guuray 1500aadkii, Yuhuudda oo soo gelaayey laga billaabo 1600aadkii iyo dadkii fransiiska ahaa loo yiqiin "huguenotter" oo soo galay dhamaadkii 1600aadkii. Sanadihii 1970-meeyadii ayaa shirkado deenisha oo badani shaqaale ka keensadeen gaar ahaan dalalka Turkiya, Pakistan, Yugoslavia iyo Marokko, sanadihii ugu dambeeyana waxaa Danmark soo galay dad badan oo kala yimid dalalk adduunka oo dhan, oo qaxootiya ama qoys ahaan lugu keenay.



Usoo haajiridda DanmarkBooqasho iyo joogis

Si aad Danmark usoo gashid waa inaad heysatid baasaboor aan dhacsaneyn ama dukument kale oo la aqoonsan yahay. Dadka ajnabiga ah ee doonaaya iney Danmark joogaan muddo kabadan 3 bilood waa iney iqaamad leeyihiin. Haddii qofku Danmark ka shaqeynayo waa inuu leeyahay iqaamad shaqo iyo degganaansho intaba. Danmark waxay wadashaqeyn gaara la leedahay dalalka nooradka sida Norway, Sweden, Finland iyo Island. Sidaa darteed sharciyo gaara ayaa khuseeya dadka u dhashay dalalka woqooyiga. Waxaa kuwaas la mida dadka u dhashay dalalka xubnaha ka ah EU*, EØS iyo Swizerland. Dadka u dhashay dalalka nooradku shuruud la’aan ayey soo geli karaan degina karaan Danmark. Dadka u dhashay dalalka xubnaha ka ah EU*, EØS iyo Swizerland waxay waraaqda degganaanshaha ka sameysan karaan xafiiska qaranka ee gobollada*, taasoo waafaqsan shuruucda EU ee sida gaarka ah u khuseysa dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka.

Soo galootiga iyo waxay Danmark kusii dhaleen, tiro qiyaaseed:

Xigasho: Danmarks Statistik og integrationsministeriet.

1980153.000
1990215.000
2001396.000

Viisaha

Dadka u dhashay dalal aad u badan waxaa looga baahan yahay Viisa si ay Danmark usoo galaan. Waxa laga yaabaa iney kasoo qeyb geli lahaayeen kulan dhaqameedyo ama u imaanayaan booqasho la xiriirta ganacsi, dalxiis ama qoys. Qofkii Danmark Viisa kusoo gala xaq uma laha inuu shaqeeyo, waxaana caadi ahaan qofka la siiyaa Viisa 3 bilood ah. Bogga Internetka ee Waaxda Socdaalka* ayaad ka heli kartaa liiska dalalka dadkoodu ay Viisa u baahan yihiin si ay usoo galaan Danmark. Viisaha waa in laga codsadaa intaadan Danmark soo aadin, laga codsado wakiilka (safaarad iwm.) Danmark u fadhiya dalkaaha hooyo. Danmark waxay xubin ka tahay heshiiska Schengen. Sidaa darteed waxaa Viisaha Danmark lugu tegi karaa dalalka Schengen oo dhan.

Qaxootiga iyo Magangelyo doonnada

Heshiiska Geneve iyo heshiiska yurub ee xuquul insaanka

Danmark waxay ku biirtay heshiiska qaxootiga ee UN (Heshiiska Geneve) ee la sameeyey 28/07/1951, sidaa ayeyna u qaadeen masuuliyadda megangelinta dadka lugu raadjoogo sababtoo ah asalkooda, dalka ay u dhasheen, diintooda ama aragtidooda siyaasadeed. Dadka noocaasa waxaa loo aqoonsadaa iney yihiin qaxooti waafaqsan heshiiska Geneve. 500 oo kamida qaxootiga sanad walba Danmark soo gala, waxaa lugu qaabilaa heshiis ka dhexeeya heyadda qaxootiga adduunka, UN, iyo Danmark. Marki laga reebo heshiiska qaxootiga waxay Danmark sidoo kale ku jirtaa heshiisya kale oo caalami ah, tusaale ahaan Heshiiska Xuquul Insaanka ee Yurub iyo heshiiska UN ee loogasoo horjeedo jirdilyada, kuwaasoo tusaale ahaan ku waajibinaaya Danmark iney ka megangeliso ajaanibta in dib loogu celiyo daldalaad, jirdilyo, dhibaatooyin naxariis darro ama bahdelaad ah ama ciqaab.

Codsadayaal qaxootinimo

Magangelyo doon waa qof ajnabi ah oo qaxooti ahaan dal kale ka codsanaya inuu iqaamad ka helo. Marka Danmark codsi qaxootinnimo la qaddimo Waaxda Socdaalka* ayaa go’aan ka gaareysa in kiiska lugu qiimeynayo Danmark ama dal kale ee EU iyo in codasadaha loo celiyo dal seddaxaad oo amaana kana baxsan EU.

Haddii codsiga qaxootinimada la aqbalo

Haddii Waaxda Socdaalku u arko in magangelyo doonuhu soo buuxiyey shuruudihii magangelyada, wuxuu qofkaasi helayaa oggolaasho uu Danmark ku joogo qaxootinnimo. Intaa kadib waxaa Xafiiska Imagrationku go’aaminayaa kumuunaha uu qofku degi lahaa.

 

Haddii codsiga qaxootinimada la diido

Haddii magangelyo doonaha diidma la siiyo, wuxuu isla markiiba u dacwoon karaa Maxkamadda Qaxootiga, oo ama Xafiiska Imagrationka go’aankooda ku raaci karta ama beddeli karta go’aanka oo qofka siin karta sharci.

Qoyska isu-keenidda

Xubnaha qoyska ee ugu dhow

Dadka sida joogtada ah u deggan Danmark waxay sida sharciga ajaanibtu* dhigayo dalka keensan karaan qaar kamida xubnaha qoyskooda, haddii ay soo buuxiyaan shuruudo dhowr ah. Taasna waxaa la yiraahdaa "isu-keenidda qoyska", taasoo sida caadiga ah khuseysa xaaska iyo carruurta da’doodu yar tahay.

Xaasnimada ama wada noolaashadu waa iney xaqiiqo tahay

Iqaamad lama siinayo xaaska ama saaxiibka aan runta aheyn, ee hadafkeedu yahay oo kaliya in qofka sharci loogu sameeyo.

Shuruudaha ku saabsan guri, dhaqaale, wada noolaasho iwm

Qofka raba in qoyskiisa loo keeno waxa laga doonayaa inuu soo buuxiyo shuruudo gaara oo dhowra, taasoo hadba ku xiran qofka codsanaya nooca uu yahay. Tusaale ahaan waxaa shuruud noqon karta xaaladda xagga guriga iyo dhaqaalaha ee qofka halkan deggan, waxaa kale oo shuruudda kamida in labada isqabaa da’doodu ka sarreyso 24 sano. Waana in xiriirka ay leeyihiin Danmark uu ka culus yahay kan dal kale. Ujeeddada shuruudahaa laga leeyahay waxaa kamida in dadka aadka u yar yar laga difaaco in lugu cadaadiyo guur aysan dooneyn, isla markaana lugu dadaalo aasaaska ugu habboon geeddi socodka qalabixinta.

Iqaamadda

Helidda iqaamadda abadiyada

Iqaamadda looga gol-leeyahay joogitaan mudda dheer ah waxaa ugu horreyntii la siiyaa qaxootiga iyo dadka qoysahaan lugu keenay. Haddii qofku heysto iqaamadda looga gol-leeyahay joogitaanka muddada dheer ah, wuxuu qofku caadi ahaan heli karaa iqaamadda abadiyada ah dhowr sano kadib, haddii uu isku taxallujiyey inuu qalabixinta bulsahada deenishka sameeyo, isla markaana uu kasoo baxo shuruudo dhowra. Waxaa kamida aan deyn ilaa xad gaareysa dowladdu ku leheyn ama uusan gelin dembi culus.

Iqaamadda waa la kansali karaa ama waa baaba’eysaa

Haddii qofku sharciga khiyaano ku qaatay, amase uu sida qof aan la dooneyn uga diiwaan gashan yahay Sistamka Warbixinta Schengen*, wuxuu qofku halis ugu jiraa in sharciga lagala noqdo iyadoo aan loo eegin in sharcigu abadiya yahay iyo in kale.

Sharciga muddada xadeysan leh sidoo kale ayaa loola karaa sababa badan darteed, kuwaasoo ay kamid yihiin haddii sababtii qofka sharciga lugu siiyey aysan run aheyn amase ay baaba’day. Haddii tusaale ahaan qofka qoysahaan loogu keenay xaaskiisa oo halkaan deggan, oo aysanna la nooleyn xaaskaa, sida caadiga ah qofkaa sharciga waa lagala noqonayaa.

Qaxootiga waxaa u gaara - intii iqaamad aan dhaceyn laga siinayo - inuu ku hoos noolaan karo badbaadada bulshada deenishka, haddii ay dhici karto in waxyeello loo geysto haddii uu dalkiisii ku laabto. Taasna waxaa ku hoos jirta, tusaale ahaan, in iqaamadda lagala wareegayo haddii uu fasax u aado dalkiisii hooyo.

Ugu dambeyntii sharcigu - ayadoo aan loo eegin inuu xadeysan yahay iyo in kale - qofka caadi ahaan waa ka dhacayaa, haddii uu ka tanaasulo degaankiisa Danmark amase uu muddo dheer degganaado dalka dibaddiisa.

Massafurin

Qofka ajnabiga ah Danmark waa laga masaafurin karaa, haddii uu galo dembi culus ee la xukumo.

Dib ugu laabashada dalkii hooyoAudio

Talabixin iyo saacidaad dhaqaale

Haddii aad goorey noqotaba aad ku taameysid in aad ku laabato dalkaagii hooyo, hase yeeshee shaki kaaga jiro in xaaladda dalkii ay amaan tahay, amase shaki kaaga jiro sidii aad dhaqaale ahaan isu debberi laheydeen, waxaad talo iyo tusaale ka heli kartaa Heyadda Qaxootiga deenishka. Sidoo kale kumuunuhu wuxuu adiga iyo qoyskaagaba fidinayaa kaalma dhaqaale oo aad dalkii hooyo ugu noqotaan ama dal kale oo aad hore u joogi jirteen.

Kumuunaha ayaa qiimeynaya

Haddii aad ku taameysid in aad ku laabato dalkaagii hooyo amase dal kale oo aad hore u joogi jirtay waa in aad la xiriirto kumuunaha aad deggan tahay. Kumuunuhu wuxuu isagoo tixraacaya xaaladdaada dhaqaale qiimeynayaa kaalmada lugu siin karo. Saacidaaddu waxay ka kooban tahay bixinta kharashka safarka, in lagaa saacido raridda alaabtaada, saacidaadda degitaanka, gadashada iyo raridda qalabka shaqada, kharashka ceymiska jirrada iyo daawo dhakhtarku kuu qoray oo aad sii qaadaneysid.

Shuruuda gaara oo khuseeya dadka qoysahaan lugu keenay

Haddii aad Danmark ku timid qoysahaan, aadna dooneysid in aad dalkaagii ku laabato, waxaa lugu saacidayaa oo kaliya markii aad la laabaneysid qofkii qoysahaan luguugu keenay.

Hal mar kaliya

Hal mar kaliya ayey suuragal tahay in luguu fidiyo kaalma dhaqaale oo aad dalkii hooyo kula noqoto ama dal kale oo aad hore u joogi jirtay.

Kaalmada dibu-qalabixinta

Haddii ay kuu buuxsantay 65 sano, amase ay kuu buuxsantay 55 sano aadanna shaqeysan karin, waxaad heli kartaa kaalma gaara oo la yiraahdo "kaalmada dibu-qalabixinta". Waana lacag bil kasta lugu siinayo muddo 5 sano ah. Shardiga lagaa doonayo si aad lacagtaa u hesho waa in aad heysato sharciga abadiyada, isla markaana aad Danmark degganeyd ugu yaraan 5 sano.

 

Qaadashada dhalashada deenishkaAudio

Sida uu dastuurku dhigayo baarlamaanka ayaa gaaraya go’aanka in qofka dhalashada deenishka la siiyo. Waxaana lugu ansixiyaa sharci gaara oo baarlamaanku isku raaco in muddaaba mar. Haddaba si aad u qaadato dhalashada deenishka, waa in aad soo buuxisaa shuruudaha baarlamaanku u jideeyey.

Waxaa shuruudda kamida aqoonta afka deenishka, taasoo caddeyn laga keenayo iskuulka luqadda ama nidaamka kale ee waxbarashada. Sidoo kale waxaa shardi ah in qofku in mudda joogto u degganaa Danmark. Sida caadiga ah waa in qofku Danmark degganaadaa ugu yaraan 9 sano. Dadka aan dal laheyn iyo qaxootigu waa iney Danmark deggan yihiin 8 sano. Qofkii dembi gala dhalashada ma helayo ilaa muddo ay kasoo wareegto. Haddii qofku galo dembi aad u culus, taasi waxay keeneysaa inuusan marna deenish noqon kareyn. Sidoo kale qofku deenish ma noqon karo, haddii uu qaranka ka qabo deyn xilligii dibu bixinteeda la gaaray, marka laga hadlaayo gudidda lacaga gaara oo dowladdu ku siisay ama amaah, iyo sidoo kale canshuur luguugu leeyahay.

Marka aad codsaneysid dhalashada deenishka waa iney kuu buuxsantay 18 sano. Dhalashada deenishka waxaad ka codsan kartaa xafiiska boliiska xaafadda aad deggan tahay. Boolisku waxay sidoo kale kuu sheegayaan mu ddada ay caadi ahaan ka shaqeynta codsigu qaadaneyso.

Dadka qaarkood waxay dhalashada deenishka ku qaadan karaa saxiix qoraal ah. Marka laga reebo dadka deenishka u dhashay iyo muwaadiniinta dalalka kale ee Noradka, waxaa iyaguna kamida dhallinyarada ajnabiga ah oo aan dembi gelin, dalkana degganaa ugu yaraan 10 sano. Warbixin dheeraada iyo foomba waxaad ka heli kartaa xafiiska qaranka ee maamul-goboleedka ee ku yaalla meesha aad deggan tahay.

 

Marka aad hesho dhalashada deenishka waxyaabaha aad xaqa u leedahay waxaa kamida, in lugu siiyo baasaboorka deenishka, in aad u codeyso isuna sharaxdo doorashada baarlamaanka.





Casriyeenta ugu dambeeyey: 6/30/2549
Waxaa daabacay: The Ministry of Refugee, Immigration and Integration Affairs
Lamaanayaasha halka laga galo Wasaaradda Qaxootida, Laanta Socdaalka iyo Arrimaha Is-dhexgalka - Laanta Socdaalka Daanishka