Bogga hore

15. Halkaan warbixin dheeraad ah ayaad ka heli kartaa

Internet www.danmark.dk
Warbixin la xiriirta bulshada deenishka oo af-deenish ah.

www.finfo.dk

Warbixin la xiriirta bulshada deenishka oo ku qoran afafka kala ah ee Albaaniga, Carabiga, Kurdiska, Farsiga, Soomaaliga, Turkishka, Viyatnaamiiska, Boosniga, Serbiga, Koreeshiga, Faransiiska, Ingiriiska iyo Deenishka.

www.denmark.dk

Warbixin la xiriirta bulshada deenishka oo ku qoran afafka kala ah ee Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska iyo Isbaanishka.

Telefoon

1881, telefoonka iska leh bulshada.

Waxaa ka jawaabaya dad ku hadlaya afka-Deenishka iyo Ingiriiska.

Maktabad

Maktabadda maaxaaliga ah ayaa kaa caawineysa wixii warbixin dheerada ah.

Kumuunahaaga

Bogga www.kl.dk ayaad ka heli kartaa kumuunaha adareesyadooda, bogaggooda, emaillyadooda, lambarrada telefoonyada iyo wax kale oo badan. Waxaad wici kartaa KL (ururka qaranaka kumuunayaasha deenishka) oo telefoonkiisu yahay 33 70 33 70 oo aad warbixinnadaasi aad ka heleysaa.

DR wararka adduunkaDR Nyheder International

Idaacada af Ingriisiga, Turkishka, Carabiga, Boosniga/Serbiga/Koreetiga, Urduuga iyo Soomaaliga ah. Waxaana laga helaa bogga: www.dr.dk/nyheder/fremmedsprog,

Telefoonkana waa 70 26 80 80 ama DR Tekst-TV bogga 171, 172, 173 iyo 174.

Shax-warbixineedda Danmark Factsheet Denmark

Waa tixane ee jaraa’id warbixin ah oo wax ka qoraaya warbixinno guud oo la xiriira taariikhda wadanka Danmark, siyaasadda, dhaqalaha iyo dhaqanka Danmark oo ku qoran afafka Igiriisga, Jarmalka, Faransiiska iyo Isbaanishka. Waxaana laga heli karaa: Wasaaradda arrimaha dibedda, Udenrigsministeriet, Asiatisk Plads 2, 1448 København K, Telefoon: 33 92 00 00, Bogga: www.um.dk, Email: um@um.dk

Af deenish fudud - På Let Dansk

Waxaa jira joornal loogu talagalay deenishka akhrisku ku culusyahay iyo ajaanibta iyo qaxootiga aan weli afka deenishka si wacan u aqoon. Wuxuu soo baxaa sanadki taban jeer, wuxuuna wax ka qoraa akhbaaraha, dhaqanka iyo isboortiga. Waxaana laga heli karaa iskuullada luqadda, ama haddii lala xiriiro Kroghs Forlag, Chr. Hansens Vej 3, 7100 Vejle, Telefoonka 75 82 39 00 Bogga: www.kroghsforlag.dk

Email: kf@kroghsforlag.dk





Casriyeenta ugu dambeeyey: 6/30/2549
Waxaa daabacay: The Ministry of Refugee, Immigration and Integration Affairs
Lamaanayaasha halka laga galo Wasaaradda Qaxootida, Laanta Socdaalka iyo Arrimaha Is-dhexgalka - Laanta Socdaalka Daanishka