Bogga hore

2. JOQORAAFIGA IYO SHACABKA



Audio

Danmark waa dal yar oo dhulkiisu siman yahay, wax buura ahna maleh. Wuxuuna ku yaallaa inta u dhexeysa badda bari iyo badda woqooyi. Intiisa badanna biyo ayaa ku xeeran. Wuxuu ka kooban yahay gacanka Jylland iyo 406 jasiiradood. Jasiiradaha ugu waaweyni waa Sjælland, Fyn, Lolland iyo Bornholm.



Jasiiradaha kale badankood aadbay u yar yar yihiin, dad yar ayaana deggan ama lamaba deggana. Dhulka deenishka biyo ayaa xeeran, qeyba badanna buundooyin ayaa isku xira.

Caasimadda, oo isla markaana ah magaalada dalka ugu weyn, waxaa la yiraahdaa København, waxayna ku taalla Sjælland. Jylland magaalooyinka ugu waaweyni waa Aarhus, Aalborg iyo Esbjerg. Fyn magaalada ugu weyni waa Odense.

Midnimada qaranka deenishka

Marka laga hadlayo Danmark waxaa inta badan loo qaataa Jylland iyo jasiirdaha. Hase yeeshee Grønland iyo jasiiradaha Færøerne ee ku yaalla badda Atlantigu sidoo kale waxay ka tirsan yihiin midnimada qaranka deenishka, inkastoo ay leeyihiin maamul hoosaad madax bannaan. Danmark waxay xubin ka tahay EU*, inkastoo Grønland iyo Færøerne ay doorteen iney bannaanka ka ahaadaan.

Ka tirsan tahay dalalka Norden

Danmark waxay ka tirsan tahay dalalka Norden, oo sidoo kale ay kamidka yihiin Sweden, Norway, Finland iyo Iceland. Dhanka koonfureed waxay Danmark xuduud la wadaagtaa Jarmalka. Danmark waxay sidoo kale xiriir sokeeye la leedahay dalalka baltigga ee kala ah Estland, Letland iyo Litauen, oo ku yaalla dhanka kale ee badda bari.

5% ayaa ajaanib ah

Shacabka Danmark wuxuu in yar ka badan yahay 5.2 malyan. Inkastoo ay jiraan lahjada badan, dhamaaan isku luqad ayey ku hadlaan - af-deenish. Qiyaastii 260.000 qof - 5% ee shacabka - ayaa ajaanib ah. Qiyaastii 80.000 kamidahi waxay u kala dhasheen Norden, EU iyo Woqooyiga Amerika. Inta kale waxay u dhasheen yurubta bari, bariga dhexe iyo Afrika - gaar ahaan Turkiya, Pakistan, Ciraaq, Iraan, Soomaaliya iyo Yoguslaviyadii hore.

Bulsho aqooneed

Danmark maanta waa bulsho aqooneed oo warshadeynta ku horumartay, kuna dadaasha waxbarashada iyo hal-abuuridda. Astaan gaara waxaa u ah heerkeeda sare ee xaaladda bii’ada, taasoo sidoo kale keentay wax soo saarka aadka u weyn ee xagga teknolojiyada bii’ada iyo sameyta mashiinnada hawada korontada ka dhaliya ee casriga ah.

Danmark waxay dibedda la leedahay xiriir ganacsi oo aad u weyn, kaasoo dhoofinta alaabta warshadeysani uu yahay qiyaastii 75%, halka wax soo saarka beeruhuna yahay in ku dhow 12% ee alaabta la dhoofiyo oo dhan.

Shabakad gaadiidka dadweynaha oo aad u casri ah

Danmark waxay leedahay jidad iyo xadiidka tareenada oo farabadan iyo shabakad gaadiidka dadweynaha oo casri ah. Qofku wuxuu Bus ama Tareen ugu safri karaa dalka intiisa badan iyo waqtiyada intooda badan. Sidoo kale maraakiib ayaa isku xirta meelaha aan buundo ka dhisneyn.

Shaqaalaha oo xirfado loo kala qeybshay
Wadan ahaan Danmark waxaa shaqeeya dad ku dhow 2,8 malyan.

u kala qeybsan yihiin xirfadaha soo socda:
Danmark i tal, Danmarks Statistik 2002.

     Percent (lasoo gaabiyey)
Beeraha, kalluumeysiga iyo alaabta ceeriin4
Warshadaha17
Tamarta iyo biyaha1
Shirkadaha dhismaha iyo qalabka6
Ganacsiga, hoteellada iyo maqaayadaha18
Gaadiidka, boostada iyo isgaarsiinta hawada7
Maalgelinta, adeegga ganacsiga iwm.12
Adeegyada guud iyo kuwa gaarka ah35
Wadar100

Dalkii Baaskiillayaasha

Danmark waxay kamid tahay dalalka adduunka ugu baaskiillayaasha badan. Waqtiyada buuqa ah waxaad magaalooyinka ku arkeysaa safafka dad baaskiilla wata - oo qaar badani ay carruuri gadaal u saaran yihiin - una socda ama ka yimid shaqo iyo xaruma kale.

Jidadka intooda badan waxaa loo calaameeyey si baabuurreydu isaga jiraan dadka baaskiillada wata. Waxa jira khad baaskiillada iyo calaamado baabuurreyda xasuusinaya iney ka digtoonaadaan baaskiillayaasha jidka goynaya.





Casriyeenta ugu dambeeyey: 6/30/2006
Waxaa daabacay: The Ministry of Refugee, Immigration and Integration Affairs
Lamaanayaasha halka laga galo Wasaaradda Qaxootida, Laanta Socdaalka iyo Arrimaha Is-dhexgalka - Laanta Socdaalka Daanishka