5. MUDADA UGU HORREYSA EE DADKA CUSUB OO KU SOO BIIRAY DANMARK
Shaqo hel
Mar alla markii aad Danmark iqaamad ka hesho, waxaa weeya dhab ahaan in aad barato bulshada deenishka, oo aad ku dhaqaaqdo xayaato waxgal leh.
In badan oo kamida nolol maalmeedka bulshada deenishka waxaa lugu qaataa goobaha shaqada, mid kamida sida ugu wanaagsan ee aad ku dhexgeli karto bulshada deenishkuna waa in aad dhakhso shaqo ku hesho. Sidaa ayaadna sidoo kale dhakhso ugu gaari kartaa sidaad naftaada iyo reerkaagaba ugu filnaan laheyd.
Hase yeeshee dad badan ayaa dhibaato kala kulma iney dhakhso shaqa helaan, maadaama aysan weli in ku filan ka aqoon luqadda deenishka.
Iskuulka sare waa billaaw wanaagsan
Gelidda iskullada lugu xeroodo* waa xal wanaagsan. Halkaa waxaad ka heli kartaa fursado badan oo lugu barto deenishka, bulshada deenishka iyo luqadda deenishka intaba.
Kaalmada iyo talabixinta kumuunaha
Dhamaan degganayaasha cusub waxay kaalmo iyo latalin ka heli karaan kumuunaha sida joogtada ah loo dejiyo. Haddii aad qaxooti tahay waaxda socdaalka* ayaa isagoo tixgelinaya arrimo badan kuu raadinaya kumuunihii lugu dejin lahaa.
Waxaa lugu siinayaa lambar shakhsi ah
Markii sharciga lugu siiyo waa in aad la xiriirto kumuunaha aad deggan tahay, si luguu diiwaan geliyo. Haddii aad sharciga ku heshay qaxootinnimo waaxda socdaalka ayaa kaasoo diiwaan gelinaysa kumuunaha aad degi doonto. Markii lugu diiwaan geliyo, waxaa isla markiiba luguu sameynayaa lambar shakhsi ah), oo ka kooban taariikhda dhalashadaada iyo sanadka iyo afar lambar oo qof qofka kale kaga duwan yahay. Lambarka shakhsiga ahi wuxuu u egyahay sidatan: 23 (maalinta) 04(bisha) 54(sanadka) -3476. Lambarka dumarka waxaa ugu dambeeya tira isla eg (sida 6), raggana waxaa ugu dambeeya tira isdheer.
Waa in aad isticmaasho lambarka shakhsiga ah, marka aad la xiriireysid heyadaha iyo xarumaha qaranka.
Waxaa lugu siinayaa kaarka ceymiska caafimaadka
Marka kumuunaha lagaa diiwaan geliyo, isla markiiba waxaad ka diiwaan gashan tahay ceymiska caafimaadka qaranka, waxaana lugu siinayaa kaarka ceymiska caafimaadka.
Soo dhoweynta degganayaasha cusub
Barnaamijka soo dhoweynta
Kumuunaha aad degan tahay ayaa kuu fidinaya barnaamij soo dhoweyneed, kaasoo kaa caawin doona sida ugu dhakhsaha badan in aad afka deenishka ku barato, oo aad isdebberto. Ka qeybqaadashada barnaamijka soo dhoweyntu waa lacag la’aan. Nidaamka soo dhoweyntu waa gacan fidin, haddiise aad qaadatid lacagta soo dhoweynta, waa waajib ku saaran in aad ka qeyb gashid dhaqdhaqaaqyada barnaamijka, isla markaana aad shaqo diyaar u ahaato.
Nidaamka waxaa loogu talagalay oo kaliya dadka u dhashay dalal ka baxsan EU* iyo Norden.
Kontaraad gaar ah, waxbarid iyo tababarid
Barnaamijka soo dhoweyntu wuxuu ka kooban yahay kontaraad shakhsi ah, koorso ku saabsan fahamka bulshada, barashada luqadda deenishka iyo tababar shaqo*.
Kontaraadda shakhsiga ahi ballan kugu waajib noqoneysa oo idinka dhexeysa adiga iyo kumuunaha, oo ah in aad isla soo diyaarisaan. Qaar kalena waa lagasoo qeyb geli karaa diyaarinta kontaraadda, si loogu dadaalo iney ximbaarsanaato dhaqdhaqaaqyada iyo fidinta sida gaarka ah waxtarka kuugu leh. Kontaraaddu waxay tusaale ahaan goyneysaa kartaa heerkee barashada luqadda deenishka lagaaga billaabayaa. Waxaa kaloo ay qeexi kartaa dhaqdhaqaaqyada iyo khibradaha aad u baahan tahay inta aadan codsan waxbarasho ama shaqo. Kontaraadda waa in la sameeyo bil gudaheed kadib markii aad heshid sharciga ee kumuunaha guri lagaa dejiyo.
Waa in aad shuruud ku xirtaa kontaraaddaada gaarka ah
Kontaraadda shakhsiga ahi qiima weyn ayey kuu leedahay inta aad ku cusub tahay bulshada deenishka. Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in aad shuruud ku xirtaa. Tusaale ahaan waa in aad hubsatid, in qorshuhu tixgelinaayo heerkaaga xagga karaanka iyo baahidaada, eyna kamid ahaadaan fursado la taaban karo oo suuragelinaya in aad horukac sameyn kartid, aadna ka faa’iideysan kartid aqoontaada iyo khibraddaadaba.
Haddii goorey noqotaba, markii guud ahaan waqtigu saamaxo, aad rabooto in aad dib ugu laabato dalkaagii hooyo, waa in ayadana sidoo kale lugu daraa kontaraadda. Taasi waxay ku suuroobi kartaa, tusaale ahaan, in Danmark aad ka hesho fursad aad kaga shaqeysato dalkii hooyo ama aad ka qeybqaadato mashruuc horumarineed ama dibu-dhismeed.
Kaalma turjubaan
Adigaa ka masuula in aad barato afdeenishka sida ugu dhakhsaha badan - tusaale ahaan aad la socoto duruusta af deenishka ee bilaashka ah.
Turjubaanku waa dhexdhexaad
Haddiise weli aadan ku hadli karin afka deenishka waxaad xaalado badan ku gacan siin kara turjubaan. Waana heyadaha qaranka cidda qiimeyneysa in aad turjubaan u baahan tahay, ayagaana ka masuula iney turjubaan kuu dalbaan.
Waxaa luguu qabanayaa turjubaan aad isticmaasho. Turjubaanka waxaa masuuliyadi ka saaran tahay inuu turjumo wax kasta oo la yiraahdo sida ugu dhameystiran, oo uusanna si kutalagala wax uga tegin. Turjubaanka waxaa sida heyadda qaranka u saaran waajibka sirxafididda, waana inuu ahaadaa dhexdhexaad aan dhanna raacsaneyn. Turjubaanku waa inuusan wadahadalka dhexgelin, haddii uusan faahfaahineyn arrin mugdi ku jiro.
Talooyin wanaagsan - ku saabsan hadlidda adoo turjubaan adeegsanaya:
- Halahadlin turjubaanka ee la hadal qofka aad xaqiiqa ahaan la hadleysid.
- U hadal si tartiiba oo qayaxan.
- Sheeg oo kaliya inta aad dooneysid in turjubaanku sii gudbiyo.