Bogga hore

7. QOYSKA



Qoyska iyo bulshadaAudio

Xuquuq siman iyo masuuliyad wadaaga

Mujtamaca deenishku wuxuu ku saleysan yahay ixtiraamka qofka shakhsiga ah iyo masuuliyadda wadajirka ee noloshada qoyska iyo nolosha bulshada intaba.



Taana waxaa kamida, in ragga iyo dumarku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad isku mida, in ay kawada qeybgeli karaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha si siman.

Waxaa sidoo kale kamida, in qofka shakhsiga ah iyo qoysaskuba iyagoo la kaashanaya mujtamaca masuuliyadi kawada saaran tahay, in carruurta dhallinyaradu helaan koritaan iyo waxbarasho wanaagsan.

Mujtamacu waxay iyadoo la kaashaneysa qoysaska iyo qofka shakhsiga ah howla kala duwan oo fara badan, kuwaasoo khuseeya caawinta dadka ay ku adag tahay iney isaga filnaadaan howl maalmoodkooda.

Howl maalmeed ku mashquuliya

Shaqadu waxay aad u buuxisaa nolol maalmeedka qoysaska. Qoysaska intooda badanna ninka iyo naagtuba waa shaqeeyaan, waqtiga shaqadooduna ilaa heer waa isku mid. Gaar ahaan qoysaska carruurtoodu yar yar tahay dadka waaweyni waqti aad u badan ayey ku bixiyaan shaqo iyo waxbarasho. Taasoo macnaheedu yahay, in aan waqti badan loo heyn nolol qoys iyo daryeelka qofka aadka u xanuunsan. Taasina waa mid kamida sababta keentay, in Danmark qoysasku heyadaha qaranka u daayaan qabashada qeyba kamida howlaha caamka ah. Waxaana sidaa darteed u suuragala cuuryaamiinta, dadka jirran iyo waayeellada aan isdebberi karin in lugu haayo xarumaha maalinlaha ama la dejiyo guryaha xanaanada. Waa caadi in carruurta yar yar lugu haayo xarun maalmeed ama heyn maalmeed. In kabadan boqolkiiba 90 carruurta u dhexeysa 3 ilaa 5 sano waxaa lugu haayaa guriga dibaddiisa. Carruur badan oo rooroon ayaa iyaguna iskuulka kadib taga xarumaha waqtiga fasaxa iskuulka ama xarunta xilliga fasaxa. Dumar aad u yar ee deenisha ayaa guriga ka shaqeeya. Laakiin weli dumarka ayaa qabta howsha guriga inteeda badan. Hase yeeshee howl qeybsigu waa sii sinmayaa, gaar ahaan qoysaska carruurta yar yar heysta, kuwaasoo naagtu ay dhallinyar tahay, ayna leedahay tacliin sare iyo shaqo intaba.

Noocyada kala duwan ee qoyskaAudio

Billowga waqtigii 1900meeyadii waxaa caadi aheyd in qoysaska deenishku carruur badan dhali jireen. Hase yeeshee 100kii sano ee ku xigtay tirada qoysaska carruurta badan lahaa hoosey u dhacday, isla markaana waxaa caadi noqotay in kali ahaan laba qof kaliya loo dego. Halka qoysasku isku celcelis ay ka koobnaayeen 4,3 qof sanadkii 1901, tiradu waxay aheyd 2,2 sandkii 2000.

Isbeddellada ugu waaweyni waxay dhaceen laga bilaabo 1960meeyadii. Qoysaska ka kooban aabbe, hooyo iyo carruur weli waa kan ugu caadisan, carruurta ka yar 18 sano marki 4 loodhigo 3 meel ayaana weli la degganaa waalidkood sanadkii 2000. Dad badan ayaa guursada marka waayeeloobaan, halka qaar kale oo badanna ay wada noolaadaan iyagoo aan isqabin. Qaar kamida xaasaska ayaa kala taga, oo dib u raadsada cid kale oo ay la noolaadaan. Taasna waxay keentaa in carruurtu ku dhex koraan qoysas ay kamid yihiin "cusub" aabbe, hooyo ama walaalo. Sidoo kale carruur badan ayaa la deggan hooyo ama aabbde kaliya, inkastoo ay si joogto ah usoo booqdaan waalidka kale.

Sidaa ayeyna Danmark uga asaasmeen noocya badan ee shabakado qoyska oo kala duwan, kuwaasoo ka duwan aadna uga dabacsan sida xaaladdu ahaan jirtay boqol sano ka hor. Laakiin si kastaba ha ahaatee waxay noqon karaan kuwa aad u hagaagsan aadna isugu xiran.

Noocyada Qoysaska

Sanadkii 2002 waxaa Danmark wadar ahaan ka jiray in ku dhow 2,9 milyan oo qoys, oo isku celcelis ahaan noqonayey 2,2 qof qoyskiiba. Waxay haddaba u kala qeybsanaayeen qiyaas ahaan noocyada qoysaska soo socda:

14 % Xaas isqaba carruurna leh,

4 % Qaar isla nool carruurna leh,

21 % Xaas isqaba oo aan carruur laheyn,

6 % Qaar isla nool oo aan carruur laheyn,

4 % Hal waalid oo carruur heysta,

49 % Qof kaligii nool oo aan carruur heysan.

Xigasho: Danmarks Statistik

Xiriirka labada qof wada noolAudio

Guur

Labada qof waa isguursan karaan markii ay u buuxsanto 18 sano. Dhallinyarada ka yar 18 sano waa iney oggolaasho gaara ka codsadaan xafiiska maamul goboleedka. Sidoo kale sharciya gaara ayaa khuseeya, haddii qofku doonayo inuu dibedda qof kasoo guursado kadibna looguu keeno Danmark. Waa inuusan qofku hore xaas u aheyn, waana inuusan guursan walaal ama qaraabo dhow, taasoo laga wado waalidka, carruurta iyo waalidka waalidkii.

Cidna waa inaan guur lugu qasbin

Sidoo kale qofku waa inuu isagu go’aansadaa, qofka uu doonayo inuu guursado. Danmark guurka aasaaskiisu waa khiyaarka labada qof, waana sharci darro, in qofka lugu khasbo guur uusan raalli ka aheyn. Haddii qofka guurka lugu khasbay, guurkaas waa la kansali karaa.

Duqa magaalada mase wadaadka kaniisadda

Waxaa laysku guursan karaa qaab madani ah ama kaniisadda. Nikaaxa madaniga ah meherinaya duqa magaalada. Nikaaxa kaniisaddana waxaa ridaya sheekha kaniisadda dadweynaaha ama diin mujtamacyo kale, halkaasoo wadaadku uu oggolaasho wax mehrin heysto.

Nikaaxyada ka dhacay dalal kale waxay sharci ahaan Danmark la mid yihiin kuwa ka dhacay halkaan.

Waajibka ismasruufidda

Marka laba qof ay is qabaan waxaa waajib ku ah in ay dhaqaale ahaan is biilaan, taasoo loo yaqaan waajibka ismasruufidda. Guud ahaanna wax kasta oo qofku leeyahay waxay kawada dhexeeyaan labada qof. Marki carruuri timaadana labada qof waxaa ka dhexeysa masuuliyadda carruurta.

Guur waraaq la’aan ah

Marka dadku ay doortaan iney isla degaan, lagana yaabo iney ilmo isu dhalaan iyagoo aan isqabin, arrintaa waxaa loogu yeeraa "guurka aan waraaqda laheyn".

Haddii labada qof waraaq la’aan ay isla deggan yihiin, toos isuguma yeelanayaan waajibaadka xagga sharciga ama dhaqaalaha ah sida dadka isqaba oo kale. Gaar ahaan waxay arrintaasi muhiim noqotaa haddii carruuri jirto, ama marka la kala guurayo.

Masuuliyadda waalidnimada

Haddii carruur leysu dhalo iyadoo aan leys qabin, hooyada ayaa heleysa masuuliyadda waalidnimada, haddii labada waalid aysan ku heshiinin in ay wada yeeshaan masuuliyadda waalidnimada*.

Isafgaranwaa wuxuu sababi karaa dacwad maxkamadeed

Qoys aan isqabin kala tegayo, waa in ay ku heshiiyaan wadaagidda waxyaabaha ka dhexeeya, haddii ay deyn qabaanna qof kastaa tiisa iska bixiyaa. Sidoo kalena waa iney isku afgartaan halka carruurtu degi lahaayeen. Haddii ay ku heshiin waayaan sidey wax u qeybsan lahaayeen, waa in maxkamadi u kala saarto. Haddii ay ku heshiin waayaan qofka carruurtu la degayaan, waa iney gacan weydiistaan xafiiska gobolka*.

Wada noolaashada diiwaan gashan

Danmark qaniisiintu degganayaasha kale ayey kala mid yihiin xagga xuquuqda iyo waajibaadka, waxayna isla geli karaan wada noolaasho diiwaan gashan, taasoo sharci ahaan u xireysa sida guur oo kale.

Kala tegid iyo isfurid

Haddii aysan xaaska la aheyn inuusan qofka kale la noolaan karin, wuxuu xaq u leeyahay inuu ka tago. Kala tegiddu waa nooc ah waqti tijaabo, halkaasoo labada qof ay kala degganaanayaan, laakiin ay weli isqabaan. Ninka iyo naagtu waxay isfuri karaan, markii ay kala degganaayeen muddo hal sano ah. Haddii ay ku heshiiyaan in ay isfuraan, waxay isfuri karaan 6 bilood kadib.

Haddii gogoldhaaf ama jirdilyo ay furriinka sabab u yihiin, waxay isfuri karaan iyagoo aan hore u kala guurin.

Qeybsanaya masuuliyadda carruurta

Haddii ay carruur leeyihiin ayaga ayaa ku heshiinaya sidii ay u qeybsan lahaayeen masuuliyadda carruurta. Haddii ay ku heshiin waayaan shuruudaha furitaanka, waa in ay gacan weydiistaan xafiiska gobolka*. Ugu dambeyntiina dacwadda maxkamad ayaa dhedhexaadin karta.

Haddii qof doonayo inuu ka guuro oo ay isfuraan xaaskiisa waa inuu la xiriiro xafiiska gobolka uu deggan yahay. Haddii aad deggan tahay København, waxaad la xiriiri kartaa Overpræsidiet* (oo la mida xafiiska maamul goboleedyada). Halkaana waxaad ka heli kartaa talabixin ku saabsan arrimaha kala tegidda, furriinka, masuuliyadda waalidnimada, qeybinta guriga, lacagta waalidka carruurtiisa loo jaro ama xaas hore.

Lacagta carruurta ee aabaha laga jaro

Waalidka aysan carruurtu la degganeyni waa inuu kan kale siiyaa lacag u gooyaa. Waana lacag yar, wuuse u badin karaa hadduu doono. Lacagta carruurta loo gooyo canshuurta ayaa caadi ahaan laga goosan karaa.

Ilma soo rididda sharciga ah

Danmark ilma soo rididda sharciga ahi waxay ka jirtay lagasoo billaabo 1973. Taasoo macnaheedu yahay, in naagtu xaq u leedahay in isbitaalku ilmaha si kutalagala uga rido, inta uusan uurku dhaafin asbuuca 12aad. Xaalado aad u khaasana waxaa suuragala in ilmaha lasoo rido xilligaa kasii dambe. Haddii aad dooneysid in aad ilmaha iskasoo ridid, la xiriir dhakhtarkaaga, kaasoo kuu diri doona isbitaalka. Soo rididda ku talagalka ah waxaa caadi ahaan loo sameeyaa sida qalliin oo kale, waana lugu suuxinayaa. Waxaa sidoo kale suuragala in daawo loo adeegsado soo rididda ilmaha. Waana ilma soo ridid kaniiniyaal la cuno ay u sabab noqdaan. Naagta ayaana kaligeed go’aansaneysa in ilmaha lagasoo rido iyo in kale. Sanad kasta Waxaa Danmark lasoo ridaa 15.000 ilaa 20.000 oo ilmaa. Dadka qaar ayeyna la tahay iney aad u badan yihiin. Mid kamida doodda looga soo horjeedo ilma soo rididdu waa, in ay damiir ahaan qalad tahay in naf la gooyo. Aragtida qawaaniinta asaaska u ahi waa, in fursadda ilma soo rididdu ay muhiim yahay, si looga maarmo in dumarku dhalaan ilma aysan dooneyn amase ay naftooda khatar ku geliyaan adeegsiga ilma soo rididda sharci darrada ah.

Marka bulshadu arrinta soo faragelineyso oo ay gacan siineysoAudio

Cidna waa inaan dhib loo geysan

Waxa ka dhacaya inta u dhexeysa guriga afartiisa derbi waxay khuseysaa sirriyada nolosha, qaranka iyo kumuunuhuna sooma farageliyaan. Hase yeeshee qoyska cidna - carruur iyo cirroolaba - waa inaan loo geysan jirdilyo ama xadgudub toona. Haddii qofka wax lugu dhufto, la hendedo ama galmo lugu qasbo, markaa qofku waa inuu saacidaad raadsadaa, isagoo la xiriiraya kumuunaha ama, haddii xaafadaha ay ku yaallaan, xarumaha gargaarka degdegga ah iyo xarumaha talabixinta.

Kaalmada gargaarka deg degga iyo xarumaha gargaarka

Xaalada degdegga ah wuxuu qofku ku wareegi karaa xarunta degdegga ah, oo uu ka heli karo meel uu seexdo inta xaalkiisu meel u dhacayo. Isla markaa waxaa suuragala inuu helo kaalmo xagga arrimaha bulshada, maskaxda iyo xannaaneyntaba ah.

Xarumaha gargaarka waxay dalka kaga kala yaallaan meela kala duwan, qaar ragga iyo qaar dumarkaba. Xarumaha gargaarka badankooda waxaa loogu talagalay dumarka u baahan ka difaacidda ninka dilaya amaba qof kale si xun ula dhaqmaya.

Saacidaad raadso inta aan dhib dhicin

Waxaa lagama maarmaana in aad gargaar doonatid inta aan arrintu gaarin heer aad xarun gargaar u guurtid. Haddii aad gargaar u baahan tahay la xiriir kumuunaha ama xarunta talabixinta, halkaasoo aad xaq u leedahay in aad qarsoodi ahaato.

Gargaarka carruurta iyo dadka waaweyn ee cuuryaanka ah

Carruurta iyo qofka weyn ee cudud ahaan ama maskax ahaan cuuryaanka iyo qoysaskoodu waxay heli karaan gargaar nolol maalmeedkooda u fududeynaya. Hadafkuna waa in qofka cuuryaanka ahi ku noolaado nolol aad u nashaad badan, sida u mudunna ugu dhow molosha caadiga ah. Degmooyinka iyo gobolladu waxay leeyihiin lataliyaal cuuryaamiinta, kuwaasoo kala taliya xagga fursadaha helitaanka qalabka cuuryaamiinta, guryaha, waxbarashada iyo shaqada.

Fidin khaas ahaaneed

Carruurta cuuryaamiinta ah intooda badani waalidiintooda ayey la deggan yihiin, waxayna dhigtaan xarumaha xannaanada, iskuullada iyo xarumaha waqtiga fasaxa ee caadiga ah. Hase yeeshee qaar ayaa dhigta xaruma xannaano ama iskuullo gaara, halkaasoo carruurta ay tababaraan ama waxbaraan shaqaale aqoon gaara u leh.

Dhallinyarada iyo waayeelkaba waxaa loogu talagalay waxbarasho gaara, xarumo maalintii ama afar iyo labaatan saaca, goobo madadaalo, goobo farsamo iyo goobo shaqo oo la ilaaliyo.

Qaar ayaa deggan guryo u gooniya, kana hela heyadaha qaranka saacidaad shakhsiya iyo mid camaliya. Qaar kale ayaa deggan xarumo gaara, guryo dad badani wadaagaan ama guryo la ilaaliyo.

Dhalidda carruurtaAudio

Baarista dhakhtarka iyo umulisada

Dumarka uurka leh waxay xaq u leeyihiin in dhakhtarka iyo umulisadu siyaaba kala duwan u baaraan. Marka ugu horreysa dhakhtarkaaga ayaa ku baaraya, marka uurkaagu sagaal asbuuc yahay. Waana in aad adigu ballan ka sameysataa.

Gal ayaa idinla soconaya adiga iyo ilmahaba

Dhakhtarku "galka socdaalka" ayuu kuu sameynayaa, kaasoo baaritaannada dhakhtarka iyo umulisada oo dhan aad la imaaneyso. Galka waxay dhakhtarka iyo umulisadu ku qorayaan halka uu uurku marayo. Hadafka baaritaannadu waa in isha lugu haayo xaaladdaada iyo tan ilmahaba, iyo in wixii dhibaata ah waqti hore laga war helo.

Gobollada qaar ayaa dumarka u fidiya marinta Sawirka dhegeysiga gudaha*. Sawir marintaa ayaa suuragelineysa ogaanshaha in ilmuhu qabo cuuryaannimo culus oo xagga jirka ah, ama inay jiraan dhibaatooyin kale. Adiga ayeyna kugu xiran tahay in aad ka faa’iideysato fursadaa.

Baaritaannada waad usoo wadan kartaa ninkaaga, ama saaxiibtaa ama hooyadaa.

U diyaar garowga dhalmada

Aad ayey kuu caawin kartaa in aad ka qeyb gasho isu diyaarinta dhalmada, gaar ahaan haddii ay tahay markii ugu horreysay ee dhasho. Halkaana waxaad ku baraneysaa arrimo la xiriira waxaa jirkaaga ku dhacaya inta aad uurka leedahay, iyo sida ilmuhu u koraan. Sidoo kale waxaa luguu tababarayaa sidii aad u neefsan laheyd ama jimicsan laheyd, taasoo carbineysa jirka isla markaana foosh sahleysa xanuunkana yareyneysa. Umulisada kala xiriir wixii fursado isu diyaarinta dhalmada ah ee laga heli karo xaafaddaada.

Ninkaaga, ama qof kale oo aad dooneysid iney kula joogto marka aad dhaleysid, waad usoo wadan kartaa tababarka.

Haddii aad dooneysid in aad guriga ku dhashid

Qeybaha dhalmada badankood waxay fursad kuu siinayaan in aad gurigaaga ugu dhashid si lamida tan isbitaalka. Mid kamida umulisooyinka isbitaalka ayaana xilliga dhalmada guriga idinkugu imaaneysa. Qeybaha dhalmada ee aan fursaddaa laheyni waxay qofka u diri karaan meel kale. Gobollada qaar kamida nidaam gaara ayey guri ku dhalidda u sameeyeen, taasoo umuliso gaar ahi ay ku shaqa leedahay baaritaannada uurka iyo guri ku dhalidda intaba.

Weydii mar kasta oo shaki qabtid

Dhakhtarka iyo umulisadu waxay diyaar u yihiin iney kaaga jawaabaan su’aal kasta aad qabto, inta aad uurka leedahay. Haddaba xasuusnow in aad weydiiso, marka kasta oo aad shakisid, haddii ay ahaan laheyd qaababka loo dhalo, siyaabaha xanuunka loo yareeyo xilliga dhalmada ama arrima kale oo aad uga duwan. Su’aalahaaga hore usii qoro, si aadan arrin muhiima isaga hilmaamin. U sheeg sidoo kale, haddii ay jirto qaab gooniya oo aad dooneysid in aad u dhasho ama arrimo dhalmada kadiba, sida tusaale ahaan raashinka lagaa siinayo isbitaalka ama kliinikada. 

Marka dhaliddu bilaabato

Marka aad dareento in dhalmadu billaabaneyso, waa in aad wacdaa qeybta dhalmada ee isbitaalka. Halkaana waxaa luguu sheegayaa in la joogo waqtigii aad isbitaalka imaan laheyd, ama waxay kaa codsanayaan in aad mar kale soo wacdo. Adinka ayaana ku shaqa leh safarka soo aadidda isbitaalka. Ha hilmaamin qalabkaaga suuliga iyo joogga dharka ilmaha ah ee ugu horreeya.

Aabaha ilmuhu goob joog waa ka noqon karaa

Dhalmadu waa dhacdo aad u xiisa leh, taasoo astaahisha inuu kula qeybsado qof aad kuugu dhow. Aabbayaal badan ayaa ka qeybgala dhalmada, laakiin haddii taasi aysan kuu suurageleyn, waxaa kusoo raaci kara qof kale oo aad ku kalsoon tahay, gacanna ku siin kara inta aad dhaleyso.

Adiga ayaa go’aanka iska leh

Qaab gooniya oo aad dhaleysaa ma jiro, adiga ayeyna ku jirtaa in aad inta fooshu ku heyso socsoconeyso, fadhineyso ama jiifaneyso. Meela badan ayey suuragal tahay in aad berked biya kulula dhexgasho. Marka aad dhaleysid waxaad heli kartaa qaabab kala duwan oo daweyn xanuun yareyn ah. Umulisada ayaana qiimeyneysa qaabka adiga kuugu habboon. Haddii qalliid uu lagama maarmaan noqdo, waxaad kala dooran kartaa in lugu suuxiyo iyo in meesha qallaiinka lagaa kabaabyeeyo.

Xiriirka muhiimka ah ee ugu horreeya

Xiriirka xagga istaabashada ugu horreyaa qiima weyn ayey u leedahay hooyada iyo ilmaha intaba. Sidaa darteed umulisadu waxay ku weydiin doontaa in aad rabto in ilmaha dhabta luguu saaro, isla marka uu dhasho. Waa talo wanaagsan in ilmaha dhakhso naaska lugu duwo dhalidda kadib, sababtoo ah waxaa sidaa ku fududeyneysa in aad isla markiiba ku dhaqaaqdo nuujinta. Iyo sidoo kale in caanaha ugu horreeya, dambarka, ay ku jiraan nafaqooyin iyo maadooyin jirka difaac u leh, kuwaasoo ilmaha muhiim u ah. Haddii aadan dooneyn in aad ilmaha naaska nuujinin, waa in aad umulisada u sheegtid.

Qeybta nasashada dumarka dhalay

Marka aad dhashid adiga iyo ilmahaba waxaa la idiin wareejinayaa qol ku yaalla qeybta nasashada dhalmada*. Halkaana waxaa lagaa saacidayaa xannaaneynta ilmaha, isla markaana waxaa lagaala talinayaa sida ugu habboon ee aad u nuujin laheyd, ugu qubeyn laheydii ama u heyn laheyd ilmaha cusub.

Caddeynta dhalashada, magacbixinta iyo waqlasha

Marka ilmuhu dhasho, foom ayaa waalidiinta la siiyaa si ay usoo buuxiyaan oo u geeyaan ama ugu diraan xafiiska kaniisadda ee xaafadda ilmuhu ku dhashay. Xafiiska kaniisaddu wuxuu u sameynayaa warqadda dhalashada. Kaniisadda dadweynaha* ee deenishka ayaa dowladda uga masuula diiwaan gelinta ilmaha dhasha oo dhan iyadoo aan diin loo eegin.

Kaniisadda dadweynaha ayaa dadka oo dhan diiwaan gelisa

Kaniisadda dadweynaha ayaa sidoo kale diiwaan gelisa dhamaan magacyada carruurta dhalata. Haddaba magaca ilmaha loo bixinayo waa in xafiiska kaniisadda loo sheego. Waana in sidaa la yeelo ugu dambeyn marka ilmuhu jiro lix bilood. Markaa ilmaha waxaa loo sameynayaa caddeynta dhalashada iyo magaca. Ilmaha sidoo kale waa loo magac bixin karaa marka kaniisaddu u waqlaleyso, ama macbad kale oo la aqoonsan yahay. Markaa ilmaha waxaa loo sameynayaa caddeynta dhalashada iyo waqlasha. Caddeynta waxaa loo isticmaalayaa, tusaale ahaan, codsiga baasaboorka.

Magaca koowaad waa inuu ahaadaa mid la aqoonsan yahay

Lama oggola in ilmaha loo bixiyo magac "dhibaato" ku noqon kara, una keeni kara in lugu caayo ama lugu dacaayadeeyo. Wasaaradda kaniisadaha ayaa soo saartay wareegto magacyada la oggol yahay ay ku qoran yihiin, waxaana laga akhrisan karaa bogga internetka wasaaradda. Qofku wuxuu wasaaradda kaniisadaha, isagoo u maraya xafiiska kaniisadaha, ka codsan karaa oggolaasho magac aan wareegtada ku xusneyn.

Haddii mid kamida waalidiintu heysto ama ku lahaan jirey dal kale dhalasho, waxaad ilmahiinna u bixin kartaan magac aan Danmark laga aqoonsaneyn, haddii magacu ka yahay magac koowaad oo caadi ah dalka aad labadiinnu ama midkiin uu ka yimid.

Fasaxa dhalmada iyo fasaxa waalidnimada

Dumarka uurka leh oo dhan waxay xaq u leeyihiin fasax dhalmada kahor iyo kadibba. Sidoo kale ilmaha aabihii in mudda ah ayuu fasax dhalmo qaadan karaa. Heyadaha dowladda iyo shirkadaha qaarkood ayaa heshiis guud, ama ballan ku saabsan, in shaqaalaha la siiyo mushaar inta ay fasaxa dhalmada ku jiraan. Waalidiinta aan mushaarka fasaxa dhalmada qaadan, kumuunaha ayey ka heli karaan ceyrta fasaxa dhalmada. Sidoo kale taasi waxay khuseysaa dadka shirkadaha leh haddii ganacsigoodu soo jiray ugu yaraan 6 bilood. Waalidiinta carruurta yar yar heystaa waxay sido kale heli karan ceyrta fasaxa waalidnimada. Shuruudaha ku xiran waaxda arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee kumuunaha ayaad kala xiriiri kartaa.

Kalkaalisada caafimaadka ayaa booqasho ku imaaneysa

Waxaad xaq u leedihiin in gargaaraha caafimaadku idin soo booqdo, taasoo lacag la’aan ah. Booqashada koowaad waxay dhici kartaa asbuuc kadib marka hooyada iyo ilmaheedu guriga yimaadaan. Kadibna booqasha kasta waad ka ballameysiin.

La soconaya koritaanka ilmaha

Howsha gargaaraha caafimaadku waa inuu idin kala taliyo sida ugu habboon ee aad ilmaha ula qabsan laheydeen. Gargaaraha caafimaadku waxay la soconeysaa koritaanka ilmaha ayadoo cabbireysa oo miisaameysa. Waxay baareysaa dareenka ilmaha, waxayna qiyaaseysaa xaaladdiisa xagga nafaqada, iyo horukaciisa xagga luqadda iyo xarakaadka. Gargaaraha caafimaadku wuxuu si gaara u tixgelinayaa sida qoyska oo dhan u nool yahay, waxayna idin siin kartaa talooyin ku saabsan koritaanka ilmaha, waxaadna kala hadli kartaan wixii shaki idinkaga jiro.

Gargaarayaasha caafimaadku cilmi ahaan waa kalkaaliyaal takhasus gaara leh. Sidaa darteed sidoo kale waxay idinkaga jawaabi karaan su’aalaha la xiriira sidii aad ilmaha ula tacaali laheydeen marka uu jirran yahay.

Baaritaannada dhakhtarka (qoyska)

Ilmihiinnu wuxuu dhakhtarka qoyska ka heli karaa baaritaanna caafimaad oo badan oo bilaash ah.

Kooxaha hooyooyinka

Gargaaraha caafimaadku waxay qaban qaabin kartaa kooxo hooyooyina oo deggan isku xaafad mudda isku dhowna wada dhalay. Hooyooyinka doonaya si isbeddel ah ayey guryahooda ugu kulmi karaan, si ay u sheekeystaan oo ay wixii waaya’aragnima ah isu dhaafsadaan.

Carruurta waa in la dhegeysto lana siiyo xanaano

Danmark waxaa guud ahaan carruurta loo arkaa noolayaal madax bannaan, kuwaasoo dadka waaweyn laga doonayo iney dhegeystaan, kana qeyb geliyaan go’aamada ayaga khuseeya, marka ugu horreysa ee ay wax kala gartaan.

Qoysaska, xarumaha xannaanada iyo iskuulladuba waxay xoogga saaraan sidii carruurtu ku baran lahaayeen iney masuuliyad qaadaan, oo ay tixgelin muujiyaan, hadba heerka ay awoodaan, taasoo hadba ku xiran da’dooda iyo biseylkooda.

Caruurtu waxay sida sharcigu dhigayo xaq u leeyihiin xanaano iyo kalsooni, waana in loola dhaqmo sidii qof qadderin mudan. Sidaa darteed waa mamnuuc waana ciqaab, in ilmaha la dilo ama siyaaba kale wax yeello loogu geysto.

Waxaana kamida gudniinka gabdhaha, taasoo ah dhaawac halisa, gabdhahana dhibaatooyin aad u halisa u keeneysa.

Carruurta iyo dhallinyaradaAudio

Xanaanada ilmaha yar yar, heynta maalinlaha ah iyo xarumaha xanaanada carruurta

Carruurta intooda ugu badan eena ka yar lix sanno waxay tagaan meelaha malinti caruurta lagu hayo, heynta ilmaha yar yar iyo xannaanada carruurta, amase siyaabo kale ayey carruur kale ula joogaan xilliga maalinta. Waxaa jira qaabab badan oo fursadeed ilma heyn xilliga maalintii ah dagtilbud.Waxaa kumunaha masuuliyad saaran inuu bixiyo heynta ilmaha, iyo waxaa jira in kumuunayaasha isku mid aheen, inteey tirada fursadaha kala duwan ay bixiyaan tahay. Hase yeeshee kuwa ugu caadisani waa:

  • Heynta maalinlaha ah. Taasoo ah in cunugga iyo ilma kale guri biribaati ah lugu heynayo, oo ay heyneyso qof uu kumuunuhu soo ansixiyey. Gaar ahaanna waa carruurta da’doodu tahay 0-3 sanno.
  • Heynta ilmaha yar yar, ayadoo tahay fursad ilma heynta xilliga maalintii ah ee carruurta u dhexeeya 0-3 sano.
  • Xannaanada carruurta, ayadoo tahay fursad ilma heynta xilliga maalintii ah ee carruurta u dhexeeya 3 iyo 6 sano.
  • Xannaanada carruurta ee qoyska guura, taasoo loola jeedo, in carruurtu maalintaa waqtigood kusoo qadanayaan miyiga ama duurka.
  • Xarunta xanaanada oo isku dhafka ah. Taasna waxaa laga wadaa, in carruurta jira 0-6 sano ay isku dhex jiraan.
  • Kala doorashada xurta ah. Taaso waxayt tahay nidaam oo in kumuunuhu qaarkood u fidiyo kabid dhaqaale waalidiinta doonaya iney ilmahooda u helaan heyn xannaaneyn biribaati ah.

Waa in aad adinku boos codsataan

Si caruurtiin loogu diiwaan geliyo xanaaneen fursadeed, waa in aad la xiriirtiin xafiiska bixiya boosaska xannaanada ee kumuunaha. Haddii aan isla markiiba boos loo heyn, waxaa ilmaha lugu qorayaa liiska boos sugidda. Marba marka ka horreysa ee cunugga aad liiska kusoo qortaan, wuu ka si weynaanaya jaaniska cunugga in aad heshaan meesha aad dooneysaan. Haddii aad dooneysaan in cunugga bilaabo xarunta heynta ilmaha yar yar, waa in aad diiwaan gelisaan isla markiiba oo ilmuhu dhasho.

Haddii aad kumuune kale u guurtaan

Haddii aad kumuuna kale u guurtaan inta aan ilmuhu xannaanada caruurta billaabin, waa in aad la xiriirtaan kumuunaha cusub, si ilmaha halkaa looga diiwaan geliyo liiska sugitaanka. Xasuusnaadana in aad sheegto muddada uu ilmuhu liiska kumuunihii hore ku jiray, si aan safka gadaal la ina kakaga qorin.

Haddii aad kumuuna kale u guurtaan marka ilmuhu xannaanada billaabeen kadib, waa in aad la xiriirtaan kumuunaha cusub, si ilmaha halkaa looga diiwaan geliyo.Waxaa laga yaaba in fursad u heysataan in ilmuhu xaruntii hore ee kumuunihii aad kasoo guurteen idiin sii joogaan ilaa lix bilood, marka aad guurtiin kadib.

Wac oo booqasho kala ballan

Waxaa markasataba idiin furan in aad xaruma tira badan soo booqataan, kahor inta aad go’aan ka gaarina, meelihii aad ilmahiinna u dooneysaan in lugu xannaaneeyo. Wac xarumaha aad dooneeysaan oo ballanso ka qaata waqti hore, si aad u hubsantaan, ee shaqaaluhu ay waqti idinkugu helaan ay idinkula hadlaan ayna xarunta idinkusoo wareejiyaan.

Lacag bixinta

Adinka ayaa iska bixinaya booska xarunta dowliga ee xannaanada maalintii. Laakiinse dowladda ayaa qeyb qarashka bixineysa, haddaba ma bixineysaan, qarashka dhabta ah ee booska qiimahiisa. Haddii carruur dhowr ahi idiin dhigtaan isku xanaano, waxaad leedihiin qiima dhimidda walaalaha, waxaa intaas inii dheer in aad ka codsan kartaan kumuunaha boosaska caruurta inii dhigato qiima barkii ah amaba lacag la’aan ah. Weydiiya Kumuunaha shuruu-daha ku xiran arintaasi.

Waajibka in aad ilmaha heyn u hesho

Dhamaan, dadka qaata lacagta ceyrta, lacagta ururka shaqaaluhu siiyo dadka shaqaynin amaba lacagta soo dhoweynta, waa iney suuqa shaqada diyaar u yihiin. Taasna waxaa loola jeedaa in ey qofka khasab ku tahay in oo billaabo shaqo ama qaato tababar shaqo*, marka luguu fidiyo. Iyo ma awoodi kartid in shaqo billaawdid ama qaatid tababar shaqo, haddii aadan heysan qof carruurta ku xanaaneeya.

Haddii aadan weli helin fursada aad carruurta kuu xannaaneysa, kumuunaha laga yaabaa in boos idinka siiyo xarunta heynta maalintii ama heynta maalinlaha ah. Waana in aad qaadataan, haddii kale waxaad weyn kartaan kaalmada dhaqaale.

Kabidda heynta gaar ahaaneed

Kumuunayaasha qaarkood waxaa suuragala in dhaqaale ahaan lagaa kabo in aad adigu naftaada carruurtaada heyso karto. Fursad kalena waa in dhaqaale ahaan lagaa kabo in aad shaqaaleysato gabar carruurta kuu heysa. Waxaynu ilaa iyo hadda taasuna ku xirantahay kumuunaha inuu kuu siiyo kabidaa.

Howl maalmeedka xarunta

Xarunta xannaanada maalintii caadi ahaan waaxa badanaba loo kala qeybiyay dhowr qolal. Taasoo loola jeedo, in carruurta loo kala qeybiyo kooxa yar yar ayadoo loo fiirinaayo da’da ama baahi kale oo khaas ah. Qolalkiiba kasta waxay leeyahiin shaqaale joogta ah, kuwaasoo qorsheysata howlaheeda. Caadi ahaanna waa kuwa aad la kulantaan, marka aad carruurtiina geyneysaan ama aad ka soo xeysaneeysiin xanaanada.

Maaha heyn kaliya

Fursadaha ilma heynta kumuunuhu waa ka duwan yahay waana ka ballaaran yahay nidaam heyn oo kaliya ah. Waxay leeyihiin shaqaale aqoon u leh tarbiyada carruurta, waxayna qabtaan howl aad uga baaxad weyn carruur heyn oo kaliya.

Waxay ku dadaalaan, ayagoo adeegsanaya heeso, sheeko, ciyaar, duur kusoo lugeynta, booqashada matxafyada, tiyaatarrada iyo xarakaadyo kaleba, iney carruurtu ka koraan xagga luqadda, jirka iyo maskaxdaba. La joogidda carruurta kalena waxay carruurtu ku baranayaan qaadidda masuuliyad bulsho iyo sida leysu xaqdhowro.

Sidoo kale carruurtu waxay yeelanayaan saaxiibbo ay la ciyaaraan, waxayna saaxiibbada iyo macallimiinta ka baranayaan luqadda deenishka iyo bulshada intaba. Sidaa ayaana xarumaha xannaanadu ilmaha u siiyaan waaya’aragnimo dhiirrigelin u noqoneysa, marka ay iskuulka billaabi tagaan.

Ka sheekee ilmihiinna

Marka ilmihiinnu ay goobta xannaanada billaabayaan, waxaa fadhiga shirka laydinkugu sheegi doonaa warbixin la xiriirta sharciyada iyo nidaamka shaqada khuseeya howl maalmeedka xarunta ee goobta. Iyo adinka naftiina karikara in aad ka sheekeysaan ilmahiinna. Ma jiraan xaalado khaas ah oo ay tahay in shaqaaluhu ogaadaan? Waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, cunugga cuntada oo u barayay ama dhibaato ka heysata xarakaadyada khaas ah. Haddi ey shaqaaluhu goobta si wanaagsan garanayaan cunuggu, ayey shaqaaluhu caawin karaan iyo tixgelin karaan.

Xiriirka u dhexeeya xarunta iyo waalidka

Xiriir wanaagsan oo u dhexeeya adinka waalidiin ahaan iyo shaqaalaha xaruntu wuxuu muhim shardi u yahay cunugga korinkiisa oo faraxad leh. Sida caadiga ah waxaa sabuurado ogeysiiska lugu qoro ka akhrisan kartaan wixii qorshooyin ama xarakaadyo ah ee goobta xanaanada.

Sidoo kale maalin walba waad la hadli kartaan shaqaalaha tarbiyada ee carruurtiinna ka masuulka a, iyo kana dhegeysan kartaan sida xaalku maanta ahaa, iyo una sheegi kartaan wixii isbeddel ah ee ka dhacay qoyska, taaso ay ilmaha is weyn u saameyneyso.

Haddii aad u baahan tihiin waqti dheer oo aad kula hadashaan shaqaalaha xarunta, waxaad codsan kartaan shir la dhaho wadahadalka ee waalidiinta.

Xaruma badan oo maalintii caruurta lugu ahay ayaa leh shaqaale ku hadla laba luqadood, kuwaasoo ka qeyb gala wadahadalka ee waalidiinta. Haddii ey jirtoba, in ey joogin shaqaale ku hadla luqadda oona yaqaana luqada loo baahan yahay, turjubaan ayaa markaase loo yeerayaa.

Shirarka waalidiinta

Labbo jeer sanadkiiba xarunta xannaanadu waxay u qabataa shirar waalidiinta oo dhan. Halkaasoo shaqaalaha tarbiyadu kugu sheegayaan qoryaasha sanadka, iyo soo qaadaan mowduucyada oo dooda u furan. Waxay filayaan, iney waalidiintu imadaan, sababtoo tahay shirarkaasu waxaa loo sheegayaa warar muhiim ah, oo la xiriira, waxyaabaha xarunta ey qabato amaba ka jira. Sidoo kalena waxay waalidiintu soo jeedin karaan bareer ku saabsan mowduucyo iyo xarakaadyo khuseeya carruurta iyo waalidiintaba. Mid kamida shirarka waalidiintu, waalidiinta waxay ku dooranayaan wakiillada waalidiinta ee guddiga waalidiinta.

Guddiga waalidiinta

Xarunta hoggaankeeda ayaa leh masuuliyadda maamulka shaqada maalmeedka.Hase yeeshee guddiga waalidiintu waxay wakiil ka yihiin waalidinta rabitaankooda iyo aragtidooda, iyo waxay ku leeyihiin saameyn xarunta mabaadi’da tarbiyeynta ey ku dhaqanto, iyo sidii lacagtii, xarunta loo qoondeeyey loo isticmaalilahaa.

Dhallinyaro u dhexeysa laba dhaqan

Labadaba, waalidiinta iyo dhallinyaraduba waxay soo mareen dhibaato muddada dhallinyarannimada dhibaato. Dhallinyaradu waa isbeddeleysaa jir ahaan iyo maskax ahaanba. Waana isi soo saaraan, kana xoroobaan waalidiinta oo ay muujiyaan iney isku filan yihiin. Isla markaasuna aya waalidiintu weli ka masuul yihiin iyo oo ay u taliyaan noloshooda, xadna u yeelaan baxbaxsiga dhalinyarda.

Waxaa dhici karto in khaas ahaan ugu adkaaneysaa dhallinyarada iyo waalidiinta, markay la kowsadaan dhaqanka deenishku uu aad uga duwan yahay koodii hore. Dhallinyaradu waxay jahawareer kala kulmaan dhaqanka dhallinyarannimo, ee ay bulshada deenish ka kala kulmayaan, iyo dhaqanka lugusoo koriyey ee gurigooda. Waalidiintuna sidoo kale ayaa laga yaabaa iney ku adagtahay fahmidda caadooyinka bulshada deenishka, oo markaa ay ka welwelsan yihiin sida ilmahoodu ay noqon doonaan.

Waxaa suuragala inaad heshid cawinaad oo dad khibrad u leh oo kaa caawisa xillinta dhibaatooyinka isku cakirmay. Labadaba, waalidiinta iyo dhallinyaradaba waxay heli karaan talabixin iyo jiheen - wadajir ahaan iyo kali kaliba. Kumuunaha weydii ama tijaabi khadka telefoonka ee dadka iskubuuqa ama talabixinta khadka telefoonka ah. Waa lacag la’aan, iyo waxaadna ula xiriiri kartaa qarsoodi ahaan.

Gargaarka ilmaha iyo qoysaska dhibaateysan

Waalidiinta ayaa ka masuula iney ilmahooda siiyaan jaceyl iyo xannaano, una diyaariyaan hoy nabadeed oo ay ku barbaaraan. Bulshadu soo faragelin meyso, haddii uusan jirin shaki laga qabo in ilmaha dhibaato heysato.

Haddii ay taasi dhacdo, kumuunuhu qoyska ayuu la xiriiraa, iskuna dayaa inuu la xalliyo dhibaatooyinka. Qoyska ama qof kamidana sidoo kale gacan qabasho waa codsan karaa.

Haddii dhibaatadu ay aad u culus tahay, waxaa ilmaha in muddaa la geyn karaa xarun ama qoys kale ayaa loo dhiibi karaa. Dhallinyarada ay heysato dhibaatooyin xagga bulshada oo culus, iyo haddii waalidku uusan hanan kareyn, waxay degi karaan xaruma gaara, oo ka saacidaya sidii ay waxbarasho ama shaqo u bilaabi lahaayeen. Taasina waxay sidoo kale khuseysaa dhallinyarada ka yar 15 sano, oo dembiya hore u galay.

Nolosha waayeelnimadaAudio

Mushaarka waayeelnimada iyo howlgabnimada waqti hore

Da’da howlgabnimadu sida caadiga ah waa 65 sano, laakiin qaar ayaa doorta iney suuqa shaqada waqti hore kabaxaan, isla markaana qaataan waxa loo yaqaan mushaar kabid. Qaar kale waxay qabaan dhibaatooyin waaweyn oo xagga jirka iyo maskaxdaba ah, taasoo u keenta ineysan shaqeysan kareyn, markaa waana iney qaataan dhaqaalaha howlgabka horay. Waxaa jira shuruuda gaara oo u dhigan mushaar kabidda iyo howlgabnimada horay. Weydii kumuunaha.

Howlgabnimada dadweynaha

Sida howlgabka saxda ah qofku waxuu xaq u leeyahay in la siiyo lacagta howlgabka saxda ah. Haddii aad Danmark degganeeyd 40 sano laga bilaabo 15 jirkaagii ilaa aad howlgab noqotay, waxaad xaq u leedahay lacagta howlgabnimada oo buuxda. Haddiise aad Danmark mudda gaaban degganeyd, asaas ahaan howlgabnima yar ayaad xaq u leedahay. Xafiiska howlgabnimada kumuunaha ayaa xisaabinaya, kuuna sheegaya inta aad xaq u yeelan karto.

Waayeel firfircoon

Waayeellada wadaniga doonaya ama kara, waxay heeystaan fursado badan oo danahooda ku fushadaan, uguna noolaadaan nolol firfircoon. Siyaasadda waayeellada deenishku waxay ku dhisan tahay in waayeelladu naftooda masuuliyadda tan ugu weyn ka saarantahay iyo saameynta noloshooda. Mar hadi aad tahay waayeel hadaba waxaad leedahay fursad in aad ka qeybgashid marka arin go’aan laga gaarayo. Labadaba, qorshaha adiga naftaada ku khuseeya iyo kuwa nawaaxiga khuseeyaba. Waxaana jira guddi waayeellada, oo lagasoo doorto waayeellada kumuunaha deggan, iyo wuxuuna kumuunaha kala taliyaa xaaladaha sida gaarka ah u taabanaya waayeellada ee nawaaxiga degaanka deggan.

Saacidaadda howsha guriga

Waayeellada intooda badani guri ayey degganyahiin oo naftooda ismaamula, hadba inta ay kari karaan. Waxaa laga yaaba in ey helaan shaqaale ka caawina jir nadiifiskooda iyo lagana caawiyaa tusaale ahaan nadaafadda guriga iyo adeegga raashinka. Heerka saacidaaddu ey helayaan wuxuu ku xiran yahay hadba sida kumuunuhu baahidooda u qiimeeyo.

Guryaha waayeellada

Haddii aad waayeel tahay iyo u baahi khaas ah aad qabto ama aad qabto dhibaato xagga jirka ah, waxaad ka dalba kartaa kumuunaha guryaha waayeellada. Guryahaana waxaa loo sameeyey, qaab ku habboon waayeellada iyo dadka cuuryaamiinta ah. Gurya badan ee waayeellada ayaa xiriir la leh xarun xannaaneyn, haddaba waa fududdahay in aad gargaar u yeerato. Waxaa dhici in aad saf u gasho guryaha waayeellada. Marka waxaa haboon in aad mar hore liiska iskusii qorto waqti fiican.

Guryaha la ilaaliyo mase xarunta xanaanada waayeellada

Waayeelka, u baahan xannaana badan, waxa heli karaan guri la ilaaliyo ama hoyga xannaano, halkaasoo ay joogaan shaqaale howlaha caadiga ah u xilsaaran sida sameynta raashinka, dhardhaqidda, nadaafadda iyo iney degganayaasha ka saacidaan xagga nadaafadda qofku u shakhsi u ah.

Waayeelladu ayaga ayaa iska bixinaya qarashka howlaha loo qabanayo. Hase yeeshee qarashkaasi caadi ahaan waa wax ay ku filan yihiin, inkastoo ay lacagta howlgabnimada kaliya qaataan.

Marka nafta waqtigeedu dhamaatoAudio

Warqadda dhimashada

Marka qof dhinto waa dhakhtar qoraa warqad caddeyneysa dhimashada. Haddii qofku guriga ku dhinto waa reerkiisu dhakhtarka wargeliyaan sida ugu dhakhsaha badan. Qoyska waxaa la siinayaa caddeynta dhimashada iyo diiwaan gelinta dhimashada, taasoo la geynayo xafiiska kaniisadda ee xaafadda uu qofka dhintay degganaa. Kaniisadda dadweynaha ee deenishka* ayaa, ayadoo ka wakiila dowladda, diiwaan gelisa qof kastoo dhinta ayadoo aan loo fiirin diintiisa iyo qoyska uu ka dhashay toona.

Maxkamadda dhaxalku* si toosa ayey ugu warheleysaa marka qof dhinto, in yar dhimashada kadibna waxay isugu yeertaa eheladiisa. Halkaana waxaa looga wadahadlaa sidii laga yeeli lahaa wixii hanti ah ee uu ka dhintay.

Duugista

Caadi ahaan qofka dhintay waa in la aaso ama la gubo siddeed beri gudahood. Dadka duugta qabanqaabiya ayaa kaa saacidaya wixii howlaha duugta la xiriira. Waxaana suuragala in kumuunuhu dhaqaale ahaan duugta kaa kaalmeeyo. Haddii qofka dhintay dal kale lugu aasayo, kumuunaha ayaa meydka u sameynaya baasaboor gaara oo lugu qaado.

2.100 qubuurood

Kaniisadda dadweynaha* ee deenishku waxay leedahay qiyaas ahaan 2.100 oo qubuurood, dhamaan degganayaasha Denmarkna waxay xaq u leeyihiin in lugu duugo qubuuraha xaafadda ay deggan yihiin. Haddii qofku xubin ka yahay diin kale, oo uusan ka tirsaneyn kaniisadda dadweynaha, qofkaasi xaq uma lahan in duugtiisa loo fuliyo sida cadooyinkiisa iyo dhaqankiisu tilmaamayaan oo dhan. Hase yeeshee qofku sida uu doonayo maamulka qubuuraha wuu u sheegan karaa.

Goobaha duugista dadka diimaha kale heysta

Qubuuraha qaarkood waxay leeyihiin meela gooniya oo loogu talagalay dadka heysta diimaha kaduwan tan kaniisadda dadweynaha. Sidoo kale dadka diimaha kale heysta waxa u furan iney sameystaan goobo ay gooni dadkooda ugu aastaan. Wasaaradda kaniisadaha ayaa oggolaashada bixisa, laakiin mujtamaca diintaasi waa iney soo helaan dhul ku habboon, isla markaana bixiyaan qarashka iibsashada iyo hagaajinta.

Ogolaashada godka aaska

Oggolaashada waxaa shardi u ah in heyadaha caafimaadku oggolaadaan iyo in isla markaana meesha ay khuseyso loo sameeyey naqshadda nawaaxiga. Sidoo kalena waa inay jiraan shuruuc qeexeysa isticmaalka iyo ilaalinta qubuuraha ama godka aaska. Mujtamaca diintaasi ayaga ayaa go’aaminaaya cidda lugu duugayo qubuurahaas.





Casriyeenta ugu dambeeyey: 6/30/2549
Waxaa daabacay: The Ministry of Refugee, Immigration and Integration Affairs
Lamaanayaasha halka laga galo Wasaaradda Qaxootida, Laanta Socdaalka iyo Arrimaha Is-dhexgalka - Laanta Socdaalka Daanishka