Bogga hore

3. DANMARK - BULSHO DIMOQORAADI AH SHARCI KU DHISAN



Qaabka xukunkaAudio

Danmark waxaa ka jira dimoqoraadiyad loo dhan yahay*. Taas waxaa loola jeedaa, in go’aamada ugu muhiimsan ay gaarayaan siyaasiyiin - haddii ay noqon laheyd baarlamaanka*, guddiyada maamulka gobollada* iyo guddiyada maamulka kumuunayaasha* - ay soo doorteen shacabku.



Awoodda sharci dejinta, fulinta iyo xukumidda

Dowladda iyo baarlamaanka ayaa sharciga dejiya. Dowladda iyo heyadaha qaranka ayaana sharciga dhaqan geliya. Maxkamadaha - maxkamadda degmada, tan gobolka iyo tan sare - ayaa xukuma, isla markaana xadeeya ciqaabta dacwooyinka u dhexeeya, tusaale ahaan, dadweynaha, dadweynaha iyo shirkadaha gaarka ah, ama dadweynaha iyo heyadaha dowladda.

Awood qeybinta noocaan ah waxaa loogu talagalay iney kahor tagto ku tagri falidda awoodda iyo in lugu dadaalo sidii awoodda shacabku* ku waari laheyd.

Dastuurka

Dimoqoraadiyadda waxaa la sameeyey 1849

Dimoqoraadiyadda deenishka, awoodda shacabka*, waxaa la sameeyey sanadkii 1849-kii. Waxayna beddeshay nidaamkii kali taliska* ahaa ee boqorka sinaayey awood xad dhaafa lagasoo billaabo 1660-kii.

Saldhiggiisuna waa dastuurkii bishii Juun 1849, kaasoo ahaa dastuurkii dimoqoraadiga ahaa ee Danmark ugu horreeyey. Mabdi’diisuna - inkastoo dastuurku uu soo maray wax ka beddelid badan - weli waxaa laga heli karaa dastuurka hadda jira ee ka yimid 1953-dii.

Dumarku waxay xaqa codeynta heleen 1915-kii, kadib markii dastuurka la beddelay.

Xuquuqda dastuuriga ah

Dastuurku wuxuu qorayaa shuruucda aasaasiga u ah maamulka qaranka, wuxuuna shacabka siinayaa xuquuq iyo xorriyado aasaasi ah oo fara badan.

Waxaa laga yaabaa in kuwaasi yihiin kuwa qiimaha ugu weyn u leh nolol maalmeedka deenishka. Marka ay dadku ka hadlayaan "xuquuqdooda dastuuriga ah" waxaa laga wadaa, tusaale ahaan, xaqa in qofku uu si xor ah u hadli karo, xaqa in la shiri karo, xaqa sameysashada ururro, xorriyadda diinta iyo xaqa lahaanshada hanti gaar ahaaneed tan ay ka hadlayaan.

Qoyska boqortooyada

Boqortooyada dunida ugu faca weyn

Boqortooyada deenishku waa tan adduunka ugu faca weyn. In kabadan 1000 sano ayey Danmark ka jireen boqorro iyo boqorado, amiirro iyo amiirado. Boqorkii Danmark ugu horreeyey, inta la ogsoon yahay, wuxuu ahaa Gorm duqoow, kaasoo talin jirey xilligii 900. Laga billaabo 1660 ilaa 1849 waxaa dalka xukumi jirey boqorro kali taliyaal ahaa.

Boqortooyo dastuuri ah

Maanta waxaan leenahay boqortooyo dastuuri ah oo ku shaqeysa si dimoqoraadiyadda waafaqsan. Taasna waxaa kamida, in awoodda sharci dejinta ay boqorka iyo baarlamaanku si wadajira u leeyihiin.

Shuruucda waxaa isku raaca baarlamaanka waase inuu boqorku saxiixaa. Qoyska boqortooyadu malahan wax awood siyaasadeed ah, hase yeeshee wuxuu qabtaa howlo badan oo uu uga wakiil yahay Danmark gudaha iyo dibeddaba.

Beddelidda dastuurka ee 1953-dii waxay dhalisay, in boqorku nin kaliya uusan noqon karin, ee ay gabadhuna sidoo kale boqor noqon karto.

Awoodda sharci dejinta

Baarlamaanka qaranku, golaha shacabka, wuxuu ka kooban yahay 179 xubnood oo ka kala socda xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan. Xubnaha baarlamaanka waxaa markiiba la doortaa muddo 4 sano ah. Hase yeeshee Ra’iisul wasaaruhu wuu kala diri karaa baarlamaanka, wuxuuna ku dhawaaqi karaa doorasho cusub, inta aysan 4ta sano dhamaan.

Laba kamida xubnaha baarlamaanka waxaa lagasoo doortaa Grønland, laba kalana Færøerne.

Dadweynaha u furan

Waxaa calaamadaha ugu muhiimsan ee awoodda shacabka kamida, iney tahay mid qayaxan, oo la fahmi karo. Dhamaan doodaha baarlamaanku sidaa darteed dadweynaha waa u furan yihiin. Qof kastaana waa la xiriiri karaa siyaasiyiinta, oo su’aala weydiin karaa. Nidaamka siyaasadeed waxaa sidoo kale koontaroola oo dhaliila dadweynaha ayagoo adeegsanaya saxaafada.

Margrethe II

Boqorad Margrethe II waxay boqoradda Danmark aheyd lagasoo billaabo 1972-dii. Monarkiyada deenishka ayaa looga jecel yahay dadweynaha agtooda. Siyaabo badan ayuuna tusaale ugu noqday midnimada qaranka iyo waxyaabaha isku xira muwaadiniinta bulshada deenishka.

Awoodda Fulinta

Maamulka qaranka

Dowladdu waxay ka kooban tahay wasiirro ka socda hal ama dhowr xisbi, waxaana hogaamiya Ra’iisul wasaare. Dowladdu waa iney iscasisho, ama doorasho cusub lugu dhawaaqo, haddii baarlamaanka intiisa badani aysan dowladda ku kalsooneyn. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada magacaabaya, kuwaasoo mid kastaa yeelanayo masuuliyad u gaara. Wasaaraduhu - ayaga, degmooyinka iyo gobollada - dhamaantood waa qeybo kamida awoodda fulinta, waxaana caadi ahaan loo yaqaan "maamulka qaranka".

Shaqada dowladda iyo wasaaradaha ee ugu muhiimsani waa soo diyaarinta iyo maamulidda shuruucda.

Awoodda Xukumidda

Maxkamado madax banaan

Maxkamadaha deenishku waa madaxa bannaan yihiin. Taas waxaa loola jeedaa in dowladda iyo baarlamaanka midkoodna aysan fara gasha karin sidey wax u xukumayaan.

Danmark waxay leedahay maxkamad sare, 2 maxkamad gobol iyo 82 maxkamadaha degmooyinka ah. Sidoo kale maxkamado gaara oo kala duwan ayaa jira, kuwaasoo ku shaqa leh qaadidda dacwooyin khaas ah. Waxaa kamida, tusaale ahaan, maxkamadda shaqada iyo maxkamadda badda & ganacsiga.

Maxkamadda degmada iyo maxkamadda gobolka

Dacwooyinka badankood - kuwa madaniga ah iyo kuwa ciqaabta intaba - waxaa marka ugu horreysa lugu qaadaa maxkamadda degmada*. Haddii go’aanka maxkamadda degmada abiil laga qaato, waxaa sida badan dacwada loo gudbin karaa maxkamadda gobolka*.

Maxkamdda sare

Maxkamadda sare waa maxkamadda dalka ugu sarreysa. Waxaa jirta maxkamadda racfaanka, taasoo ujeeddadeedu tahay, iney qaaddo oo kaliya dacwooyinka abiilka laga qaatay, oo sida caadiga ah kasoo gudbay maxkamadda gobolka. Go’aanka karo.

Maxkamadda gaarka ah ee dacwooyinka

Qofku wuxuu u dacwoon karaa maxkamadda gaarkaa ee dacwooyinka, haddii uu doonayo in kiiskiisa ciqaabta dib loo furo, tusaale ahaan, warbixin cusub oo soo korortay darteed, ama haddii uusan qofku ku qanacsaneyn sida qaaddigu ama difaacu kiiska ula tacaalay.

Kumuunayaasha iyo dowladaha hoose

Degganayaasha u dhow

Danmark waxay u qeybsan tahay gobollo iyo degmooyin leh guddiyo si madaxbannaani ah loo soo doortay. Sidaana waxaa loo yeelay si loogu dadaalo in go’aamada intooda badan loo gaaro qaab dadweynaha aad ugu dhow.

Halka baarlamaanka iyo dowladdu iyagoo adeegsanaya sharciga ay ka dejiyaan qaabka guud ee ay bulshada deenishku u shaqeyn laheyd, hadafka kumuunayaasha iyo dowladaha hoose waa iney buuxiyaan qaab dhismeedkaa.

Tusaale ahaan, baarlamaanku wuxuu soo saaray sharciga qalabixinta*, kaasoo degmooyinka ku amraya iney qaadaan tallaabooyin horumarinaya qalabixinta dadka ku cusub Danmark.

Xisbiyada iyo liistooyinka dadweynaha

Kumuunayaashu waxay leeyihiin guddoomiye degmo iyo cadad xubno ah oo ka tirsan guddiga degmada, luguna doortay doorasho caadi ah. 4tii sanaba mar ayey dhacdaa doorashada dowladaha hoose. Doorashooyinkaa waxaa isu soo sharaxa xisbiyo iyo liistooyinka dadweynaha* intaba.

Maamul hoosaadka dowladaha hoose

Kumuunayaashu siyaabo badan ayey u yeelan karaan siyaasad maxalli ah oo u gaara. Sidaa darteed degmooyinka farqi ayaa u dhexeeya la xiriira inta qofku canshuur u bixinayo, cadadka xarumaha xanaanada iyo guryaha waayeellada ee loo baahan yahay, iyo noocyada fursadaha dhaqanka iyo fasaxyada ee la siinayo.

Heer gobol

Maamulka gobolku wuxuu qabtaa howlo kala duwan, oo laysla gartay in heer gobol ahaan loo fuliyo. Waxaana kamida gaadiidka dadweynaha qaarkood, maamulka isbitaallada, iyo kormeerka guud ee bii’ada.

Doorashooyinka iyo ka qeybgalka siyaasadeed

Xaqa doorashada

Qof kasta oo ay u buuxsantay 18 sano xaq ayuu u leeyahay inuu codeeyo ama isu sharaxo doorashooyinka dowladaha hoose. Hase yeeshee dadka aan heysan dhalashada EU* iyo Norden waxay ka qeybgeli karaan oo kaliya, haddii ay Danmark joogto u degganaayeen 3dii sano ee ugu dambeysay doorashada horteed.

Si aad uga qeybgasho doorashooyinka baarlamaanka iyo iyo doorashooyinka guud*, waa in aad heysatid dhalashada deenishka.

Dadka u dhashay EU way ka qeybgeli karaan doorashada baarlamaanka yurub* - ama hajoogaan dalkooda hooyo ama dalka ay deggan yihiin.

Qeyb muhiima oo kamida muwaadinnimada

Xilliga doorashada ama aftida guud waxaa qof kasta loosoo diraa kaarka doorashada, oo muujinaya goorta iyo meesha uu qofku tegayo si uu u codeeyo.

Ka faa’iideysiga xaqa doorashadu waa mid kamida qeybaha ugu muhiimsan ahaanshaha muwaadin ama deggane Danmark. Waana hab muhiima oo qofku ku hanan karo saameyn la xiriirta sidii aan u hagi laheyn bulshadeenna iyo nolol maalmeedkeennaba.

Xisbiyada siyaasadeed

Haddii uu qofku doonayo inuu cod ku yeesho dadka doorashooyinka dowladaha hoose loosoo sharaxayo, ama uu doonayo inuu isisoo sharaxo, wuxuu ku biiri karaa xisbi siyaasi ah, ama wuxuu iskasoo sharixi karaa liistada dadweynaha.

Si uu cod ugu yeesho go’aanka dadka isu sharaxaaya baarlamaanka, waa in qofku uu xubin ka yahay xisbi siyaasi ah.

Guddiga qalabixinta

Kumuunayaasha badankood waxay leeyihiin guddiyo kala duwan oo qaabilsan mowduucyo gaara. Waxaana kamida guddiga waayeellada, guddiga dhallinyarada iyo guddiga qalabixinta.

Howsha guddiga qalabixintu waa inuu guddiga maamulka kumuunaha kala taliyo howlaha qalabixinta kumuunaha.

Warbixin dheeraad ah oo la xiriirta in guddi qalabixin ka jiro - ama la sameyn doono - waxaad ka heli kartaa kumuunaha. Sidoo kalana waxaa kumuunaha lugu dhiirri gelin karaa inuu aasaaso guddi noocaas ah. Kumuunaha waxaa waajib ku ah inuu xogheyn u qabto guddiga qalabixinta.

Guddiga qalabixinta kumuunuhu wuxuu doorashooyinka dowladaha hoose wakiillo u doortaa guddiga ajaanibta ee heerka qaran ah, ee laga dhex doorto xubnaha qaxootiga iyo ajaanibta. Guddigaani wuxuu wasiirka qaxootiga, ajaanibta iyo qalabixinta kala taliyaa arrimaha khuseeya ajaanibta iyo qaxootiga.

 

Xisbiyada iyo ururrada hadafka gaara leh

Qofku siyaabo badan ayuu bulshada saameyn ugu yeelan karaa, oo aan aheyn oo kaliya inuu waqtiga doorashooyinka codeeyo ama uu xisbi siyaasadeed xubin ka noqdo. Tusaale ahaan, wuxuu xubin firfircoon ka noqon karaa urur hadafkiisu yahay fulinta hal ama dhowr danood oo gaara - urur qabta danaha gaarka ah.

Ururrada hadafyada gaarka ahi qiima weyn ayey u leeyihiin dimoqoraadiyadda deenishka, waayoo si firfircoon ayey uga qeyb qaataan doodaha guud, waxaana wax laga weydiiyaa bareerayaasha xagga siyaasiyiinta.

Marka bareere sharci baarlamaanku ka baaraandegayo, waxaa bareeraha caadi ahaan hore loogu diraa ururro kala duwan oo aqoon gaara u leh ama daneeya mowduuca sharcigaasi khuseeyo.

Ururrada hadafyada gaarka ah - sida ururrada bukaanka, ururrada dumarka, ururrada bii’ada ama suuqa shaqada - waxay sidoo kale ku dadaalaan iney ku dhiirri geliyaan siyaasiyiintau iney soo jeediyaan ama u codeeyaan bareere sharci, oo faa’iido u leh arrinta ay horumarinteeda ka shaqeeyaan.

Bulsho sharci ku dhisanAudio

In Danmark dimoqoraaddi tahay macnaheedu, sidoo kale, waa iney tahay bulsho sharci ku dhisan. Taasna macnaheedu waa in awoodda fulintu ay hoos tagto koontarool dimoqoraaddi ah, iyo in awoodda xukumiddu ay ka madax bannaan tahay maamulka kale. Waxaa kale oo kamida, in degganayaasha oo dhan ay leeyihiin xuquuq iyo xorriyado asaasi ah, in degganayaasha ay waajib ku tahay iney sharciga dhowraan, iyo in ay xaq u leeyihiin adeeq caddaalad ah ee maamulka dowladda iyo maxkamadahaba.

Waajibka sir-xafididda

Shaqaalaha dowladda waxaa saaran waajib sir-xafidideed. Taas macnaheedu waa in waxyaabaha aad u sheegto aysan usii gudbin cid kale oggolaashadaada la’aanteed - tusaale ahaan, cidda aad u shaqeyso ama dhakhtar.

Xaqa ogaashada warbixinta lagaa hayo

Sida uu dhigayo sharciga maamulka qaranku, waxaad xaq u leedahay in aad akhrisato warbixinta kiiskaaga ku qoran. Haddii aad codsato waxaad sida caadiga ah ogaan kartaa warbixinta ku dukumentigaaga.

Hase yeeshee codsigaaga waa la diidi karaa, haddii maamulku u arko, in ay dhaawici karto qof seddexaad haddii warbixinta lasii gudbiyo.

Garyaqaanka baarlamaanka

Garyaqaanka baarlamaanka waxaa doorta baarlamaanka, wuxuuna qaadaa dacwooyinka ku saabsan khalad ama dayacaad ka dhacday heyadaha dowladda. Taasi waxay ku timaadaa in loosoo dacwoodo ama in isagu uu tallaabo qaado. Garyaqaanku waa ka madaxbannaan yahay dowladda. Cid kasta waa lasoo xiriiri kartaa garyaqaanka, haddii ay la noqoto in xafiis dowladeed uu jebiyey sharciga ama uu galay khalad la xiriira ka shaqeynta kiiska. Hase yeeshee waa in qofku uu horta tijaabiyaa meela kale oo arrintu khuseyso oo loo dacwoon karo. La xiriiridda garyaqaanku waa bilaash.

Xuquuqdaada iyo fursadda dacwooshada ee ku wajahan heyadaha qaranka

Sharciga maamulka heyadaha qaranku wuxuu dhigayaa sida heyadaha qaranku degganayaasha ula macaamili lahaayeen.

Sharcigu wuxuu tusaale ahaan qeexayaa in diidmada codsiga had iyo jeer sabab loo yeelo. Waxaa kale oo uu qeexayaa, in heyadda qaranku had iyo jeer kaala taliso fursadaha dacwoosho ee kuu furan.

Sharciga waxaa kamida shuruuc ku saabsan muddada ay tahay in ka shaqeynta kiiskaagu qaadato, iyo nooca warbixinnada aad deggane ahaan xaq u leedahay in aad hesho. Sharcigu wuxuu haddaba qeexayaa shuruucda u dhigan ka shaqeynta kiisaska ee wasaaradaha, waaxaha, guddiyada iyo golayaasha, kumuunayaasha iyo dowladaha hoose.

Dembiga iyo ciqaabta

Haddii qof looga shakiyo inuu dembi galay, boliiska ayaa dacwadda baaraya, xafiiska xeer ilaalinta ayaa dacwdda kusoo oogaya, maxkamadda ayaana go’aan ka gaareysa in qofka la ciqaabo.

Waa in qofka maxkamad la horgeeyo 24 saac gudahood

Haddii qofka la qabto luguna eedeeyo dembi, wuxuu xaq u leeyahay in 24 saac gudahood qaaddi la hor geeyo, kaasoo go’aan ka gaaraya in qofku sii xirnaanayo inta baaritaanku socdo iyo in kale.

Qofka lugusoo oogo kiis ciqaaba waajib kuma ahan inuu hadlo marka boliisku wareysanayo, wuxuuna xaq u leeyahay qareen.

Ganaax iyo Xabsi

Waxaa jira laba nooc oo kala duwan oo ciqaab ah, kalana ah ganaax iyo xabsi.

Xukumo aan shuruud ku xirneyn iyo qaar shuruud ku xiran

Xukumada xabsiga ahi waxay kala yihiin mid shuruud ku xiran iyo midaan shuruud ku xirneyn. Haddii qofka lugu xukumo xun shuruud ku xiran, wuxuu qofku xabsi muteysanayaa oo kaliya haddii uu galo dembi cusub oo kale. Hase yeeshee waxaa dhici karta in xukunka shuruudda ku xiran ay la xiriiraan shuruuda kale, tusaale ahaan, in uu qofku oggolaado in la daweeyo.

Xukun dil ahi ma jiro

Danmark qofka lama toogto. Haddaba ciqaabta ugu adag ee maxkamaduhu isticmaali karaani waa xabsi-daa’in.

Dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 15 sano

Dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 15 sano lama ciqaabi karo. Hase yeeshee waxaa loo sameeyaa abaabullo ijtimaaci ah.

Waxaa tusaale ahaan dhici karta in cunugga loo diro koorsooyin gaar ah ama loo wareejiyo xarun xiran oo habeen iyo maalin ah.

Waraaqda dembi la’aanta

Xukunka shuruudda ku xiran iyo kan ku xirneyn intuba waxay keeni karaan dhibaatoyin halis ah, waayoo haddii qofka la xukumay waxaa waraaqdiisa dembi la’aanta ku aalleysa sababta loo xukumay iyo ciqaabta lugu xukumay.

Taasi waxay keeni kartaa mudda kadib, iney aad ugu adkaato inuu shaqo helo, waayoo shaqa bixiyuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu arko waraaqda dembi la’aanta inta uusan qofka shaqaaleyn ka hor.

Dacwad furasho lacag la’aan ah

Saacidadda qaranka

Haddii aad qeyb ka tahay dacwad socota, isla markaana aadan dhakhli sare laheyn, waxaad codsan kartaa, in kharashka dacwadda lagaa bixiyo. Haddii luguu oggolaado dacwad furasho lacag la’aan ah, dowladda ayaa kaa caawineysa bixinta kharashka looyarka iyo kan dacwaddaba.

Kaalma sharci

Haddii ay ku heysato dhibaato xagga sharciga ah, waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa xafiiska gargaarka sharciga ama qareenka heeganka leh, halkaasoo ay sharciyaqaannadu ay ku siin doonaan talabixin la xiriirta xallinta dhibaatooyinka xagga sharciga ah, taasoo bilaash ah ama aad wax yar bixineysid.

Booliska

Qof kastaa waa la xiriiri karaa booliska

Xilka asaasiga ah ee boolisku waa inuu ku dadaalo xasillooni iyo kala dambeyn, dhowrista sharciga iyo inuu ka hortago, baaro soona caddeeyo dembiyada. Qof kastaa waa la xiriiri kartaa boliiska, si looga caawiyo helitaanka alaabta ama dadka ka lumay, ama ay ula socodsiiyaan booliska ku xadgudub sharciga.

Tusaale ahaan waad la xiriiri kartaa booliska haddii dhac ama dhib luugu geysto, ama haddii ay kula tahay in midab kala sooc luguu geystay.

Boolisku sidoo kale waxay sameeyaan Bassaborrada iyo leysinnada.

Mudaaharaadyo

Danmark waa la oggolyahay in la mudaaharaado, waase in marka hore booliska la wargeliyaa. Boliisku sidoo kale mudaaharaadka goobjoog ayey ka noqonayaan. Howshooduna waa in mudaaharaadku u dhaco si nabadgelyo ah.

Wadashaqeynta SSP

Boolisku meela badan ayay waxay kala shaqeeyaan iskuullada iyo heyadaha sooshaalka, taasoo loo yaqaan wadashaqeynta SSP (oo u taagan "Iskuulka", "heyadaha Sooshaalka" iyo "Booliska"), si looga hortago in dhallinyaradu dembiyo ku kacaan.

Sharciyada boolisku ku shaqeeyo

Booliska waxaa u dhigan sharciyo kala duwan oo laga rabo iney raacaan marka ay qof qabanayaan ama ay wareysanayaan. Waa ineysan adeegsan gacan kahadal ama hendedaad. Qofka ay qabtaanna waa iney ku wargeliyaan xuquuqdiisa.

Kalsooni weyn ee booliska

Guud ahaan Danmark wuxuu boolisku kamid yahay xirfadaha dadweynuhu ay sida aadka ugu kalsoon yihiin. Haddii qofku uusan ku qanacsaneyn sida ay boliisku ula dhaqmeen wuxuu u dacwoon karaa xafiiska xeer ilaalinta*.

Sida xafiiska xeer ilaalintu cabashada ula tacaalayo waxaa il gaara ku eegaya Guddiga Dacwooyinka Booliska*, oo ah heyad madaxbannaan, fursad gaar ahna u heysata iney saameyn ku yeelato sida xafiiska xeer ilaalintu dacwada ula tacaalayo.

Aargoosi waa mamnuuc

Waa mamnuuc inuu qofku sharciga isagu iska fushado, sida inuu dad waxyeello u geysto dhib ay hore ugu geysteen awgeed. Taasi waa Aargoosi, waxayna keeneysaa ciqaab.

Danmark xiriirka ay la leedahay dunida kaleAudio

Xiriirra badan oo caalamiya

Maadaama Danmark tahay dal yar, waxay si aad ah u daneysaa iney wax wadaqabsi xoog leh leedahay oo isaga gudba xuduudaha oo dhan. Sidaa darteed waxay Danmark leedahay xiriirro badan oo caalamai ah.

Tusaale ahaan waxay Danmark xubin ka tahay ururka midowga Yurub (EU), Guddiga Yurub, Qaramada Midoobay (UN), Ururka Heshiiska Woqooyiga Atlantikada (NATO), Ururka Wax wadaqabsiga xagga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD) iyo Ururka Caafimaadka adduunka (WHO).

Heshiisya caalamiya

Sidaa darteed ayey Danmark saxiixday heshiisyo kala duwan oo caalami ah lana xiriira ilaalinta xuquuqul insaanka. Tusaale ahaan, heshiiska UN ee loogasoo horjeedo jirdilyada, heshiiska UN ee la dagaallanka nooc kasta oo midab kala sooc ah, heshiiska UN ee la dagaallanka nooc kasta oo lugu takoorayo dumarka iyo heshiiska UN ee xuquuqda carruurta.

Tan ku saabsan xubinnimadeeda Guddiga Yurub, waxay Danmark ku biirtay heshiiska xuquuqul insaanka ee Yurub, taasoo saameyn weyn ku yeelatay qawaaniinta deenishka.

EU

Danmark waxay EU xubin ka aheyd laga billaabo 1973-dii, oo markaas la dhihi jirey Isbaheysiga Yurub (EF). Laga billaabo markii Danmark ku biirtay, waxay EU saameyn ku yeelatay qeyba fara badan, dadweynaha deenishkuna badanaa way ku kala qeybsanaayeen su’aasha ku saabsan xiriirka Danmark la leedahay EU.

UN

Ayadoo adeegsaneysa xubinnimadeeda UN waxay Danmark ku dadaashaa iney gacan ka geysato kaalmada dadka liita iyo iney adduunka laga abuuro nabad iyo horumar, isla markaana la horumariyo qadderinta xuquuqul insaanka.

NATO

Xubinnimada xulafada NATO iyo ururka dhaqaalaha reer galbeedka OECD waxay Danmark ku xireysaa dalalka USA, Canada iyo dalal kale oo badan oo reer Yurub ah.

Wadashaqeyn caalami ah ee xagga horumarinta

Danmark waxay kamid tahay dalalka tirada yar ee bixiya lacag ka badan heerkii ay UN xadeysay oo aheyd 0,7% wax soo saarka dalka (GNP), ee loogu talagalay iskaashiga horumarinta dalalka saboolka ah ee Afrika, Asia iyo Latinamerika.

Mucaawinadaa dhaqaale waxay u qeybsan tahay mid lasii mariyo UN iyo ururro kale oo caalami ah, iyo mid toos ay Danmark u siiso dalka loogu talagalay.

Mucaawinadu waxaa had iyo jeer saldhig u ah wadashaqeyn joogta ah ee dalalka la siinayo, si ay iyagu ula wareegaan horumarinta mujtamacooda.

Kaalmeynta dadka saboolka ah, horumarinta sinnaanta ragga iyo dumarka, dimoqoraadiyadda, xquuqul insaanka iyo wax soo saar taya leh ayaa kamida waxyaabaha asaaska u ah mucaawinooyinka Danmark bixiso.





Casriyeenta ugu dambeeyey: 6/30/2006
Waxaa daabacay: The Ministry of Refugee, Immigration and Integration Affairs
Lamaanayaasha halka laga galo Wasaaradda Qaxootida, Laanta Socdaalka iyo Arrimaha Is-dhexgalka - Laanta Socdaalka Daanishka