6. GURYAHA
Tayada guryuhu waa sarreysaa
Heerka guryaha Danmark si aad u muuqata ayuu ugasoo reynayey lagasoo billaabo 1950meeyadii. Marka uu dakhliga deenishku tartiib usii kordhaba, waxaa lasii dhisaayey guryo waaweyn. Isla markaana qoysasku waxay dhalayeen carruur tira yar, gaar ahaanna laga billaabo 1960meeyadii dad badan ayaa kali kali ama labo labo u deggan guri ama abaartamento. 1955 in ku dhow kala bar dadweynuhu waxay degganaayeen guryo ka yar qofkiiba hal qol. 45 sano kadib waxaa caadi noqotay in qoyska qof walba qol yeesho.
1970 guryaha seddax meeloodoo meel ayaan laheyn qubeys u gooniya, suuli ama kuleylka dhexe. 2000 waxay u degtay boqolkiiba toddoba kaliya, waxayna eysan gaar ahaan laheyn oo kliya qubeys u gooniya. In yar maahee guryaha casriga ah oo dhami waxay leeyihiin kuleylka dhexe ama kuleylka fog. taasoo laga wado, in kuleylku ka yimaado warshadda kuleylka dhexe soo deysa, taasoo isticmaasha olyo ama gaaska dabiiciga ah. Gurya tira yar ayaa weli lugu kululeeyaa foornooyin ku shaqeeya olyo ama Betroleum.
Gaar ahaan 1960meeyadii ayaa deenish badani degeen guryaha halka qoys ah (villooyin). 2000 waxay dadka guryaha halka qoys ah degani ku laban laabmayeen kuwii 1955kii. Isla markaana waxaa hoos u dhacay qeybtii dadweynaha ka degganeyd guryaha dabaqa ah, oo hoos ugu dhacday boqolkiiba 50 ilaa boqolkiiba 30.
Tirada dadka guryaha iska leh ayaa si aada kor ugu kacday. Sababtuna maahan oo kaliya, in guryaha halka qoys deggan yihiin inta ugu badan ay yihiin kuwa ay ayagu leeyihiin. Laakiin sababtu sidoo kale waa, in qaar badan oo kamida guryaha dabaqa ah, oo marki hore ijaar ahaa, loo beddelay kuwa gaar ahaan loo leeyahay. Hase yeeshee gurya badan oo dhabaqyo cusub ah ayaa guryo la kireeyo ah.
Qiimaha guryaha kirada ah iyo kuwa la leeyahay aad ayuu u kala duwan yahay, taasoo ku xiran hadba meesha uu ku yaallo, da’da dhismaha, weynanka, iyo sida uu u dayactiran yahay.
Helitaanka meel aad degtid
Kiro, Qeybka gadasho iyo lahaansho
Guryaha ijaarka ah badankood waxay ku yaallaan dhismayaal dabaqyo badan ah. Qaar badan oo kamida waxaa laga dhisay baloogyo waaweyn, oo isku meel kaga yaalla xaafadda guryaha ee magaalooyinka waaweyn. Kumuunayaashu waxay heystaan cadad gurya ah, oo ay kamid yihiin guryaha dhallinyarada iyo waayeellada, kuwaasoo ay kireystayaasha siin karaan. Qofku waa inuu soo buuxiyaa shuruudo gooniya si loo siiyo guryahaas. Kumuunahaaga weydii fursadaha.
Sidoo kale waxaa jira shirkado birifaatiye oo guryaha kireeya. Dadka guryaha leh qaarkood ayaa sidoo kale iska ijaara hal ama dhowr qol. Waa dhif in guryaha halka qoys ah layska ijaaro.
Guryaha halka qoys ahi intooda badan waa gurya si gaara loo leeyahay, kuwaasoo lugu kala iibsado suuqa guryaha gaarka ah. Sidoo kale waa suuragal in la iibsado guryaha abaartamentooyinka ah ama kuwa safafka u dhisan (rækkehuse). Qaar ayaa waxaa leh ururrada saamilayaasha guryaha. Taasoo macnaheedu yahay, in la saa iibsado saami iyo sidoo kale xaqa in aad degto guriga.
Xayeesiimaha eeg ama dadka weydii
Haddii aad dooneyso meel aad degtid, waxaad:
- Weydiisan kartaa xafiiska guryaha ee kumuunaha.
- Isku qori kartaa liiska sugidda abaatamentooyinka ee shirkadaha guryaha*.
- Fiiri xayeesiimaha joornaallada maalinlaha ah ama jaraa’idyada xaafadaha*. Ama xayeesiin ayaad qoran kartaa
- Ka baaran kartaa Internetka. Halkaana bilaash ayaad xayeesiin ugu qoran kartaa. Internetka maktabadda ayaad ka geli kartaa.
- Rog bogogga "tilmaanta guryaha" ee bogagga jaallaha ah* ee buugga telefoonada.
- Ku dheji xayeesiin dukaamada xaafadda
- Weydii qoyska, asxaabta iyo macaruufka.

Dad badan ayaa deggan guri (villa) ay leeyihiin
Danmark dadweynaha boqolkiiba 63 ayaa deggan guri hal qoys kaliya. Waana gaar ahaan xaas carruur leh, intooda badanna ayaga ayaa guriga iska leh. Guryaha halka qoys kaliya ah intooda badani waa villooyin (parcelhuse), oo laga wado guryo kali kali u dhisan. Qaar kalena waa guryo saf ahaan u dhisan (rækkehuse).
Dadweynaha boqolkiiba 30 waxay deggan yihiin guryo ku yaalla dhismayaal dabaq ah . Waana gaar ahaan qof kali ah ilmana aan heysan. Guryaha dabaqa ah intooda badani waa guryaha kirada ah (lejligheder).
Dadka qaarkood waxay deggan yihiin gurya wadaag ah (kollektiv), oo qof walba qolkiisa leeyahay, waxayna wadaagayaan kharashka, sameynta raashinka iy howlaha kale ee guriga.
Dhallinyara badan ayaa abaartemento wadaaga, ama qol ka kireysta cid Villa iska leh.
Ardadu waxay qol ka kireysan karaan guryaha ardada (Kollegieværelse). Guryaha ardada arday badan ayaa degan mid walba qolkiisa leeyahay. Caadi ahaan qolalku waxay leeyihiin suuli iyo qubeys, halka ay wadaagaan kushiinka iyo qolka fadhiga.
Guryaha ijaarka ah
Guud ama gaara
Guryaha kirada ah waxaa leh shirkad biribaatiya ama shiradaha guryaha dadweynaha*. Waxaad isku qori kartaa liiska sugidda guryaha. Taasoo macnaheedu yahay in guri lugu siinayo markii magacaagu liiska usoo kor maro. Hase yeeshee sugiddu waxay qaadan kartaa sanado badan. Waydii shirkadda guryaha.
Shirkadaha guryaha ee biribaatigaa inta badan malahan liis sugid. Milkilaha ayaana gurigii bannaan qofkuu doono siiya.
Kontaraadda kirada
Xaq iyo waajib
Kireeyaha iyo kireystaha guriga labaduba waxay leeyihiin xuquuq iyo waajibaad. Waxayna ku xusan yihiin shuruucda kireynta. Waxaa kamida tusaale ahaan shuruucda fasixidda guriga. Kireyste ahaan waxaad sida caadigaa fasaxeysaa adigoo bixinaya 3 bilood oo digniina. Kireeyuhuna si kedisa dibedda kuuma xoori karo, haddii aad waajibaadkaaga dhowrto.
Shuruucda kireynta waxaa sidoo kale kamida xeerar ku saabsan heerka la doonayo ineysan kiradu dhaafin, cidda guriga dayactireysa, iyo meeqa qof ayaa degganaan karta.
Waxaad xaq u leedahay kontaraadda kirada
Sida uu ku xusan shuruucda kireynta waxaad dalban kartaa kontaraadda kireynta, oo qoreysa heshiiska adiga iyo kireeyuhu aad kala gaarteen. kontaraaddu sidoo kale waa iney xustaa ballan ku saabsan muddada digniinta ee aad guriga fasixi kartid. Sidoo kalena waa iney qeexdaa xaallada gurigu ahaanayo, marka aad ka guureysid.
Guriga ka fiiri dhaawac iyo nusqaan
Ha saxiixin kontaraadda adigoo aan kulligeed iska akhrin xataa sadarrada yar yar, hana saxiixin adigoo aan iska fiirin guriga iyadoo kireeyuhu kula joogo.
Haddii ay jiraan wax guriga ka halleysan ama ka maqan, waa in aad ku qortaa ama cad waraaqa oo kale ama kontaraadda lafteeda, oo kadibna adiga iyo kireeyuhu aad wada saxiixdaan. Haddii aad guriga ku aragto dhaawac ama wax ka maqan, marka aad soo degto kadib, waa in aad waardiyaha shirkadda ku wargeliso 14 maalmood gudahood. Markaa bixin meysid dayactirka dhaawacyo adigu aadan geysan.

Debaaji ama rahan
Dabaajiga kala heshii kireeyaha
Waa in aad ku xisaabtantid in aad bixin doontid debaaji ama rahan, kahor amase isla marka bixinta kirada guriga ee ugu horreysa. Inta uu noqonayase waa in adiga iyo kireeyuhu aad isku afgarataan.
Kireeyuhu wuxuu rahanta u isticmaali karaa inuu ku dayactiro dhaawacyada aad guriga u geysatid. Haddiise aad guriga uga guurto sidii uu ahaa markii aad soo degtay oo kale, waxaad xaq u leedahay inuu rahantaada kuusoo celiyo, marka aad guureysid.
Labada magac ku qor kontaraadda kirada
Haddii aad tihiin xaas guriga wada degaya, waxaa idiin furan in labadiinna magac aad kontaraadda ku wada qorataan. Sidaa ayaa midkiin guriga kusii degganaan karaa haddii qofka kale dhoofo ama aad kala tagtaan.
Meeqa qof ayaa deggan?
Waxaa jira xad u dhigan qolkiiba inta qof ee deggan
Kireeyayaasha qaarkood ayaa kontaraadda ku xusa inta qof ee ugu badnaan guriga degi karta. Kumuunayaashuna waxay dooran karaan iney xadeeyaan inta qof ee qolkiiba ka degi karta guriga. Kumuunaha weydii shuruucda arrintaa khuseysa.
Saacidaadda guryaha kirada ah
Kumuunaha ka weydiiso amaah iyo kabid
Waxaad kumuunaha ka codsan kartaa amaah aad deboosit ahaan ugu dhigato guriga. Kumuunuhu wuxuu isagoo tixraacaya xaaladdaada xagga dhaqaalaha iyo bulshada qiimeynayaa inuu amaah ku siiyo iyo in kale. Amaahda waxaad soo gudeysaa.
Kireyste ahaan waxaad sidoo kale kumuunaha ka codsan kartaa kabidda kirada oo loo yaqaan cemiska guriga. Kumuunuhu wuxuu cadadka kabidda ku jaangoynayaa:
- Meeqa qof ayaa guriga deggan
- Weynanka guriga
- Inta kiradu la egatahay
- Inta dakhligiinna guud la egayahay marka laysu geeyo.
Dadka howlgabka ahi waxay codsan karaan kaalma guri oo gaara.
Talabixinta dacwada
Haddii aadan ku qanacsaneyn go’aan kumuuhunu kaa gaaray, waxaad ka dacwoon kartaa. Waraaqda kumuunuhu kuusoo direy waa in ay ku qornaato talabixin dacwo oo kuu sheegeysa heyadaha aad u dacwoon karto, iyo muddada aad heysato.
Kireysasho ku meel gaara
Kireyste kasii kireyso
Waa suuragal in aad guri kasii kireysato kireyste ama qof saamile ah. Taana waxaa loogu yeeraa "Kireynta Kireystaha", waxaana la oggol yahay 2 sano, ama mudda ka badan, haddii milkiluhu uu oggolaado.
Beddelasho
Ka bedelo kireyste
Shirkadaha guryaha iyo guryaha saamileydu leedahay qaarkood waxaa suuragal ah in aad guriga ka beddelato kireyste kale. Taasoo macnaheedu yahay in haddii aad guri heysato aad ku beddelan karto mid ka yar ama ka weyn. Amase guri kale oo ku yaalla xaafad kale. Waydii xafiiska maamulka guryaha*, in aad guriga beddelan karto.
Iska horimaad iyo dacwo
Haddii adiga iyo kireeyuhu aad isku fahmi weysaan, tusaale ahaan, dayactirka, beddelasho ama sii kireynta, waad ka dacwoon kartaa. Haddii aad deggan tahay guryaha shirkadda dadweynaha, waxaad u dacwoon kartaa guddi dacwooyinka degganayaasha oo gaar ah. Weydii ururka degganayaasha* ama kumuunaha, sidii aad ula xiriiri laheyd guddigaa.
Haddii aad deggan tahay shirkad guryaha oo biribaati ah waxaad u dacwoon kartaa guddiga kirada guryaha*. Waana sidoo kale haddii aad deriska isku qabataan, tusaale ahaan, tan ku saabsan shanqar.
Latalin
Talabixin ku saabsan guryaha
Shirkadaha guryaha dadweynaha ee waaweyn qaarkood waxay leeyihiin waax dadka kala talisa arrimaha guryaha, kuwaasoo ku siinaya talooyin wacan oo ku saabsan arrimaha la xiriira guryaha. Sidoo kale waxay kaa caawinayaan in aad fahamto waraaqaha ku saabsan guriga.
Waad ka qeyb qaadan kartaa
Haddii aad deggan tahay guryaha xaafadda waxaad ka qeyb qaadan kartaa sidii xaafadda loo hagaajin lahaa. Waxaad ka qeybqaadan kartaa doorashada wakillada guddiga degganayaasha, guddiga guryaha wadaagga ah ama ururka dadka dhulka leh ama noocya kale oo degganayaasha ku lug leh. Waxaad ka qeyb qaadan kartaa shirarka iyo abaabullada degganayyashu qaban qaabiyaan. Waana in aad si firfircooni ah uga qeybgashaa, haddii aad tahay wakiil degganayaashu ay doorteen ama in aad soo jeediso abaabul ku wajahan carruurta iyo dadka waaweyn intaba. Sidaa ayaadna u saameynta kartaa guryaha xaafaddaada ulana kulmi kartaa deriskaaga.
Weydii marka aad soo degto, sida degganayaasha xaafaddu u kulmaan iyo inuu jiro urur degganayaasha*.
Dimoqoraadiyadda degganayaasha
Dimoqoraadiyadda degganayaasha guryaha shirkadaha dadweynaha
Shirkadaha guryaha dadweynaha waxay leeyihiin dimoqoraadiyad degganayaasha oo horumarsan, taasoo macnaheedu yahay in degganayaashu ay iska dhex doortaan wakiillo uga qeybgala guddiga degganayaasha, kaasoo saameyn ku yeelanaya, tusaale ahaan, sidii dhulka dadka kawada dhexeeya loo farsameyn lahaa. Wakiillada degganayaashu waxay sidoo kale isku raaci karaan nidaam shirciyeed guryaha, abaabulina karaan xarakaadyo loo dhan yahay.
Sidoo kale fursadda saameynta guryaha gaar ahaaneed
Sidoo kale shirkadaha guryaha biribaatigaa ee waaweyn waxaa degganayaashu iska dooran karaan wakiillo danahooha u qaabilsan xagga kireeyaha. Wakiillada degganayaashu waxay xaq u leeyihiin iney helaan xisaabaadka kireeyaha guryaha, uuna kala tashado, tusaale ahaan, inta kireeyuhu uusan kirada kordhin ama uusan dayactir xoog leh billaabin.
Guryaha degganayaasha iyo qolka wadaagga ah
Aadidda shirarka iyo xafladaha
Guryaha dadweynaha iyo kuwa saamileyda ah badankood waxay leeyihiin guryo degganayaasha ama qolal la isla wadaago, oo degganayaashu ay ku qabsan karaan abaabulla kala duwan. Haddii aad tahay deggane waad kireysan kartaa guriga degganayaasha, si aad xaflad ugu qabsatid.
Guryaha wadajirka loo iibsado
Guryaha saamileydu waa mid kamida guryo (villooyin) badan ama mid kamida abaartamentooyin badan, oo ay leeyihiin maamulaanna urur saamileyda guryaha. Si aad u hesho guri saamiya, waa inaad iibsato saami. Sidaa ayaadna wax ugu yeelaneysaa dhismaha dhismaha oo dhan, xaqna ugu yeelaneysaa guri. Saamiga kasokow waa in aad kiro siineysaa ururka saamileyda.
Waxaad ka qeyb qaadaneysaa go’aaminta sharciyada iyo dhaqdhaqaaqyada
Saamile ahaan waxaad isla markaa xubin ka tahay ururka saamileyda dhismaha. Halkaa waxaad adiga iyo saamileyda kale wada go’aamineysaan, tusaale ahaan, abaabullada ururku sameynayo iyo shuruucda khuseynaya ururka iyo degganayaasha.
Shirweynaha guud ayaa go’aaminaya kirada guryaha iyo qiimaha saamiga
Go,aamada muhiimka ah ee ururka saamileyda dhismaha waxaa lugu gaaraa shirweynaha guud ee sanadlaha ah.
Waana shirweynaha guud cidda go’aamineysa meeqa ayuu qiimaha saamigu noqonayaa iyo inta kirada lala ekeysiinayo. Meelaha qaarkood qiimaha saamigu aad ayuu u yar yahay, hase yeeshee kirada bisha ayaa badan. Meela kalena waa taas caksigeeda. Hase yeeshee guryaha saamileyda intooda badan waxay ka qiima jaban yihiin guryaha gaarka loo leeyahay.
Guryaha sida gaarka loo leeyahay
Guri gaar loo leeyahay wuxuu noqon karaa guri villaa ama abaartamento uu qofku iibsado.
Ogolaashada gadashada guryaha
Si aad u iibsan kareyso guri lahaansho gaar ahaaneed waa in aad leedahay dhalashada deenishka. Hase yeeshee haddii aad sharci leedahay waxaa laga yaabaa in luguu oggolaado, haddii aad codsato. Foomka codsiga waxaad ka heli kartaa Wasaaradda Cadaaladda.
Dallaalka guryaha iyo qareen
Talabixin ku saabsan sharciyada iyo xuquuqda
Guryaha lahaanshaha gaar ahaaneed intooda badan waxaa la gadaa ayadoo la adeegsanayo dallaalka guryaha. Eeg xayeeysiimaha joornaallada ama Internetka, ama dallaalka guryaha ee xaafadda aad dooneysid in aad guri ka iibsatid.
Dallaalka guryaha marka ugu horreysa wuxuu metelayaa gadaha, hase yeeshee wuxuu iibsadaha siin karaa talooyin la xiriira sharciyada iyo xuquuqda la xiriira beeca. Waad dooran kartaa in aad guri iibsato dallaalka guryaha la’aantii.
Had iyo jeer adeegso qareen
Hase yeeshee iyadoo aan eegin qaabka aad dooraneysid, waxaa wanaagsan in aad qareen adeegsato. Sidaa ayaadna ku hubsaneysaa in dantaada la tixgeliyey. Sidoo kale qareenku wuxuu ku jiraa ceymis megdhaw kabixinaya wixi khalad ah ee qareenku galo.
Amaah
Bangi mase heyadda amaahda hantida maguurtada ah
Waxaad lacag guri gadasho ka amaahan kartaa bangiga ama xarunta amaahda guryaha*. Bangigu wuxuu intuusan kuu oggolaan qiimeynayaa sida aad amaahda dib ugu gudi karto. Halkan waxaa door weyn ka dheelaya in aad shaqeyso iyo in aad dakhli joogta ah leedahay. Xarunta amaahda guryahase guriga ayaad rahan u dhigeysaa.
Sharciyada ku saabsan guryaha iyo nawaaxiga guryaha
Waardiyaha
Dhameynaya waxyaabaha yar yarka ah
Dhismayaasha la kireeyo iyo guryaha saamileyda intooda badan waxay leeyihiin waardiye u shaqeeya milkilaha, wuxuuna qabtaa howlaha asaasiga ah sida tusaale ahaan dayactirka meelaha wadaagga ah. Waardiyuhu wuxuu sidoo guryaha ka fuliyaa dayactirro yar yar ama wuxuu ugu yeeraa farsamayaqaan. Waardiyuhu wuxuu yaqaannaa xerarka shuruucda iyo nidaam sharciyeedka guryaha.
Weydii wixii aad ka shakisid
Dhismayaasha la kireeyo iyo guryaha saamileyda intooda badan waxay leeyihiin nidaam sharciyeedyo. Waxaana sameeyey milkilaha guryaha ama degganayaasha ayaa go’aansaday. Nidaam sharciyeedku wuxuu dhigayaa sharciyada sida dhaqidda jaranjarada, nadaafadda, xayawaanaadka, iyo xereysashada baaskiillada iyo gaariyaasha carruurta.
Haddii shaki kaaga jiro xeerarka nidaam sharciyeedku qorayo, haddaba weydii waardiyaha ama deriskaba.

Shanqar iyo xaq dhowr
Marka dad badan ay isku meel wada deggan yihiin, si gaara ayey muhiim u tahay, in lays xaq dhowro. Taasoo macnaheedu yahay in la dhowro nidaamka guryaha, oo guud ahaanna la ixtiraamo deriska, oo aan la buuqin ama aan la sameyn wasaq dhibeysa dad kale.
Guryaha dabaqa ah derisku kama maadan karaan in ay is maqlaan. Tallaabada dhulka la dhigayo, codka dheer, ooyinta carruurta iyo codka TVga iyo muusig mar mar ah intuba waxay la xiriiraan nolol maalmeedka.
Hase yeeshee haddii shanqar caadi ahi noqoto qeyla joogta ah, taasi markaa waa wax aan loo dulqaadan karin. Haddii aysan wax ka beddeleyn inaad la hadasho deriska shanqaraya, waxaad la hadli kartaa guddiga ururka degganayaasha ama waxaad u dacwoon kartaa waaxda dacwooyinka degganayaasha kumuunaha ama guddiga kirada guryaha*. Taasina waxay keeni kartaa in deriska shanqaraya lugu khasbo inuu guuro.
Qashanka
Kala soocidda qashanka
Kumuunayaashu waxay leeyihiin sharciyo kala duwan oo ku saabsan sida qashaanka loola tacaalayo. Meela badan waa in degganayaashu qashanka kala soocaan kadibna ku ridaan mid walba weelka ama konteenarka loogu tala galay. Taas macnaheedu waa in qashanka kushiinka, dhalooyinka iyo waraaqaha mid kasta konteenarkiisa lugu rido.

Shuruucda sida gaar ka ah u khuseysa qashanka khatarta u ah bii’adda iyo caafimaadka
Rinjiga gaboobay, olyada, bateriga iyo haraaga daawada, kuwaasoo khatar ku noqon kara bii’ada iyo caafimaadka, waa in la geeyo meelaha sida gaarka ah loogu uruuriyo. Qashinka waaweyn sida moobilka iyo firinjiteerrada waa in la geeyo goobaha qashinka ee mar labaad la isticmaali karo*. Weydii kumuunaha sharciyada khuseeya meesha aad deggan tahay.
Anteenada
Anteenada wadaaggga ah ee guryaha kirada ah
Guryaha kirada ah intooda badan waxay nidaam anteena wadaag ah, oo isla markiiba aad kamid tahay marka aad guriga soo degto. Waxayna noqon kartaa nooca loo yaqaan "Hybridnet" (Kabel-tv) ama qalab anteena dadka kawada dhexeysa. Caadi ahaan wuxuu qarashka anteenadu lasocdaa kirada guriga.
Waxaad anteenna dhegsan kartaa oo kaliya marka milkiluhu kuu oggolaado.
Ururrada dadka guryaha leh qaar ayaa anteena wadaaga leh
Haddii aad deggan tahay guri aad leedahay waad xiran kartaa anteena kuu gooniya. Waxaase dhici karta in ururka milkilayaasha guryuhu* ay leeyihiin nidaam anteena wadaag ah.
Ururrada anteenada ayaa xukuma kanaallada
Qaar badan oo kamida nidaamyada anteena wadaagga ayaa waxaa u sameysmay qaab ah urur anteeno. Hakaana waxaad ka qeybgeli kartaa go’aanka kanaallada laga fiirsan karo guryaha xaafaddaada.
Korontada, Biyaha iyo kuleylka
Canshuuraha dadbani waa badan yihiin
Danmark isticmaalka korontada, biyaha iyo kuleylku guud ahaan waa qaali. Bulshadu waxay daneyneysaa iney xadeyso isticmaalka tamarta si ay badbaadiso bii’ada. Sidaa darteed ayaa canshuuraha isticmaalka tamartu u sarreeyaan.
Waad yareyn kartaa isticmaalkaaga korontada, biyaha iyo kuleylka, tusaale ahaan adigoo:
- Daminaaya nalalka qolalka aan la joogin.
- Isticmaalaya nalalka koronta cuniddoodu yar tahay. Nalalkaasi caadi ahaan waa ka qaalisan yihii kuwa caadiga ah, hase yeeshee 10 jeer ayey ka cumri dheer yihiin.
- Ku qubeysanaya tubbada shaawarka, meesha aad berkedda ka isticmaali laheyd
- Alaabta ku dhaqanaya weel biyo ku jiraan, ee aadan isticmaalin biyo iska soconaya.
Bedelidda Dhismaha
Sharciyada korontada, biyaha iyo kuleylka
Haddii aad guriga adigu leedahay, sidii aad doonto ayaad gudihiisa u habeysan kartaa ama dib ugu dhisan kartaa. Ayadoo la taxaderaayo amaanka ayaase waxaa jira sharciyo dhowr ah kuna saabsan gelinta korontada, biyaha iyo kuleylka. Qaarkoodna waa iney geliyaan farsamayaqaanno la aqoonsan yahay. Haddii aadan sharciga dhowrin, Ceymisku ma bixinayo magdhawga wixii dhaawacyo ah oo yimaada.
Kala tasho kumuunaha wixii ballaarin ah
Haddii aad dooneysid in aad si weyn u bedesho dibedda sida tusaale ahaan dhisidda koridoor ama barando, ama aad dooneysid in aad dhisato daash ama garaash baabuur, waxaa haddaba jira shuruuc iyo qawaaniin badan oo ku saabsan weynanka iyo qaabkaba. Haddaba la xiriir xafiisyada ku shaqada leh ee kumuunaha si aad hore ugu heshid oggolaashooyinka lagama maarmaanka ah.
Dadka saamiyada leh waa iney guddiga wargeliyaan
Haddii aad kamid tahay ururka guryaha wadajirka loo iibsado, waa in aad iska hubisaa in xeer hoosaadka ururku dhigayo wax xadeyn gaara ah inta aadan dhismaha ku dhaqaaqin.
Kireystayaashua iyo kireeyuhu waa ka ballamaan wixii beddelid ah
Haddii aad guriga kireysatay, waxaad guriga ku sameyn kartaa isbedello iyo hagaajin xadeysan.
Si xor ah ayaad u rakiban kartaa mashiinnada dharka ama alaabta dhaqa, waase in rakibaadda la ansixiyaa. Haddii aad dooneysid in aad sameysid isbeddello waaweyn sida in aad dhisato kushiin cusub ama aad dayactirtid musqusha, waa in aad oggolaasho uga heysataa kireeyaha. Qarashka shaqada adiga ayaa iska bixinaya, waxaase laga yaabaa in lacagta qaar uu kuu celiyo kireeyuhu, marka aad guureysid.
La hadal kireeyaha ama xafiiska maamulka dhismaha, ka hor inta aadan howlgelin.

Ceymiska
Magdhawga xatooyada, gubasha iyo fatahaadda
Ceymiska degaanku wuxuu khuseeyaa inta guriga ku nool oo dhan, wuxuuna megayaa hantida sida moobilka, dharka, qalabka muusigga iyo TV, haddii la xado ama ay ku baaba’aan tusaale ahaan dab ama fatahaad. Xatooyada waa isla markiiba booliska lugu wargeliyo, haddii kale ceymiska magdhaw kama heleysid.
Haddii aad deggan tahay qol kiro ah
Inkastoo aad qol kira ah ka deggan tahay villo ama abaartamento, waa muhiim in aad leedahay ceymis adiga degaankaaga daboolaya.
Guurid
Waa in aad wargelisaa marka aad guureysid
Kumuunayaashoo dhan waxay diiwaan geliyaan dadka kumuunaha deggan. Haddaba haddii aad guureysid waa in aad kumuunaha lasocodsiisid. Waana iney noqotaa ugu dambeyn shan maalmood kadib, marka aad guurtid.
Galka guuritaanka ka qaado boostada
Xafiiska boostada ayaad ka heli kartaa galka guurista, oo ay ku dhan yihiin dhamaan waraaqaha iyo foomamka aad isticmaaleysid, marka aad sheegeysid guurista.
