Bogga hore

9. SHAQADA IYO SUUQA SHAQADA



Nolosha shaqaalanimada ee DanmarkAudio

Shaqo heysashadu waxay leedahay qiima weyn

In aad heysato shaqo waxay ku siineysaa isku kalsooni iyo in lugu qadariyo intaba, waayoo waxay qofka u keeneysaa inuu naftiisa iyo qoyskiisaba biisho, sidoo kalana waxay qofka u keeneysaa inuu gacan siiyo wadajirka.

Intooda badan waxay xiriir la leeyihiin suuqa shaqada

Danmark waxay dadka ugu badan ee da’da shaqadu ku xiran yihiin suuqa shaqada. Waxayna khuseysaa rag iyo dumar intaba, oo ilaa heer ay tira isku mid ahi ku jiraan suuqa shaqada.

Dadka intooda waxay u shaqeeyaan dad kale - shirkado biribaatiya ama shirkado dowliya -ayagoo mushaar qaata. Waxaase jira dad kale oo badan, oo ganacsato madax banaan ah, oo ah dukaan, maqaayad, shirkad ama beero u gooniya.

Shaqada Danmark.
Heerka suuqa shaqada ee dadka u dhexeeya 16-66 sano, ee 1. janaayo 2001:

    Cadadka oo tiro dhan ah Percent
Inta shaqeysa 2.681.438 75%
Inta aan shaqeyn 118.520 3%
Ka baxsan cududda shaqaale 798.346 22%
Wadar 798.346 100%
Kilde: Danmarks Statistik

Suuqa shaqada ee khibradaha gaarka ah

Suuqa shaqada deenishku waa mid aad takhasus u leh. Sidaa darteed waxaa la raadiyaa khibrado iyo aqoon ku haboon suuqa shaqada. Waxayna khuseysaa, ayadoo aan loo eegin inuu qofku ka shaqeynaayo nadaafad, wershed, injineernimo, ama guryaha xanaanada waayeellada. Sidoo kalena waxay khuseysaa haddii qofku maamulaayo dukaan ama shirkad uu leeyahay.

Maxaad hore u awoodda?

In aad ka bilaawdo ka faa’iideysiga fursad waxbarasho ama aad isku daydo in aad suuqa shaqada toos u gasho waxay ku xiran tahay, waxa aad hore u taqaan. Haba yaraatee haddii aadan wax tacliina laheyn, waxaa laga yaabaa in arrinta ugu macquulsani tahay in aad ku bilaawdo shaqada gacanta - ayadoo laga yaabo in aad koorsooyin gaagaaban qaadato, oo kuu sahlaya fulinta shaqadaa.

Yeelo aqoonta suuqa shaqada

Shaqada ugu horreysa laga yaabee ineysan noqon mid mushaar fiican leh. Waxaana sidoo kale laga yaabaa ineysan kamid noqon shaqooyinka aad aqoonta u laheyd ama aad si aada u dooneysay in aad ka shaqeyso. Laakiin waxay ku siin kartaa aqoontii suuqa shaqada ee kuu furi laheyn albaabka shaqo wanaagsan.

Qeybaha ku saabsan barnaamijka soo dhoweynta deganayaasha cusub iyo iskuul iyo waxbarasho ayaad ka akhrisan kartaa wixii dheeraada ee ku saabsan sidii aad u kobcin laheyd cilmigaaga, tusaale ahaan adoo adeegsanaya waxbarasho ama tababar shirkadeed.

Dad badan ayaa shaqooyinka doonaya

Cidina shaqo iskuma hubto. Markii aad ku dhaqaaqdo in aad codsatana waxaad ogaan doontaa in dad badani halka shaqo wada codsanayaan. Si gaara ayeyna u adag tahay, haddi qofku uusan aqoon laheyn, iyo haddii qofku uusan af deenish ku hadleyn.

Baahida loo qabo cudud shaqaale oo shaqada kabixi kara

Shaqa la’aantu Danmark aad ayey ugu badan tahay dadka ajaanibta ah dhexdooda - xatta in kastoo shaqa la’aanta guud ey Danmark hoos ugusii dheceyso laga bilaabo qiyaastii 10% 1990meeyadii ilaa 5% sanadkii 2001. Hoos u dhacaas wuxuu keenay waaxo farabadan looga baahan yahay cudud shaqaale oo wax taqaan. Deganayaasha ajaanibta ah, ee ku hadla afka deenishka isla markaana tacliinta leh, aad ayaa sidaa darteed weli loo daneeyaa.

Suuqa shaqada deenishka

Nooca suuqa shaqada deenishka

Danmark waxay shaqaalaha iyo shaqabixiyaashu isla gaaraan heshiisyo madax banaan oo ku saabsan tusaale ahaan mushaarka, waqtiga shaqada, waxbarasho iyo sharciyada la xiriira rukhseynta. Marka loo eego dalal kale oo badan Danmark kama jirin dhaqanka ah in sharciyo laga soo saaro arrimahaas. Sidaa darteed ayaa laga hadlaa "nidaamka suuqa shaqada deenishka".

Waajibka nabadda ee muddada heshiiska

Dowladdu mar dhifa ayey faraha la gashaa wada xaajoodyada suuqa shaqada. Marka heshiis labada ay isku raacaan, waajib nabadeed ayaa ka jira suuqa shaqada deenishka. Waxaa laga wadaa, in aan shaqa joojin iyo irid kaxirasho midna aan la sameyn karin muddada uu heshiisku khuseeyo.

Suuqa shaqada ee nidaamsan

Waqtiga hadda la joogo waxaa u taalla suuqa shaqada deenishka, in waqti shaqo oo buuxaa yahay asbuucii 37 saacadood iyo fasax 5 asbuuca oo mushaar leh. Ragga iyo dumarka intuba waxay xaq u leeyihiin fasax dhalmo. Waxaa jira sharciyo adag oo la xiriira bii’ada shaqada iyo amaanka. Carruurta da’doodu 13 sano ka yar tahayna waa ineysan guriga dibeddiisa ka shaqeyn.

Ururrada shaqaalaha

Inta ugu badan waxay ka tirsan yihiin urur shaqaale

Danmark waxaa ka jira dhaqan fog oo ah, in shaqaaluhu ay xubin ka yihiin urur shaqaale. Ururrada shaqaaluhu waxay u adeegaan danaha xubnaha ee ku wajahan shaqabixiyaasha, waxayna u sugaan mushaar iyo xaalado shaqo oo macquul ah.

Xaalado hubban oo habeysan

Sidoo kale shaqabixiyaashuna si aad ah ayey ugu mideysan yihiin xiriirro shaqabixiyaal. Shaqabixiyaasha intooda badan waa doonayaan iney la shaqeeyaan ururrada shaqaalaha. Waxayna u arkaan faa’iido, in shaqaaluhu qanacsan yihiin oo ay ku kalsoon yihiin goobta shaqada. Isla markaana waxay shaqabixiyaasha u sugeysaa in xaaladdu degan tahay, marka loo eego tusaale ahaan mushaar koror, shaqa joojin iyo waqtiga shaqada.

Xorriyadda ururnimada

Danmark xoriyad xagga urur sameysashada ayaa ka jirta. Sidaa darteed shaqabixiyuhu uma diidi karo qofku inuu urur shaqaale ku biiro. Taas caksigeedana dadka aad wadashaqeysaan kuguma xiri karaan xubin ka tahay. Goobaha shaqada intooda badan waxay dadka aad wada shaqeysaan hase yeeshee rejeynayaan in aad xubin ka tahay ururka shaqaalaha ee heshiiska kula jira shaqabixiyaha. Waayoo waxay ka baqayaan in aan la sugi kareyn mushaar iyo xaalado shaqo macquul ah.

Ururkee shaqaale ayaad ku biireysaa waxay ku xiran tahay ururka ururiya koox xirfadeedkaaga. Haddii aad xubin ka tahay urur shaqaale waa in aad dhiibto lacagta xubinnimada ururka shaqaalaha.

Haddii aad shaqa beesho

Haddii aad shaqa beeshso, marka aad gashay ceymiska shaqa la’aanta kadib, waa in aad:

  • La xiriirto xafiiska shaqada (AF) ee xaafadda aad degan tahay.
  • Halkaa shaqa laawe ahaan ayaa luguu diiwaan gelinayaa, kaarka lacagta maalinlaha ah (dagpengekort) ayaana lugu siinayaa, kaasoo aad u isticmaaleysid in a-kaasuhu ku siiyo lacagta maalinlaha ah.
  • Waa in aad diyaar u tahay suuqa shaqada. Taasoo loola jeedo in aad digniin maalina gudaheed shaqo aqbasho, haddii fursadda aad hesho.
  • Waa in aad adigu ku dadaasho in aad shaqa hesho, inta aad qaadatid lacagta maalinlaha ah.
  • Haddii aysan kuu hirgelin, waa in xafiiska shaqadu ku dadaalaa inuu kuu fidiyo tababar, halkaasoo aad aqoon kororsan karto ayadoo la adeegsanaayo koorsooyin ama tababar shirkadeed.

Ceymiska shaqa la’aanta

Marka aad shaqo bilaawdo waxaa wanaagsan in aad iska diiwaan geliso sanduuqa shaqa la’aanta*. Waxay fursad kuu siineysaa in aad hesho kaalmo iyo saacidaad dhaqaale - lacagta shaqa la’aanta maalinlahaa* - haddii aad shaqa beesho. Qarashka xubinnimada ururka shaqaalaha iyo sidoo kale lacagta xubinnimada sanduuqa shaqa la’aanta labadaba waxaa laga jaran karaa canshuurta.

Waa in qofku sanduuqa shaqaalaha xubin ka ahaado hal sano, inta uusan xaq ugu yeelan karo lacagta maalinlahaa haddii uu shaqa beelo.

Nolosha goobta shaqada

Goobta shaqadu dowr dhextaal ah ayey uga ciyaartaa dadka intooda badan

Farqi weyn ayaa u dhexeeya goobaha shaqada ee Danmark. Laakiin waxay kawada siman yihiin, iney dowr dhextaala ka dheelaan nolosha dadka intooda badan. Shaqo nololeed wanaagsan, asxaab fiican iyo xaaladda shaqada oo wacan ayaa kamida gaaridda nolol tayo sare leh.

Kamid ahaanshaha asxaabta ee muhiimka ah

Si heer sare ah ayey masuuliyadda shaqaalaha u tahay iney goobta shaqada ka dhigtaan meel joogitaan ku habboon. Halkaana la joogidda asxaabtu waxay ka tahay qeyb muhiima.

Xafladaha iyo khamriga ee goobta shaqada

Goobaha shaqada intooda badan xilliga shaqada khamri luguma cabi karo. Laakiin abaabullada ijtimaaciga ah ee kala duwan ee lugu qabto goobta shaqada - xilliga shaqada kadib - waxaa marar badan lugu cabaa khamri.

Waxaa kamida xafladda gebegebada yuulka ee sanad walba, halkaasoo qofku quraacda dusheeda ku yiraahdo asxaabtiisa yuul iyo sanad wacan. Waxaa kamida safarro gaaban iyo xaflado. Meelaha qaarna waxaa weli caada ah la cabo "biirka waqtiga xiritaanka" ee jimcaha marka waqtiga shaqadu dhamaado.

Dhibaatooyinka goobta shaqada

Waxaa goobta shaqada ka abuurmi kara dhibaatooyin kala duwan. Waxaa ka jiri kara xaalado xagga caafimaadka iyo amaanka ah oo xun. Waxaa ka jiri kara wadashaqeyn xumo ama - marar dhifa - xataa rakaato, aflagaado ama henjebaad. Arrimahaasoo kale dabcan waa inaan loo dulqaadan.

Intooda badan wakiil shaqaale ayey leeyihiin

Goobaha shaqada intooda badan waxay shaqaaluhu doortaan wakiil shaqaale*, oo uga wakiila shaqabixiyaha. Wakiilka shaqaaluhu waa wakiilka ururka shaqaalaha ee goobta shaqada.

Haddii dhibaata kaa heysato goobta shaqada ama ey kula tahay in si xun ama xaq darro luguula dhaqmay, la xiriir wakiilka shaqaalaha. Kaasina wuxuu kiiska u bandhigayaa shaqabixiyaha ama ururka shaqaalaha. Wakiilka shaqaalaha waxaa laga badbaadiyey in shaqada laga eryo, wuxuuna sidaa darteed soo dhexgeli karaa iska horimaadyada dadka kale ku adag. Haddii aadan laheyn wakiil shaqaale, waa in aad la xiriirto ururkaaga shaqaalaha - ama haddii kale toos ula xiriir madaxda - haddii dhibaato jirto.

Wakiilka amaanku wuxuu isha ku haayaa bii’ada shaqada

Gooba shaqo oo badan waxaa sidoo kale shaqaaluhu doortaan wakiil xagga amaanka*, oo il gaara ku heynaya bii’ada shaqada. Wakiilka amaanku waa inuu sugaa, in shaqaaluhu tusaale ahaan eysan ku shaqeyn mashiinno khatar ah ama waxyaabo caafimaadka halis u ah ayagoo aan gashaneyn qalab ka difaaca oo sharciyeysan.

Dhaawacyada shaqada waa in laga warbixiyaa

Haddii aad ku dhaawacanto goobta shaqada, waa in wakiilka amaanka ama shaqabixiyuhu ku dadaalo in dhaawac shaqo ahaan loogu wargeliyo Waaxda Kormeerka Shaqada* iyo Waaxda dhaawacyada Shaqada*. Intaa kadibna waxaa la qiimeynayaa in aad heli karto magdhaw.

Midab takoor

Waa mamnuuc in qofka suuqa shaqada lugu midab takooro sababtoo ah jinsi, asal, midab, diin, aragti siyaasadeed, nolosha xagga jinsiga, dal ahaan, bulsho ahaan, ama meesha uu ka yimid.

Haddii aad xubin ka tahay urur shaqaale wuu ku saacidi karaa, haddii mamnuucidda lugu xadgudbo.

Helitaanka shaqadaAudio

Shardi ku wajahan aqoonta afka deenishka

Waa adag tahay in aad shaqo hesho, haddii aadan ku hadleyn xoogaa af deenish ah. Shardiga aqoonta af deenishka shaqooyinku isaga mid maahan. Laakiin xataa shaqooyinka gacanta waxaa muhiima in qofku fahmi karo tilmaan-bixinnada iyo buugaagta tixraaca.

Inkastoo maanta baahi shaqaale oo xoog leh ey ka jirto waaxo badan, qaarka afka deenishka ku hadla ayaa horta ka gelaya safka shaqada.

Iska codsahaay

Qaar badan oo ajaaniba - xataa kuwa aadka wax u yaqaan - waxaa dhibaato ka heysataa xataa iney soo gaaraan wareysiga shaqaaleynta. Waxaan kaxunahay ineysan jirin wax la sameyn karo oo aan aheyn in aad iska codsaheyso, ilaa aad ka hesho shaqabixiyaha fahmi kara isticmaalina kara aqoontaada.

Jidadka badan ee shaqada loo maro

Adiga ayeyse kugu xiran tahay in aad gasho dadaal dheeraada si aad shaqo u hesho. Waxaana jira jidad badan oo shaqada loo raadsado:

  • Fiiri xayeesiimaha shaqada ee joornaallada iyo magasiinnada xirfadaha.
  • Weydii ama u qor codsiyo aan la weydiisan goobaha shaqada aad dooneyso in aad ka shaqeyso.
  • Isticmaal xiriiradaada gaarka ah ee dad kale oo hore ugu jira suuqa shaqada.
  • Raadso warbixin iyo kaalmada xafiiska shaqada.
  • Raadso warbixin iyo talada ururkaaga shaqada.
  • Shaqo ka raadso xafiisyada shaqo qorista ee biribaatiga ah.
  • Internetka ka raadso (internetka waxaad ka geli kartaa maktabadda).
  • Adigu xayeesiin ku qoro joornaalka ama internetka.
  • Ka raadso talabixin kumuunahaaga ama xafiiska shaqada ee la xiriirta sidii aad u xoojin laheyd aqoontaada.

Codsi iyo wareysiga shaqada

Codsiga qoraalka ah

Marar badan waxaa lugu weydiin doonaa in aad codsi shaqo oo qoraala dirto. Waxaad markaa saacidaadda qoridda codsiga ka heli kartaa xafiiska shaqada, kumuunaha ama ururka shaqaalaha.

Wareysiga shaqada

Marka luguugu yeero wareysiga shaqada, in ka badan hal qof ayaa inta badan goob jooga. Waxay tusaale ahaan noqon karaan sheefka iyo qof shaqaalaha wakiil u ah.

Wareysiga dhexdiisa waxay dhab ahaantii isku dayayaan iney ogaadaan in aad shaqada ka bixi karto aqoon ahaan - iyo in aad ku haboon tahay goobta shaqada.

Sidoo kale wareysiga u adeegso in aad si firfircoon u weydiiso waxyaabaha aad dooneyso in aad ka ogaato shaqada, goobta shaqada iyo waxa lagaa sugayo.

Kontaraadda shaqaaleynta

Marka lugu shaqaaleeyo, waa in lugu siiyo kontaraad shaqo. Waxaana ku xusan warbixin ey kamid yihiin:

  • Mushaarka iyo waqtiga shaqada
  • Fasaxa
  • Xilliyada shaqada lasoo galo
  • Digniinta rukhseynta.

Shaqabixiyaashu waxay xoogga saarayaan:

Deenish wanaagsan lana fahmaayo, una dhigma shuruudaha shaqada u dhigan. Khibrad shaqo oo dhaxgal ah Codsi qoraala oo qeexan aadna loo qurxiyey, luguna soo lifaaqay "curriculum vitae" - oo ah sharaxaad kooban ee ku saabsan tacliintaada, khibraddaada shaqo, da’daada iyo waxa aad daneyso - caddeynta aqoontaada. Tusaale ahaan, koobiga caddeynta imtixaanaadka, shahaaddada koorsooyinka iyo waraaqaha warbixinta ah. Codsigu waa inuu sidoo kale ka hadlaa xiisahaaga waqtiga fasaxa, oo ay kamid tahay haddii aad ka qeyb qaadatay shaqo tabaruca. Kartida iyo rabitaanka shaqeynta si madax bannaani ah iyo la shaqeynta dad kale. Qaninimada talakeenidda Jajabnaan iyo u furnaanta arrimo cusub.

Furashada shirkad ganacsiAudio

Shuruuc iyo qawaaniin farra badan

Bulshada deenishku waxay u baahan tahay dad leh hal abuur iyo rabitaanka iney aasaastaan shirkad ey ayagu iska leeyihiin. Laakiin in shirkad la sameysto waxay u baahan tahay ka baaraan degid iyo diyaar garow badan. Waayoo ayadoo aan loo eegin nooca shirkadda aad furaneyso, wada jira shuruuc iyo qawaaniin kala duwan oo lagaa rabo in aad taqaan oo dhowrto.

Shirkadaha waa in laga diiwaan geliyaa xafiiska canshuuraha ee maxalliga ah. Waa in si xiriira xisaabaad loogu geeyo xafiiska canshuuraha. Maqaayaddu waa iney codsataa shatiga khamriga kushiinkuna waa inuu soo buuxiyaa shuruudaha heyadaha caafimaadka u dhigan. Haddii luguu shaqeeyo, waa in aad u sameysaa ceymiska dhaawacyada shaqada iyo ceymiska caafimaadka. Hadafkuna waa in dadweynaha iyo shaqaalaha laga difaaco tusaale ahaan nadaafad darro, shilalka shaqada iyo khiyaanada canshuuraha.

Raadso talo iyo tusaale inta aadan ku dhaqaaqin

nta uusan qofku ku dhqaaqin inuu shirkad furto, waxaa jira fursado wanaagsan oo la xiriira in la helo talabixin. Waxaad tusaale ahaan la xiriiri kartaa xafiiska shaqooyinka maxalligaa ee kumuunaha, lataliyaha furashada shirkadaha ee heerka gobol ah, xafiiska canshuuraha iyo xafiiska shaqada oo aad ka heleyso faahfaahin dheeraada. Internetka ayaad ka heli kartaa faahfaahin ku saabsan fursadaha talabixineed iyo warbixin la xiriirta shuruucda, qawaaniinta, fursadaha maalgelinta iwm.

Fursadda tababaridda qofka aan shaqeynAudio

Tababarka dadka aan shaqo helin

Danmark waxay leedahay "shabakad amaan" oo aad u horumarsan, oo gacan ku siisa dadka aan heysan waxay biishaan, iney kobciyaan aqoontooda kuna biiraan suuqa shaqada. Inta haddaba qofku u diyaar yahay suuqa shaqada, waxaa qofka lasiinayaa caawimaad dhaqaale oo ah lacagta soo dhoweynta*, lacagta ceyrta ama lacagta shaqa la’aanta maalinlaha*.

Nidaamku wuxuu ku dhisan yahay mabda’a, in dhamaan dadka ey u suurageleyso, ey ayagu isdebberaan iyo mabda’a, in waajibaadka iyo xuquuqdu ey isku xiran yihiin. Haddaba waxaa qofka ku waajiba inuu raadsado shaqo, aqbalo shaqada kuna dheganaado. Haddii uusan qofku isla markiiba shaqo caadiya heli kareyn, waxaa - si uu u helo saacidaad dhaqaale - ku waajiba inuu guddoomo tababarka bulshadu u fidiso. Fidintaa waxaa ku hoos jirta, in dayacid iyo waajibka oo aan lagasoo bixin ey keeni doonaan cunaqabateyn, sida tusaale ahaan in qofku waayo dhamaan ama qeyb kamida saacidaadii dhaqaale ee caadi ahaan uu xaqa u lahaa.

Fursadda tababarka kumuunaha

Aqoon kororsi loo maraayo waxbarasho ama shaqo

Kumuunuhu waa inuu tusaale ahaan kuu fidiyo tababar* ku wajahan shaqo, taasoo la xiriirta barnaamijka soo dhoweynta degganayaasha cusub.

Qofku mar kale caawimaad kumuunaha waa ka heli karaa, haddii uu weli shaqa la’aan yahay seddaxda sano ee hore kadib ee Danmark. Sidoo kalana waa heli karaa, haddii uu shaqa beelo mudda kadib isla markaana uusan laheyn ceymiska shaqa la’aanta.

Kumuunuhu waa inuu fidiyaa tababar. Taasoo laga wado, in qofka tababarka ku jiraa uu garaadkiisa sii kordhiyo si uu u bilaabo waxbarasho ama shaqo, tusaale ahaan ayadoo la adeegsanayo koorsooyin shaqooyinka xirfadaha la xiriira iyo tababar shaqo oo shirkad lugu qaadanaayo.

Shardiga dadaalka dheeraadkaa ah

Saacidaadda dhaqaale ee qofku qaadanaayo inta uu tababarka ku jiro waxaa shardi u ah in qofku uu firfircooni dheeraada muujiyo. Haddaba waa inuusan qofku ka baaqan koorsooyinka iyo tababarka socda sabab la aqoonsan yahay - tusale ahaan in qofku jiran yahay.

Haddii qofka shaqo loo fidiyo, inta uu tababarka ku jiro, waa inuu qaataa. Haddii kale wuxuu halis u yahay inuu waayo lacagta soo dhoweynta ama kaalmada ceyrta oo dhan ama qeyb kamida.

Tababaridda shaqa laawayaasha ceymiska ku jira

Haddii aad xubin ka tahay sanduuq shaqa la’aaneed* (eeg qeybta ku saabsan ceymiska shaqa la’aanta), waxaad adigoo shuruuda dhowra soo buuxinaaya heli kartaa in luguu fidiyo tababar iyo kaalma dhaqaale, haddii aad haddana shaqa la’aan noqoto. Hadafku waa in aad aqoon sii kororsato sida ugu dhakhsaha badanna aad shaqo ugu hesho mar kale.

arqiga ugu muhiimsan ee u dhexeeya tababaridda shaqa laawayaasha ceymiska ku jira iyo kuwa aan ku jirin waa, in xafiiska shaqadu uu ka masuul yahay ku ceymiska ku jira, ee eysan kumuunaha aheyn.





Casriyeenta ugu dambeeyey: 6/30/2549
Waxaa daabacay: The Ministry of Refugee, Immigration and Integration Affairs
Lamaanayaasha halka laga galo Wasaaradda Qaxootida, Laanta Socdaalka iyo Arrimaha Is-dhexgalka - Laanta Socdaalka Daanishka